Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Dalmar: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Qaybta 5.1)

Tarjumiddii/Tifatirkii: Boodhari Warsame

CUTUBKA 5aad

Yurub1918 -1928

Markii aan Marseilles ka degay ayaan ugu tegay Soomaali kale oo dharka iyo kabaha buudka ah ee Yurub laga xirto i siiyay. Waxaa ii muuqatay in dhammaantood ay u jarteen sida reer Yurub oo ay timaha jeegada ka goosteen. Markaa ayaan is iri adna sidaan u jaro oo dadka meesha isu ekaysii. Timajare ayaan u tegay aniga oo aan kelmad luqadda ka aqoon oo farataagtaag ugu tilmaamamy sidii aan doonayay in uu iigu jaro. Timajarihii kursi ayuu i fariisiyay oo bilaabay in uu ii jaro. Dabadeed dhawr tusmo oo aan dhammaantood ku wada qancay ayuu i tusay. Ugu dambayn markii uu ii dhammeeyay, dhammaantay wada caraf ayaa iga soo haadaysay aadna waa isugu bogsanaa. Hal Franc ayaan gacanta u saaray, lacag 10p u dhiganta, oo baaqi ka sugtay. Mar dambe ayaan gartay in lacagta la iga rabaa ay shan goor ka badantahay inta aan ninka u dhiibay. Hase ahaatee, lacagta aan haystay oo dhan ayaa shan franc ahayd, in ay sahal iiga baxdana taladaydu ma ahayn. Qof macmiil ah oo i arkayay in aan meesha ku cusbahay waxa aan falayna aanan aqoon u lahayn ayaa ii gurmaday oo oo na soo kala dhex galay. Ugu dambayn waxaa lagu dhammeeyay in aan timajaraha franc kale siiyo oo la iska kay daayo. Ilaa maalintaa iyada ahayd wax aanan qiimahooda marka hore warsan ma dalbado.

Raggaygii Warsangeli waxii ay awoodeen oo dhan waa igu kaalmeeyeen. Caadadooda ayay ahayd in ay sidaa si la mid ah u yeelaan qof walba oo cusub ee dalkii ka yimaadaa inta uu carriga kala baranayo oo uu iskii isu debbarayo. Dukaammada Marseilles la yaab joogto ah ayay ii ahaayeen. Aad ayaan ugu raynrayn jiray subaxii walba marka qorraxdu soo baxdo si aan u baxo oo mucjisooyinkaa u soo arko. Maalmo badan ayaan ku idlaystay in aan muraayadaha dukaammada iska daawado oo daaqadahooda dadammoodo.

Haknan ka akhri qoraalka oo dhan: DALMAR (Q. 5aad)

Tarjumiddii/Tifatirkii: Boodhari Warsame

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.