Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Cabdi Ilay Iyo Abiy Axmed

W/Q: Tifaftirka WardheerNews

“Mar ayay igu qasbeen in anigoo qaawan aan ku rafto meel dhiiqa ah ayagoo ulo igu garaacaya, maxaabiista kalena ay i daawanayaan,” ayay tiri Hodan oo 40 jir ah, isla markaana shan sano xirneyd ayadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxa ay intaa ku dartay, “Nin oday ah ayay ku qasbeen in asagoo qaawan uu la istaago gabadhiisa….. waa dareemi kartaa ceebta ay leedahay in sidaa qof lagu sameeyo asagoo ay fiirsanayaan maxaabiista kale.” Sidaa waxaa lagu sheegay warbixintii HRW ay ka soo saaratay xaaladda iyo xadgudubyada lagula kaco dadka ku jira xabsiga magaalada Jigjiga (Jeel Ogaadeen).

Cabdi Ilay, “waa la igu qasbay in aan dadka laayo’!

Tan iyo intii uu hoggaanka dalka Itoobiya la wareegay Ra’iisalwaraare Abiy Axmed, waxa uu qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagaga  guurayo siyaasadihii fadhiidka ahaa ee uu maamulkii ay Tigreegu horseedka ka ahaayeen ku hoggaaminayay Itoobiya 27kii sanno ee aan soo dhaafnay. Waa tallaabooyin Itoobiya iyo caalamkaba aad looga soo dhaweeyay. Waa isbedello saamayn weyn ku yeeshay guud ahaanba Itoobiya marka laga reebo deegaanka Soomaalida.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo cabudhis, caddaadis, dil, xadhig, kufsi, bahdil, musuqmqqsuq iyo dhibaatooyin kale oo badani ka jireen isaga xaaladdiisi wax  sidaasa oo iska beddelay ma jirto halkii laga filayay in ay ku naaloodaan neecawda xorriyaddeed ee ay heleen shacuubbta kale ee Itoobiya.

Haddii ay Itoobiya ka jirtay dad xuquuqdoodii asaasiga ahayd lagu tacadiyay, gabboodfalna lagula kacay muddadii ay Tigreegu xukunka hayeen iyo intii ka horreysayba waxaan shaki lahayn in Soomaalidu kow ka ahayd. Inkastoo dhibaatada shacabka soomaalida Itoobiya lagu hayaa ahayd mid marwalba taagnayd haddana waxay xadhkaha goosatay muddadii uu talada deegaanka hayay Cabdi ilay.

Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Ilay) oo tan iyo bishii Okt. 2010kii ka baarqabaynayay deegaanku, waxa uu ugu tagrifalay dadka iyo dalkaba sidii hanti uu isagu leeyahay. Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyana waxaa soo food saaray caddaadis xooggan, dil , kufsi iyo boob hanti dadweyne. Waxa uuna siduu doono u isticmaalay hantidii ummadda isagoo islamarkaana ku taxay jagooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah dhaqaalaha iyo amniga dad ay qaraabo dhow yihiin, oo ay aad u liidato waayo-aragnimadooda, aqoontooda iyo akhlaaqdooduba. Waxa xusid mudan in Cabdi Ilay reerkiisa hoose ay maanta ka taliyaan dhammaan laamaha ugu waaweyn dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Ilay

Dastuurkii, Baarlamaankii iyo xisbigiiba wax ay noqdeen wax aan jirin, awooddii oo dhammina waxay ku soo ururtay gacanta Cabdi ilay iyo ehelkiisa. Cabudhinta xad dhaafka aha ee uu dadka ku hayo isaga oo adeegsanaya ciidamada Liyu Boolis, waxay gaadhay heer aan horey loo arag maskaxda bani’aadamkuna qiyaasi karin. Shacabkii deegaanku waxay u qaybsameed wax la dilay ama la xidhay, wax naftooda dibadaha ula cararay iyo in cagta hoostooda la geliyay oo Aabo in ay ugu yeedhaan Ina Ilay wax aan ahayn laga maqli karin.

Waxa jira dhacdooyin aan xad lahayn oo dad Facebook, wax ku qoray loo dhibaateeyay ehelkoodii ama qaraabadoodii ama xabsi, dil, dhac iyo boob la iskugu daray, iyada oo  haba yaraatee aan la marin wax maxkamad ah. Cabdi Ilay waxa uu noqday shakhsiga keliya ee gacantiisa ku haya dhammaan awoodda laamaha kala duwan ee Dowladda, isaga oo laalay waxii sharci iyo nidaam garsoor ee ka jiray deegaanka.

Waxa  xusid mudan in warbixin bishan Julay 6-dii ay soo saartay  HRW lagu sheegay  in saameynta isbadallada cusub  ee Itoobiya ay horseedeen in Dowladda Itoobiya oo horey u beenin jirtay tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee lagu soo oogo,  uu  Ra’iisal wasaare Abiy Axmed 18-kii Juun, markii ugu horeysay uu baarlamaanka ka hor qiray in ciidamada ammaanka ay ku kaceen jirdil iyo argagax ay shacabka u geysteen.

Madaxweyna Cabdi Ilay, ayaa warbixintaasi oo ka kooban 88 bog, lagu sheegay in uu ka dambeeyay dilka, Kufsiga iyo ciqaabo naxariis darro ah oo lagula kacay maxaabiis laga soo buux dhaafshay Jeelka, loogu magac daray “ Jeel Ogaadeen”. Dadkaasi oo aan la marin wax sharci ah ama maxkamad ah, balse uu u adeegsaday ciidanka ka amar qaata ee Liyu Boolis oo iyaga xumaan iyo dhib kasta oo ay shacabka u geystaan aanu wax shaci ahi qaban.

“Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa qiray in xooggaga ammaanka ay jirdil u geysteen dad Itoobiyaan ah, balse weli waxba kama uusan qaban dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ah iyo xaqiijinta in laamaha ammaanka lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geysteen,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch. Waxa uu intaa ku daray, “Xaaladda argagaxa leh ee ka taagan Jeel Ogaadeen ayaa u baahan in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo ficillada madaxweynaha deegaanka, saraakiisha sarsare iyo ciidanka Liyu Booliska.”

Warbixintu tacadiyada dadka lagula kaco iyada oo ka hadleysa waxa lagu sheegay,  ”Mar ayay igu qasbeen in anigoo qaawan aan ku rafto meel dhiiqa ah ayagoo ulo igu garaacaya, maxaabiista kalena ay i daawanayaan,” ayay tiri Hodan oo 40 jir ah, isla markaana shan sano xirneyd ayadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxa ay intaa ku dartay, “Nin oday ah ayay ku qasbeen in asagoo qaawan uu la istaago gabadhiisa….. waa dareemi kartaa ceebta ay leedahay in sidaa qof lagu sameeyo asagoo ay fiirsanayaan maxaabiista kale.”

Haddaba iyadoo xadgudubyadaas iyo kuwo kale oo badan ba shacabka Soomaaliyeed uu ku hayay maamulka Cabdi Ilay ayaa dadku la yaabanyihiin sida gaabiska ah ee arrimahaas aan ilaa hadda wax badan looga qaban.

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay ka mid ahayd meelihii ugu horreeyay ee uu booqday Ra’iisalwasaare Abiy Axmed markii loo doortay hoggaamiyaha ururka EPDRF. Booqashadaas uu ra’iisalwasaaruhu ku tagay Jigjiga waxaa loo arkayay in ay marag u tahay muhimadda uu maamulkiisu siinayo wax ka qabashada xaaladda shacabka la dullaystay ee deegaanka Soomaalida balse hadda waxa uu xaalku u muuqdaa mid sidaa ka geddisan.

Abiy Axmed

Dr Abiy Axmed xukunka Tigreegu hadiyad umaanay siin ee waxa uu ku hantay kacdoono tolkiisu wadeen dhawrkii sanno ee aan soo dhaafnay, naf iyo maalna u hureen. Kacdoonadaas oo ay horseed u ahaayeen dhalinyarada xagjirka ah ee Oramadu waxa uu gilgilay maamulkii Tigreegu hoggaaminayay, taasoo ugu dambeystii ay ka fursanwaayeen, dantuna badday in Oramada ay xukunka u dhiibaan.

Inkasto deegaanka Soomaalida bilihii ugu dambeeyay ay soo ifbaxaysay dhiiranaan aan hore uga jirina oo lagaga soo horjeeddo Maamulka Jigjiga ee Cbdi Ilay ka baarqabeeyo haddana taasi ma noqon kacdoon shacab oo horseeda  isbeddel ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo ah madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee soo mara deegaanka Soomaalida Itoobiya tan iyo intii laga hirgeliyay nidaamka ismaamullada qowmiyadaha Itooniya ma ah nin ay arrintaas u suurtogelisay jeclaansho iyo kalsooni uu ka kasbaday shacabka balse waa nin ay kursiga ku hayeen madaxda TPLF ee ka talinayay Itoobiya

Inkastoo rag badan oo garab iyo gaashaan u ahaa uu xilka ka qaaday Abiy Axmed haddana taasi ma keenin in Cabdi Ilay daaqadda ka baxo sida ay malaynayeen dad badani, waxaana  muuqata in Cabdi Ilay  si buuxda weli uga amarkutaaglaynayo Deegaanka Soomaaliada Itoobiya dadaalna ugu jiro sidii uu ula jaanqaadi lahaa nidaamka cusub ee Abiy Axmed horseedka ka yahay.

Abiya Axmed ma aha nin siyaasadda ku cusub waxaanu xogogaal u yahay dambiyada faraha badan ee Cabdi Ilay iyo adeegayaashiisu ka galeen shacabka Soomaalida Itoobiya, waxaana dad badan u cuntami la’ sida uu ilaa hadda isaga dhegatirayo dhawaaqa shacabka Soomaalida si ay u helaan xorriyad la mid ah ta ay ku naaloonayaan shucuubta kale ee Itoobiya.

Waxaa la yaab lahayd in Ra’iisalwasaare Abiy Axmed marka keliya ee uu Deegaanka Soomaalida soo hadalqaaday ay ahayd xilligii u shaaciyay  in shidaal laga soo saaray deegaanka Soomaalida, taasi oo shacabka Soomaaliyeed gelisay dareen ah in aanay Soomaalidu wax qiimo ah ku lahayn Itoobiya waxa keliya ee ay danaynayso Itoobiyana ay tahay dhulka iyo khayraadkiisa.

Waxaa iyana uurkutaallo weyn ah in iyadoo ciidamada iyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee Oramadu ay xasuuq ba’an ku hayaan shacabka Soomaalida in ilaa hadda uu indhaha ka laliyo Ra’iisalwasaare Abiyo, iskuna dayin habayaraatee tallaabooyin lagu badbaadiyo dhiigga Soomaaliyeed ee ay daadinayaan shacabkiisa Oramadu. Hadalladii ra’iisalwasaaruhu shalay kaga hadlay dhibaatada ka jirta xuduudda Soomaalida iyo Oramdu waa kuwo uu la daahay islamarkaana aan saamayn badan ku yeelan karin Oramada xagjirka ah iyo siyaasaddooda dhul balaadhsiga ku dhisan.

Ina Ilay isaga Kursigiisa ayuun baa u daran oo dan kama laha shacabka Soomaalida ah ee Oramo ku xasuuqayso meel xarruntiisa madaxtooyo wax badan ka darugsanayn.

Sidoo kale waxaa anfariir iyo afkalaqaad ku noqday shacabka hadalladii ka soo yeedhay Cabdi Ilay ee uu  bishan Julay 11dii ku sheegay in  dilkii, dhacii, kufsigii, xadhigii iyo xasuuqii uu ka geystay deegaanku uu ahaa amar uu fulinayay oo kaga yimid taliyihii ciidamada Sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa.

Cabdi Ilay oo isu muujin jiray in uu yahay nin adag oo aan cidna ka haybaysan ayaa laga filayay in uu ku adkeysto falal dambiyeedkii uu masuul ka ahaa, balse dusha ka saaray  saaxiibkiis Getachew Assefa. Arinkan oo dad badan fajac ku noqotay, fulaynimadiisa dhow ee aan meel gaadhsiisneyn markii ay dhabtu timid.

Haddaba Cabdi Ilay taageerada, ammaanta iyo kalsoonida uu u muujiayay  Ra’iisal Wasaae Abiy Axmed, si xukunka ugu  sii seeto dheeraysto iyo baaqayadiisa  iscafinta iyo sii daynta maxaabiistu ma noqon doonaan kuwo u suurtogeliya in uu xukunka ku sii negaado Oramaduna u adeegatato sidii ay Tigreegu ugu adeegan jireen.

Waxaa maragmadoonto ah in shacabka Soomaalida Itoobiya ayna dullinimada ka bixi doonin tan iyo inta ay dad kale u dabafadhiyaan helidda xuquuqahooda dastuuriga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaan marna la ilaabi karin dambiyada uu Cabdi Ilay ka galay shacabka iyadoo arinka kaliya ee ay ku qanci karaan yahay in maxkamad la soo taago Cabdi Ilay iyo kooxdii kula jirtay gumaadka dadka aan wax galabsan.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.