Thursday, August 16, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DAGAALKA DEKEDDAHA IYO DANTA SOOMAALIYA: QEYBTII 2-aad

W/Q: Cabdixakiim Diiriye

IMAARAATKA IYO SOOMAALIYA:

Soomaaliya oo ka mid ah goobaha dunida ugu istaraatiijisan, oo ay ku kulmaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, kaabiga u saaran gacanka cadmeed, isla markaasna kulaasha marin biyoodka lafdhabarta u ah ganacsiga aduunka ee Baabul Mandam, ahna mandiqad xiriirisa qaarada Afrika iyo Bariga Dhexe, lehna xeebta ugu dheer Afrika iyo dekedo dhowr ah oo ku teedsan xeebaha labada badood ee kor ku xusan– ayaa xilligan u muuqata mid indhaha aduunyada soo jiidaneysa taas oo loo aaneyn karo arrimo dhowr ah oo isbiirsaday.

  • Soomaaliya oo ah wadan kasoo kabanaya colaado sokeeye oo dabo dheeraday kuna soo laabanaya fagaarayaasha caalamka sanooyin badan oo laga rajo dhigey kadib.
  • Dagaalka dunida ee Dekeddaha iyo marinnada oo kuso fiday xeebaha Soomaaliya.
  • Dowlado muhiim u ahaa aduunyada oo burburay ama xasarado lugaha la galay.
  • Soomaalida oo ah bulsho leh hal abuur ganacsi iyo hindise shaqo.
  • Tartanka lugu boobayo kalluunka Soomaaliya oo noqday hanti beylah u ah shiisheeyaha badaha meeraya.
  • Dhisidda saldhigyo ciidan oo kusoo badanaya mandiqadda ay Soomaaliya ku taallo.
  • Mashruuca argagixiso ladirirka ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha looga qaraabto.
  • Ol’olaha Ladagaallanka burcad badeeda ee badda Soomaaliya lugu baarto.
  • Quwadaha waaweyn ee is haya oo Soomaaliya u arka goob ku habboon dagaallada dadban.
  • Siyaasadda Soomaaliya oo ay weli inteeda badan gacanta ku hayaan xoogag shisheeye.

Sanadkii 2011 markii ay dalka ka dillaacday macaluushii ugu xumeyd, wadamadii u soo gurmadey waxaa ugu daacadsanaa uguna deeqsisanaa dalka Turkiga oo hogaamiyihiisa (Erdegon) oo horkacaya wefti ballaaran oo ka koobnaa qoyskiisa, wasiirro, ganacsato, xildhibaanno, gargaarayaal binii aadamnimo, kalkaaliyayaal caafimaad, horumariyayaal, injineerro, weriyayaal, uu kasoo degey Muqdisho.

Tillaabadaas oo indhaha caalamka kusoo jeedisey dalkaan la deyriyey, Soomaaliya, ee dayacan. Maseyr ka dhashay booqashadii Erdogan oo ay qaadeen qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta ayaa sababay in Imaaraatku uu si toos ah usoo beegsado Soomaaliya.

Intaa ka dib Soomaaliya waxay kaalinta koowaad ka gashay dalalka Imaaraatku uu bartilmaameedsaday, isagoo ogsoon muhiimadda dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee ay Soomaaliya u leedahay gobolka, iyo in soo laabashadeedu ay saameyn doonto dalkiisa gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.

DP World, Berbera iyo Bosaaso:

Ka hor inta uusan cidna heshiis ganacsi la gelin Imaaraatku, wuxuu hawshiisa ka bilaabey tababarid ciidamo Soomaali ah oo si gaar ah loogu uruuriyey xarumo uu maamulo, kuwaas oo dabcan hordhac u ahaa arrimo uu mardambe keeney oo ahaa inuu heshiisyo muran badan dhaliyey ku qaatey labada dekedood ee Berbera iyo Boosaaso. Ciidamadaas oo uu kuwooda ugu xooggan ka sameystey Boosaaso iyo Muqdisho, ka dib wuxuu sanadkii 2016 heshiis khuseeya dekedda Berbera iyo saldhig millateri la galay Somaliland.Tillaabadaas oo ay ka hortimid dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaab jajuub u muuqdey lugu marsiiyey Baarlamaanka Somaliland, iyadoo waxa la ansixiyey uusan ahayn qoraalkii lugu heshiiyey laf ahaantiisii ee uu ahaa turjumaad af Soomaali ah oo laga sameeyey nuxurkiisa guud!

Bilowga bishii Maarso ee ina dhaaftay, ayaa isla heshiiskii hore oo wax ka badel lugu sameeyey –iyadoo lugu soo daray saami 19% ah oo ay leedahay dowladda Itoobiya, lugu sixiixay Imaaraatka, iyadoo xilligaas uu sixiixu dhacayey uu isla Imaaraatka ku sugnaa Raysul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo sida la sheegey aan haba yaraatee waxba laga ogeysiin arrinta lakala sixiixdey. Taas oo aad uga xanaajisey xukuumadda Muqdisho oo u aragtay bahdil weyn oo lugula kacay ayna tahay in tillaabo laga qaado!

Waxaa xigtey labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shirkadda DP World ka mamnuucay iney gebi ahaanba ka shaqeyso dalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey iney ku xadgudubtey madaxbannaanida Soomaaliya, ayna u gudbiyeen xafiiska madaxweynaha, inkasto ay –isla markiiba– Xamar ka kacday xiisad siyaasadeed oo aan la ogeyn iney arrimahaan xiriir la lahayd iyo inkale.Taas oo galaafatay gudoomiyihii Baarlamaanka Jawaari, dibna u dhigtey dooddii DP World ee taagneyd, iyadoo shirkaduna ay dhankeeda sheegtey inuusan go’aankaasi khuseyn ayna sii wadi doonto hirgelinta heshiiska Berbera!

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka geysey, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka, iyadoo ku eedeysey ku xadgudub madax bannaanida dalkeeda iyo faragelin qaawan oo garabmarsan xuduudda dublumaasiyadeed ee dowladuhu ku wada xiriiraan!

Waxaa arrinta Baasiin (Petrol) kusii shubay la wareegiddii dowladda Soomaaliya malaayiin dollar oo la sheegey iney siddey diyaarad Imaaraati ah oo aan la aqoon cidda ay ku socotey, sidoo kalena ay xirtey xeradii tababarrada ciidamada ee Imaaraatku maamuli jirey ee Muqdisho ku tiilley! Waxaa kaloo la hadal hayaa in Imaaraatku uu ka guurayo saldhigga tababarrada ee uu ku leeyahay Boosaaso, ka dib markii ay ismaandhaafeen Maamulka Puntland oo dhagaha ka furaystay cadaadis uga imaanayey Imaaraatka oo ahaa inuu ka hor yimaado go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa DPWorld!

TURKIGA IYO QADAR: 

Waxaa Imaaraatka dhinac socda Turkiga iyo Qadar oo isu garabsanaya si ay meesha uga saaraan saameynta xooggan ee Imaaraatku Soomaaliya ku yeeshey. Turkigu wuxuu maamulaa dekedda iyo Gegida diyaaradaha ee Muqdisho. Wuxuuna ka dhistey safaaraddiisa ugu weyn dunida iyo saldhig ciidan kan ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay. Wuxuu kaloo hamminayaa inuu goobo kaloo cusub dalka ka deggo.

Qadar oo ay go’doomiyeen dalal Imaaraatku kow ka yahay, meelo badanna ay isku soo hardiyeen –Sida dekedda Port Sudan oo markii ay DP World iyo Sudan is fahmi waayeen ay Qadar qaadatay maalgelinteeda– ayaa usoo bareertay faragelinta Soomaaliya,oo ay dooneyso iney ka dhigato meel ay kaga fakato cunaqabateynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee deriskeedu saaray.

Waxaana u dambeeyey iney soo magacawday safiir sare (Safiir aan caadi ahayn) oo macneheedu yahay inuusan la mid noqon doonin safiirrada kale ee dalka jooga ee uu yeelan doono awoodo dheeraad ah iyo qaadasho go’aamo culculus, oo dalkiisa dani ugu jirto (Haddey rabaan Soomaaliya haka dhan ahaadeene)!

Sidoo kale la wareegidda Turkiga iyo Qadar oo wada socda Jasiiradda badda Cas ku taal ee Sawakin ee dalka Sudan, iyo saldhigga millateri ee uu Turkigu ka sameystey magaalada Doxa ee dalka Qadar, ayaa cirka kusii shareeray loolankii wadamadaan ka dhexeeyey!

M/weyne Farmaajo (bidix) iyo Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi W/Dowlaha Arimaha Dibadah ee Qadar

Dowladda Soomaaliya oo horey u sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay xasaradda Carabta, ayaa u muuqata iney si uun ugu jinjeerto dhinaca Qadar iyo Turkiga oo la aragti ah. Taas oo ka xanaajisey maamullada qaar (gaar ahaan Somaliland iyo Puntland) oo u arkey Qadar iyo Turkiga dowlado uun ay idaacadaha ka maqlaan balse waxqabadkoodu uusan soo dhaafin xaayndaabka Xamar, taasina ay ku kalliftay iney iyaguna u jinjeersadaan dhanka Imaaraatka iyo dowladaha uu dabada ku wato!

Turkiga iyo Qadar waxay xoog iyo xeelad hayeen waxay isugu geeyeen Xamar, halka Imaaraatku uu Xamar na la joogo, Puntland iyo Somaliland-na uu isagu gadaal marsaday –Inkastoo Puntland ay iminka u muuqato mid arrimahan dib uga fekereysa– , taas oo Imaaraatka ka dhigtey dowladda ugu galaangalka badan dalka, xukuumadda Soomaaliyana u muujisey sidii waalid warasadiisii maalin cad laga kaxaaystay! Haddiise ay labadaa dowladood –Turkiga iyo Qadar– mashaariicdooda horumarineed gaarsiin lahaayeen deegaannada Muqdisho ka durugsan, waxay awoodi kari lahaayeen iney maamullada la jaalka ah Imaaraatka ay dhankooda soo mariyaan ama ugu yaraan ay dhexdhexaad ka dhigaan!

Imaaraatku wuxuu muddo tusaale u ahaa ganacsiga xorta ah iyo adeegsiinta aduunyada dalkiisa ku kala goosheysa, wuxuuna ahaa dal la jeclahay in laga ganacsado iyadoo la xeerinayo canshuur dhaafka ay leedahay dekedda Jebel Cali ama in loo dalxiis tago si loo daawado daaraha daruuraha saaran ee ay caanka ku tahay Dubai iyo dukaamadeeda aadka u camiran!

Hase yeeshee sanooyinkii dambe waxay u muuqatay dowlad meelwalba dagaal kaga jirta cidwalibana ay ka cabaneyso. Dadka arrimahan u dhuundaloola ayaa isbadelkaas ku macneeyey cuqdad uu Imaaraatku ka qaaday kacdoonnadii dadweynaha carabtu ku codsanayeen iney ka hoos baxaan keligood taliyayaasha ku dulgaboobey, waxay si gaar ah u shareysteen ururka Ikhwaanu Muslimiinka oo ay u arkeen cadowga koowaad ee ay tahay in la tirtiro. Taas oo lugu fasiray in Imaaraatku aaminsanyahay haddey shucuubtaasi xoroowdo iney dalalkooda dhisan karaan, taasina ay keeni karto iney hoos u dhacdo kaalinta hogaamineed ee Imaaraatku ku leeyahay ganacsiga gobolka!

BADELKA IMAARAATKA:

Dhacdooyinkaas kor ku xusan ka hor dadka Soomaaliyeed wax sas ah kama qabin Imaaraatka, taa badelkeeda waxay aad u jeclaayeen iney deggaan, ka ganacsadaan, hantidoodana geystaan Dubai. Sida muuqata taas waxaa iminka meesha ka saaray dareenka ay inta badan shacabku ka qaadeen damaca Imaaraatka iyo danta uu ka leeyahay Soomaaliya  oo ay u arkeen mid ka maran wax tixgelin ah oo uu u hayo qaranimada dalkooda iyo midnimada dhulkooda!

Welise Imaaraatku wuxuu awoodaa inuu dib isu saxo oo uusan lumin saaxiibtinimada dadka Soomaaliyeed oo cidwalba oo gobolkaan dani ka soo gasho ay guusheedu ku xirnaan doonto inta ay   tixgeliso danaha Soomaaliya. Waxay kaloo Imaaraatku u baahan yihiin iney fahmaan qaab fikirka qofka Soomaaliga ah iyo sida loola dhaqmo, aysanna u maleyn in dheregta iyo gaajadu ay yihiin halbeeg lugu hawl geli karo!

Soomaaliya dano badan ayaa kaga xiran Imaaraatka, xiriirkooda oo xumaadaana khasaara weyn ayaa kasoo gaari doona shacabka Soomaaliyeed oo inta badan noloshoodu ay iminka ku xiran tahay Imaaraatka. Hase yeeshee haddii lugu kallifo waxay taas ku illaawi karaan, ficillo iyo hadallo ay ka arkayaan masuuliyiin iyo warbaahin laga leeyahay Imaaraatka oo aflagaado iyo xaqiraad ula bareeraya Soomaalida iyo dalkoodaba!

Haddii ay xaaladu sidaan kusii socoto Soomaalidu waxay ku khasbanaan doonaan iney raadsadaan seylado kale oo ay ku badeshaan suuqa Imaaraatka, si ay ugu yaraan uga hoos baxaan ganacsiga iyo siyaasadda macna darrada ku dhisan ee isku milan, ee dadka qaarkood ay ku macneeyeen inuu yahay nooc gumeysi silloon ah oo aan la xamili karin!

Seyladaha badelka noqon kara waxaa ugu macquulsanaan doona kuwa aan kasoo sheekeynney ee dalalka Pakistan iyo Iran!

Hirgelidda dekedda Gwadar – oo ah mashruuc aad loo sugayo rajo badanna laga qabo, la iskuna halleyn karo- Soomaaliya waxay u noqon kartaa suuq ay kasoo adeegato kuna xiri kara aduunyada inteeda kale, ayna kaga maarmi karto dekeddaha Imaaraatka ee danaha siyaasadeed u dabran!

Soomaaliya goobta ay dhacdo iyo marinnada ay kulaasho ayaa ka dhigaya wadan dalkasta oo kale kaga habboon inuu noqdo xarunta ay isaga kala gooshaan gaadiidka badda mara. Sidaas daraadeed qorshayaasha dambe waa iney noqdaan in dekeddaha Soomaaliya loo diyaariyo bar ganacsi oo aduunyada xiriirisa!

Haddii uu hirgalo hindisaha Shiinuhu wado Soomaaliya waxay noqon doontaa goobaha uu kusoo fidi doono kana faa’iideysan doona, waa haddii la helo hogaan Soomaaliyeed oo han leh kana aragti dheer inta maalintaas hor muuqata, iyo dad dantooda yaqaan ee aan iyagu uun isku mashquulsaneyn!

Cabdixakiim Diiriye
Email:diiriye303@hotmail.com

———

Maqaallo kale oo la xidhiidha macwduuca:

DAGAALKA DEKEDDAHA IYO DANTA SOOMAALIYA: QEYBTII I-AAD

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.