Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Cabdi Xaashi Cabdillahi: Wadani Dhab ah

W/Q Yuusuf Maxamed Xeyd

Marka hore waxaan u hanbalyeynayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdilaahi. Marka labaad haddii u jiro qof Soomaali ah oo lagu tilmaami karo waddaniyad, urursanaan, ixtiraam, nadaam dawlo, ka fogaansho musuq-maasaq iyo qof aad  ugu soo hagaagayso meeshaad ku ogayd, waxaan oran karaa shaki la’aan waa Md. Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Cabdi Xaashi

Md. Cabdi Xaashi Cabdullahi oo aan aqoon u leeyahay in ka badan 50 sano, wuxuu ku koray magaaladda Baabile oo Jigjiga iyo Harar u  dhaxaysa, waxaana koriyay adeerkii Yusuf Cabdillahi oo ganacsade ahaa.

Cabdi Xaashi Cabdillahi markuu dhammeeyay dugsiga hoose,  wuxuu u soo bedeshay dugsiga sare Madhhane-Alam ee magaaladda Harar. Marku Cabdi galay sanadihii u danbeeyay ee dugisa (senior), baan aniguna dugsiga bilaabay (freshman).  Waqtigaas dhulka lagu magacaabo Deegaanka Soomaalida (Kililka 5naad), waxa ka jiray dugsi sare oo keliya, hase-ahaate aad caan u ahaa.

Waqtigaas waxa ardayda lagu tixgelin jiray oo lagu qimayn jiray waxbarashada. Cabdi Xaashi wuxu ahaa arday waxbarashada aad iyo aad ugu sheegan oo furfuran. Wuxuu lahaa saaxiibbo badan oo ka soo jeeda qawmiyado badan oo ay ka mid ahayeen Amxaarada oo ugu badnayd dugsiga iyo Hararida oo magaalada lahayd.

Sannad aan ku qiyaasayo inu ahaa 1966, baa waxaa dugsiga ka bilowday doorashada guddiga ardayda. Cabdi Xaashi wuxuu isu sharraxay madaxweynaha guddiga ardayda. Waxaa sidoo kale jagadaas isu sharraxay arday badan oo Amxaaro ah. Ardayda tartamaysay wax muslin ah waxa ku jiray Cabdi Xaashi oo keliya. Inkasta oo dugsiga ay ku jireen arday badan. Soomaalida dugiga ku jirtay kama badnayn tobaneeyo. O’lolihii doorashada oo aad iyo aad u xamaasad badnaa, una  xoog badnaa, ardayda inta badan waxay taageersanaayeen Cabdi Xaashi. Xitaa arday badan oo  Masiixi ahayd oo u badnayd Amxaaro waxay taageereen Cabdi.

Maalmo ka dib, ardaydii la tartamaysay Cabdi way baqdeen, waxayna bilaabeen ol’ole takoorid ah,  iyaga oo ardaydii Amxaarada iyo Masiixiga ahayd u sheegaya in Cabdi yahay Soomaali muslim ah. Waxay bilaabeen in gabdhaha  Amxaaradu laabtooda ku tolaan warqado ay ku qoranyihiin  erayo odhanayay ‘IBAAB MINGISEEM IBAAB NOW” oo macnahoodu yahay, ‘MAS MARWALBA WAA MAS” oo ay ula jeedeen ‘Soomaali mar walba waa Soomaali oo waa cadaw’. Ololuhu isaga oo halkaas maraya baan anigu u bedeshay magaaladda Addis Ababa oo reerkayagu u guuray.  Doorashadii waxay ku dhammaatay ma maqlin. Waxaase lay shegay in  maamulihii dugsiga oo reer boqor ahaa inu isdilay, sababta u isu dilayse laymay sheegin.

Mar kale waxaan Md. Cabdi Xaashi Cabdullahi ku kulanay sanadkii 1970 caasimadda Mogadishu, ee Soomaaliya,  Cabdi Xaashi muddo dheer wuxuu ahaa Maareeyaha Tiyaatirka Moqdisho iyo kooxda Hobollada Waaberi. Hobollada Waaberi Cabdi Xaashi waxay u ixtiraami jireen si qayro-caadi ah, haseyeeshee uma kuur-gelin xidhiidhkoodu wuxu ku dhisnaa.

Waxyaabaha xasuusta igu reebay waxaa ka mid ah, habeenkii Sado Cali Alle Naxariitii Janno ha siiyee, ay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka hor  qaadday heesta LAND CRUISER oo ka mid ahayd barnaamijka hoballada Waaberi ay u dhigeen xuska maalinta warfaafinta 1990.

Barnaamijka iyo nuxurkiisaba  waxaa ka mus’uul ahaa Cabdi. Heestu kuma qorneyn jadwalka barnaamijka, waxayna u danbaysay barnaamijka.

Sidii loo agaasimay barnaamijka ayaa ahaa mid ay ku dheehneyd xirfad iyo waayo aragnimo. Marka hore waxaa masraxa ka degay fannaaninta oo dhan, waxaana la  naaqusay ifka masraxa. Waxaa la aamusiiyay sanqarta muusiga, waxaana soo baxday Saado Cali oo aan nashaad kamuuqan. Waxaa billowday muusig tiiraanyo leh oo dhawaqiisu gaabanyahay, waxaana ku xigay Saado oo heesta Land Cruise qaadday.

Anigu waxaan xilligaa ahaa agaasimaha TV-ga Qaranka Soomaaliya, waxaanan fadhiyay safka ka danbeeyay, ka Madaxweyne Moxamed Siyaad fadhiyay. Xafladda waxaa duubayay Alle ha u naxariiste Cabdiraxman Kawnda oo ka tirsanaa SOMTV oo  keliya.

Heestu markay billaabmatay, dareen baqdineed oo  xad dhaaf ah baa hoolkii tiyaatirka laga dareemay. Madaxweynaha iyo madaxdii la socotay caradooda may qarsan karin.

Xafladdii markay dammaatay, iyada oo aan la faraxsanayn baa goobtii lagu kala yaacay. Waxaan maqlay in Saado Cali loo taxaabay dhinaca nabad sugidda.

Sida aan filayo Cabdi Xaashi-na  imtixaan badan baa la mariyay. Waa hubaa inuu heesta iyo nuxurkeeda ogaa, hase ahaate waddaniyad iyo geesinmo ay ku khasbeen inuu ogolaado in la muujiyo dareenka dalka yaalay.

Yuusuf Maxamed Xeyd
Email: [email protected]

Md. Xeyd waa qoraaga buugga out of Mogadisho, horeyna u ahaa agaasimaha TV-ga Qaranka iyo Idaacadaha Muqdisho iyo Hargeysa.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.