Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Dad Soomaaliyeed oo Kenya laga soo eryay oo maanta la keenay Muqdisho

DSC05379Dad ay tiradoodu gaadhayso 91 ruux oo ka mid Soomaalidii ay dawladda Kiiniya ka qaqabatay dalkeeda, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nayroobi ayaa maanta diyaaradi keentay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Dadkan oo lagu sheegay in aanay haysan wax sharci ah oo ay ku joogeen dalka Kenya, ayaa isugu jira carruur, haween, dhalinyaro iyo waayeel rag iyo dumarba leh.

DSC05353Markii ay ka soo dageen diyaaraddii siday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda Md. Burci Xamasa.

Dadkan oo labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay lagu hayay xabsiyada ayaa sheegay in tacdiyo badan loo geystay intii ay ku jiraan gacanta dawladda Kenya.

nairobiSoomaali tiro badan ayaa weli ku jirta xabsiyada dalka Kenya iyadoo ilaa haddana weli ay socdaan hawlgallada lagu ugaadhsanyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoo arrimaha qaxootiga, ayaa warsaxaafaddeed ay maanta soo saartay walaac ka muujisay qaqabashada dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo sida loola dhaqmayo.

Hawlgalladan ka dhanka ah Soomaalida ku nool Kenya, ayaa ka dambeeyay ka dib markii ururka xagjirka ah ee alshabaab uu qarraxyo ka geystay meelo kala geddisan oo ka mid ah waddanka Kenya.

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.