Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

CEEBAHA CAQLIGA

W/Q. Cabdullaahi M. Cawsey

Muddo laga joogo shan sanno,  waxaan aqristayaasha WardheerNews la wadaagay maqaal aad u faafey oo la magac baxay Naxariista Caqliga. Waqtigaas aan qorayay maqaalkaa waxaan la mid ahaa mucaashaq jaceyl barad ah oo  ku ashqaraaray quruxda,  wanaagga  iyo hufnaanta gabar ay isku cusub yihiin  oo kale, marka la fiiriyo sidii aan ula dhacay cududda iyo cuddoonida uu caqligu u leeyahay nolosha aadanaha.

Waxaan ku baraarugay in la gaarey waqtigii aan tilmaami lahaa ceebaha caqliga mar haddii laga soo gudbay maalmihii aniga iyo caqliga aan ku tabbinay  shukaansiga iyo is xod-xodashada  una gudubnay waqti qaangaar ah oo la mid ah midka ay wada qaataan lamaanaha isku raaga ee  isku noqda muraayad oo kale si midba midka kale uga dhex arko dhaliilaha u gaarka ah.

caqligaCaqliga oo la caashaqo, waxaa laga dhexlaa guul iyo gobannimo aan qoraal sidan u kooban looga sheekayn karin. Guusha ugu weyn ee mudan in la tilmamao ayaa ah in noloshaada aad ku dabaraysid garasho soofeysan oo si sahlan u xallisa arrimaha isku gudban ee nolosha la soo darsa. Waayoaragnimada caadiga ah waxaan ku  ognahay in caashaq walba laga dhexlo xorriyad darro gooni ah marka la fiiriyo arrimaha kugu seegaya jaceylka ku indho tiray! Sidaa si la mid ah, caqliga oo la caashaqo waxaa kugu dhaafaya qaar ka mid ah  dhadhanada kala duwan ee nolosha kuwaasoo  garashada madaxa banaan aan lagu dhadhamin karin.

Marka aad daacad u noqotid caqliga waxaad abaal-gud ahaan u  helaysa awood dhanka garashada ah oo  yaab leh oo kugu bixisa mararka qaar  in aad quursatid dadka caqliga aan isku dhiibin sidaadoo kale. Awoodda  noocan ah ee garashda caqliga laga dhaxlo waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa   litaalka labaatan jir caafimaad qaba u adeegsan karo  ku  durdurinta oday waayeel ah oo matoobo ku tukubaya. Marwalba oo aad murantaan dad aan ku fiicnayn adeegsida awoodda maskaxda waxaad ku raaxeysanaysaa guulaha aad ka gaartid doodaha doqomadu ay soo abaabuleen.

Inta lagu guda jiro dooddaha noocaas ah, caqliga wuxuu ku hilmaamsiinayaa in doqomadu yihiin quruxda iyo sirta farxadda  nolosha oo dhan. Hilmaamka noocan ah ayaa ah  ceebta ugu weyn ee laga dhaxlo adeegsiga caqliga.

Dhaliishan caqligu uu leeyahay  waxaa igu baraarujiyay nin suufi ah oo badweynta cibaadada iyo marqaanka  si fiican u dhex dabaashey. Suufigaas wuxuu ka mid ahaa xerta taabacsan shiikh awliyo ah oo  karaamadiisa  garashada caadiga ah aan lagu fahmi karin. Dood iyo muran  aan u adeegsaday garashada-qallalan “ Intellect” kadib, Suufigaas caabidka ah wuxuu ila wadaagey xaqiiqadii ugu horreysay ee igu bixisa in aan u kuur galo dhaliilaha  garashada qallalan ee meelaha aan la wareegayay.

Halkan ka akhri:Ceebaha Caqliga

W/Q. Cabdullaahi M. Cawsey
Somali Think Tank
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.