Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Colaadda Gaalkacyo iyo Maareeynta Madaxweyne Cabdiwali

WardheerNews (WDN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa war-saxafadeed ay soo saartay bishan Oktoobar 11-dii ku sheegtay, in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageeraya Galmudug ku eedeeysey in ay weerar ku soo qaadeen magaalada Gaalkacyo. Puntland ayaa sheegtay in ay heyso cadeymo sheegaya in hub iyo saanad ay Dowladda Federaalku ka soo dejisay magaalada Cadaado iyo Koonfurta Gaalkacyo, lagu caawinayo dagaalka ka dhanka ah Puntland.

garoowe_soo-dhaweyn-ccc-iyo-sii-dhaweyn-cabdiwali1
Md. Cumar Cabdirashiid, Garoowe

Magaalada Gaalkacyo oo lagu qiyaasay in ay hoy u tahay dad ku dhow 150,000, ayaa dagaalladaasi sababeen barakac xooggan oo gaadhaya 50,000 oo qof, taasi oo u dhiganta 33% shacabka ku nool magaalada. Ilaa iyo hadda waxa la sheegay in ay dhimashada dagaalladaasi gaadhayso 11 qof.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar C/rashiid uu u kala dab qaadayo labada maamul sidii loo joojin lahaa dagaalladaasi.

Haddaba waxaa wax lala yaabo ah in maanta war saxafadeed ka soo baxay Puntland, lagu sheegay in markii uu Cumar Cabdirashiid ka soo degay Garoonka Garoowe si waan waantaasi loo guda galo, lana joojiyo dagaallada, uu madaxweynaha Puntland u dhoofay isla maalintaasi socdaal lagu sheegay in uu ku tagayo Itoobiya iyo dalka Imaaraadka Carabta (halkan ka akhri war-saxafadeedka). Arinkan oo dad badan oo odorasa arimaha Soomaaliya ay ku tilmaameen wax calqliga ka fog oo u eeg riwaayad loo dhigayo danyarta Soomaaliyeed (political theater.)

somalia-clashes-galkacyo
Barakaca dagaalada Gaalkacyo

Su’aasha iswediinta muddan ayaa haddaba ah 1) gobol ay wali colaaddi ka socoto, 2) islamarkaana sheegtay in xulafo is huwani soo weerartay, 3) ku jira marxalad xaasaasi ah oo ku wajahan ol’ollaha doorashooyinka; miyay haboon tahay in mas’uulkii ugu sareeyay maamulka uu socdaal iskaga baxo!, oo aanu wax mas’uuliyad ah iska saarin muhiimada ay leedahay joojinta iyo maareynta colaaddaasi?

Arintani waxa ay xaqijinaysaa tayada iyo karti darada dadka maanta hogaanka u haya Soomaaliya, oo aan markaasi qorshe iyo dareen toona u heyn shacbiga nasiibka daran ee ay hogaanka u hayaan.

Waxaanu ku boorinaynaa odayo dhaqameedyada, wax garadka iyo shacbiga Gaalkacyo, Puntland iyo Galmudug in ay si wada jir ah ugu guntadaan sidii loo dhameyn lahaa colaaddaasi soo noqnoqotay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.