Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dagaal ka bilowday Tukaraq

Garoowe (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya Garoowe, ayaa sheegaya in iska-horimaad xooggan uu ka dhacay barqadii maanta deegaanka Tukaraq, ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamada labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland.

Wali ma cadda  khasaaraha uu sababay iska horimaadkaasi, inkasta oo wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhaawacba uu sababay.

Iska-horimaadkan ayaa labada maamul midba midka kale ku eedeynayaa mas’uulliyadda dagaalka.

Degaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo  ka tirsan Soomaaliland oo ka howl gala aagga deegaanka Tukaraq iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay isku dhaceen.

Deegaanka Tukaraq oo horey gacanta ugu jiray maamulka Puntland, ayaa ay kala wareegeen ciidmada Soomaaliland bishii Janaayo ee sanadkan.

Xiisada dagaalka ee labada maamul ayaa aad u kacsan, iyada oo laga cabsi qabo in uu dagaal hor lihi ka dhex dhasho labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.