Friday, April 19, 2024
Wardheer News

Jiifto – Qaan

W/T Aadam Aw Xirsi Jiiftadan Qaafleyda ahi waxa ay qayb ka tahay silsilad uu curiyey Abwaan Xuseen Cabdi Xalane oo dhawr hal-abuur oo aan ku jiro uu ku hal-qabsaday. Waxaa silsiladan iiga horeeyay Abwaan Xalane oo bilaaabay iyo Cabdirashiid Xaashi … Continued

Xamse iyo Xamaas

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin Raysalwasaaraha Soomaaliya md. Xamse Cabdi Barre mid ka mida khudbooyinkiisii ugu horreeyey ee uu jeediyey markii la magacaabay, wuxuu ku sheegay in ujeedadiisa ugu weyn ee uu siyaasadda ugu jiraa tahay inuu janno ku galo. Marka … Continued

Jiifto: Qiyaame

W/T Cabdirashid Khaliif Xaashi Jiiftadan waxay jawaab u tahay silsiladda jiiftada “Adduun Qaliban” oo uu tiriyey Abwaan Xuseen Cabdi Xalane oo aan saaxiib nahay. Xalanoow qiyaamaha Intaan buunka qayladi Qabuuraha la soo fagin Qofna aanu harinoo Aadanaha qaawani Qorax laysa … Continued

Jiiftadii Adduun Qalliban

W/T Abwaan Xuseen C. Xalane Waalida Alshabaab dhiigga Islaamka ku bannaysatey anoo la hanfariirsan, dhaqan-xumida Galbeedka ku baahdey ee Raggu isguursan karaana ka argagaxsan, islamarkaana geesinimadi wiilki Ciise ee isdooxey aanay igu jirin, ayaan is iri Afarrayda ku cadho furfur. … Continued

Maalintii Dhagaxtuur: Xasuus aan ka gureynin qalbiyada dadka Soomaaliyeed

W/Q Cabdirisaaq Axmed Xasan  Waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed. Waa maalin ay naftood-huriyaal badan oo Soomaaliyeed u hibeeyeen dhiigooda qaaliga ah difaaca dadkooda iyo raadinta xorriyadda dalkooda.  Shantii bishii Oktoobar sannadkii 1949-kii ayay dadka Soomaaliyeed isugu soo baxeen magaalooyin … Continued

REERKAN DEGI WAAYEY DAN UGUMA MAQNIN

W.Q: Cabdulcasiis Maxamuud Macallin Ereyga qalaad ee Federaal (Federation) wuxuu dhacaa marka laba shay laysku daro si ka dib loogu isticmaalo hal shay ahaan. Wuxuu leeyahay dhadhan (connotation) in waxa laysku darayaa si uun u kala duwan yihiin, sida digir … Continued

Soomaali Yaa Ah?

W/Q Maxamed Heebaan Doodda ku saabsan qeexida qofka Somaaliga ah ayaa beryahan qabsatay bulshada Soomaaliyeed. Dooddaasi waxay  billaabantay markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay inay dowladda federaalku soo saarayso kaadhka aqoonisiga qaranka (Natiional ID card). Dad badan ayaa waxay is … Continued

SHACABKA SOMALILAND – MAR KALE TALO SEEG HA NOQONINA

Haddii talo cishada loo og yahay, cidina yeelaynin  Maalintay cidhiidhiga gasho ay, col iyo qaad joogto Ceeb weeye Xooroow qabiil, soo calaacalaye                                                      Gabyaa Cismaan Carraale (AUN) Talo- seeg Tan iyo 6dii bishii Febrayo 2023 ee dagaalku ka billaabmay magaalada … Continued

Galdaloolooyinka Cilmiga Dhaqaalaha

W/Q Muxumed M. Muxumed (Khadar) “Cilmigan dib u heego dhaca cilmigan dul ka xaadiska ah cilmigan sama dawdarka ah caqligu ka daboolan yahay bukaankiyo daafka qaba gumaysigu diin u yahay Ilaah lagu diiddan yahay …cilmigan daldaloolka badan damiirku ka meydka … Continued

Dastuurka Soomaaliya: Ma Dhammaystir Mise Dhimis?

W/Q Maxamed Macalin Siyaad Hordhac Dastuurka Soomaaliya wuxuu qabyo ahaa in ka badan 10 sano. Intuu qabyada ahaa waxaa la doortay seddex madaxwayne oo mid waliba marka la doorto uu ballan qaadayay inuu dhammaystirayo. Nasiib darrase, labadii madaxwayne ee horeba … Continued

DFS MA LEEDAHAY QORSHE SIYAASADEED OO KU AADDAN SOMALILAND?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) waxay soo jiitamayeen ilaa sannadkii 2012 iyagoon ilaa haddana labada dhinac farqiga u dhexeeya weli wax xal ah u helin. Su’aalo faro badan ayaa ku gedaaman wada-hadalladaas, laakiin waxay … Continued