Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dambigii Dahsoonaa (Sheeko Gaaban)

W.Q. Khadar Iimaan Cige

khadar1
Khadar I. Cige

Wuu dhintay! Maxaa ku dhacay? Wadnahaa istaagay siduu isaga gataw-gataw lahaa habeenkii jimcaha xilli dambe ayay ka baxday tii xumayd! Ma wadno xanuun buu lahaan jiray? Mayee wadna xanuunna muu lahayne mar keliya ayuun baa jaq laga siiyay siduu isaga joogay ayaa la yidhi! Dadkii imika mawtalqaflaa dhammeeyay, sidaasaa dhabbada loo hayaa, yoomal qiyaamihiibaa soodhaw baan filayaa!

Maya, halkan waa la iska dhashaa, waana la iska dhintaa, qofna mayaqaan sida uu u yimid ifkan iyo siduu uga baxayo. Maaha sababta Rabbaaniga ah eed ku abuurantay iyo taad u jirtid toona, haddii wadnuhu ku istaago la ma baadho waxa keenay dhimashada ama dhibka ee si degdeg ah ayaa qabriga loogula cararaa, waxaa la isugu sheekeeyaa malag degdegsan ayaa ka qadimay bahashii baryahaa iska sudhnayd uun.

Dhismahan oo duug ah ayaa iigu dambaysay muddo hore, hadda waxa uu u muuqdaa in markaas uun farta laga qaaday, laakiin marka aad gudaha gasho, waxa aad ogaan kartaa in aan wax sidaa ah laga qaban guriga dhexdiisa. Isla judha aad gashaba waxaad indhaha ku dhufanaysaa, haddii aad si wanaagsan u eegto gulucda dhinaca waqooyi xigta bar cas oo madax qof ku sawiran yahay. Meeshaa waxa samaysay dhakada ‘Wax walba gade’ ee aad mooddo; tii Maxamed Abdi daa’uud uu astaanta uga dhigay buuggii uu kaga hadlayay qaadka iyo wax yeelladiisa! Irridda laga soo galo waxaa ka lusha daah yaroo cawlan oo aad is odhanayso toban sanno ka hor ayaa maydhis ugu dambaysay. Qofkii gala farmasiga daahana sanka sii jiidhsiiya ee aan si xoog ah isaga qaban xaasaasiyad daran ayaa ka haleesha dulalka ee isaga daloola.

doctor-cartoonGurigan yar’e sharoobooyinka lagu gado waa horreyto ayaan u iman jiray dawooyin oo aan iska mudi jiray, laakiin hadda marin kayga ayuu ku beegmay. Boqolkii irbadood ee uu igu libdhiyay ayaan u dhimanayaa aakhirka, haddii ay iga aguugto. Istaakhfurullaa, malaha irbadahani wax i yeeli maayaan haddaan Ilaahay i dilaynnin! Waayo, markasta oo duray igu dhaco waxaad is odhanaysaa qodxo kuwii sarmaantoo kale ah ayaa badhyaha lagaaga jajabiyay, deedna dibjir waalwaalani kaaga yaaceen, sidii gabadh reer baadiye ah oo habaryarteed gudday. Ninkii i turqi jiray ayaa haysta illaa hadda. Haa, waa laftiisii, saw kan wada caddaaday ee booska dhigay, aniga qudhayda bahashiibaa i xaadhatay. Waxa aad madaxayga mooddaa masallihii Hargeysa iyo dhabada dayuuraduhu qaadaan ee garoonka soo gasha. Asal iyo isir toona umaannaan lahayn bidaarta’e waa saf marka ashcaartu muddo dhaaftay, sida golayaasha qaran ee mid waliba halkiisii ku dhagaxoobay. Ma jiro tiro koob rasmi ah oo sheegaya inta dumar, rag iyo carruur ah ee innagaga maqan cuntooyinka, dawooyinka iyo cabbitaannada dhacay ama tayadoodu ka hoosayso heerka isticmaalka Aadamaha, laakiin shaki kuma jiro in sababtooda dad badani ciidda hoosta uga mareen ama sariirta u yaallaan, markaa maxaad iigu diidaysaa anna in bidaarta wax kale oo aan waynni ahayni igu keeni karaan. Miyaad iiga dhaaran haddii aan iska idhaa sida reer xamarka shaanboo dhacdaan ku qubaystay! Maya, been iyo run taydoonto ha ku aroorto ee kol, haddii aanad igu beenin karin, saw waajib kuguma aha in aad iska kay rumaysato anaa naftayda iyo asalkayga ba kaaga war roone?

Haa, iyo maya midna in aan idhaa ma xiisaynaayo maanta, waayo, waa suurto gal in aad waxaad doontaba ku dooddo, halkan aynnu ku nool nahay, malaha, way iska yar tahayba inta runta raadisa ee doonaysa in ay u aroorto oo ay ka ceel hayso wabiyada xaqiiqda burqanaaya. Haa, kuwayowga beenta iyo khuraafaadka ka ganacsada ayaan rabinba in la sahamiyo goobo kale oo run loogu tagi karo, si aan looga digorogan suuqan beenta lagu bineeyay, halka qaar kalena warwar iyo walaac weyni soo foodsaaro qalbiyadooda marka ay arkaan qulqulka mawjadda xoogga badan ee isbeddelka iyo hirarka iska soo daba kacaaya ee dhulka loo hayaamayo.

Mooji meesha uu ku soo bartay cilmiga dawooyinka’e , sida adhiga ayuu u dhaqday. Waxaad arkaysaa isaga oo isku daraaya xabad kiniinka gaastariga looliqo ah, midh lidka geermiska ah iyo kan calool xanuunka loo qaato. Mar mar ka qaarna wax biyo ahba ku liqi maayo. Waxa aad mooddaa in uu heersare ka gaadhay dawooyinka iyo isticmaalkooda oo uu ka xeeldheer yahay shirkadaha dawooyinka sameeya , laakiin malaha, awood uu ku akhriyo warqadda raacsan dawooyinka ee caddaysa isticmaalka habboon iyo halista ay leedahay dawadaa cayimani, haddii si qaldan loo adeegsado.

Dhallinta mirqaasan ayaa halkan ka ceel haysa oo ka qaata waxa ay u baahdaan ee dawooyin ah. Cidina ma wayddiiso warqaddii caddaynaysay sababta uu u qaadanayo iyo sida uu u isticmaalayo dawooyinka uu dalbanaayo qofka gadanayaa. Haa, waxa ay ka daldashaan xilliyada dambe habeenka jimcuhu soo galaayo wixii godolka ku soo ridi lahaa.

Waa maxay waxaa raggiina godlay?

Haa. Waa la godli karaa iyagana sida geela igadhka ah! Haa, waxa ay isku godlaan kiniin awood siiya xubinta taranka ee ragga. Meeshaa baasi goorma ayay raggii Soomaalida hawl’gab ka noqotay, sidii saan’caddaale gaboobay oo baar ku raagay?

Waatii rasaas iyo sun waxay tahay mooyee, loo samaystay aalad lagu curyaamiyay tarankii Soomaalida! Fekerkii dadkan saaqidku hormoodka u yahay ee qabiilka iyo qabyaaladda ka ganacsada ee siyaasi ku sheegu kaga ceesho beenta.

Sawtii naloo keenay suntii ayaxa oo cagaar ah. Bilaash ha moodin dilaagaa qarsoon ee shuraakada lagu yahay ee naloo soo waarido hadh iyo habeen. Waa lacag adag oo haddana cidkastaa goyso. Bal eeg haddii uu la’yahay wax uu ku quraacdo ma waayaayo wax uu ku jabaneeyo!

Haddii uu na haysan wax uu ku qadeeyo ma waayaayo wax uu ku barjeeyo!

Haddii uuna meelna ku ogayn wax uu ku casheeyo ma waayo biyo raacis iyo qiiqiisii qadhmoonaa!

Kolba nin dhuumanaaya oo saaxiibkii jidka ku soo dhaafay ayaa soo dhacaaya, isaga oo xiiqsan, dhidid waaweyni ka daadanaayo ayuu marfushka isku tiirinayaa. Intuuna hadlin ayuu ninkii farmasiiga haystay ka horkeenaa.

“Ma in taadii ayaan ku siiyaa?”

“Haaye isii.”

“Ma shantii mise kun?”

“Kun kaba isii caawa”

Meeshu ma kaalinta raggu shiidaalka kaga shubtaanbaa? Maya, waa halka mawtulqaflaha laga gato. Malaha, mayee waaba halka suntan qaadka lagu qarxiyo!

Kollay waa dambiyo qarsoon oo cidna rabin in ay isku fadhfadho, waayo, ma jirto sabab qofna uga badbaadi doono, haddii la soo bandhigo dadyawga ku lugta leh faldambiyeedkan, si toos ah iyo si aan toos ahaynba.

In yar markii uu nagasii maqnaa wiilkii halkan daroogada ka iibsaday, ayuu igu yidhi ninkii dawooyinka gadaayay ‘Wax walba gade’: “ninkaa si xun baan uga naxay muuqaalkiisa iyo niyad jabka ka muuqday wajigiisa.’’

“Ma wiilkan haddeer uun inaga isii baxaayay? “ ayaan ku celiyay.

“Haa,” ayuu yidhi ‘Wax walba gade’ inta uu qosol gariir yar ku dhexdaray jawaabtii.

“Haa. Isaga iyo saaxiib ay isku dheeraayeen oo aynna kala hadhi jirin inta badan ayaa iga wada qaadan jiray kiniinkan uu caawadan inaga iibsaday, nasiib darro se jimcahan caawa ah jimcihiisii ayuu wadnuhu istaagay wiilkii kale ee macmiilka ii ahaa,” ayuu ku daray hadalkiisii hore ‘Wax walba gade’ isaga oo gagan madoobi ku taagan yahay, sidii nayl yar oo maladii ku istaagtay.

“Isaga oo fayaansan ayuu isoo maray kaligii. Wuxuu iga wada qaaday kiniinkii uu habeenkaas u baahnaa iyo waliba kii saaxiibkii. Waxa aan waydiiyay waxa ku dhacay wiilkii kale, waxaanu ii sheegay in uu kaga soo kacay goobtii ay ku qayilayeen. “Waxaan is idhi farmasiiga ayaa la idinka xidhi intaad qayilaysaan, caawana waa jimce oo lagama maarmi karo bahalkaas, haddii aad waydo way kuu dhammaatay, waad fashilmaysaa,” ayuu yidhi wiilkaas geeriyooday hal asbuuc ka hor.

“Markasta wuu iiga mahad celin jiray sida aan u caawiyay, waxa ay labadooduba odhan jireen; carruur badan ayaad nala dhashay Ilaahay ceebtaada ha asturee, iyaga oo ila kaftamaaya, sababta ay sidaas u samaynayaanna, anigu waan u xil qariyaa inta badan oo wax yaabahaas aalaa dadka kalama sheekaysto, sida adigoo kale iyo mooyaane. Qof aan iska hubo uun baan arrintan la wadaagaa ,” ayuu yidhi ‘Wax walba Gade’ aad mooddo in uu dareemayo in uu dambiile yahay oo ilmo indhihiisa soo buuxisay, inta uu harqad yar oo barbar cas leh isku duugay.

“Haddii ay kiniinkaas isticmaali waayaan dadkan qayilaa ma jirto wax Alliyaale wax ay guryahoodii ay la tagi karaan aan ka ahayn in ay marmarsiiyo iyo been ku seexiyaan xaasaskooda oo ah waan xanuunsanayaa iyo caawa waan is yara garan la’ahaye isoo dada. Habeenkanna waa habeennada xaaladdu kacsan tahay ee aynna ka fursanayn in la islaba’rogo. Marka dhankaa laga eego; miyaanan ka dhignayn hay’ad samofal ah oo caawisa dadka u baahan gargaarka gaar ah ee cidkastaa kaalmayn karin ee isla markaas u baahan saaxiibtinimada gaar ka ah ee ku dhisan ganacsiga furfuran ee casriga ah iyo xaddaaradda reer galbeedka,” ayuu ku marmarsooday, inta uu si ka dabacsan sidii hore ii soo jelleecay ‘Wax walba gade’.

Haa, waaruntii, waa lagu tilmaami karaa baahikoobe, dhiirran oo dar Ilaahay dawooyinka dadka ugu dura, arrintan waxaa macquul ka dhigaysa, macquul darrada keentay in ay same’falayaal noqdaan dadka keena waxkasta oo lid ku ah samaha iyo geeddi socodka nolosha Aadamaha.

“Ugu yaraan toddobo midab in ku dhaw ayaan nasiib u yeeshay in aan ka dhex arko hal midab oo kali ah. Hal saac kaddib midabkii caddaanka kali ah ila ahaa waxa uu ii noqday dhawr midab oo kala duwan. Maan garan sababta aan u awooday in aan arko wax yaabo ka geddisan wixii hore iigu muuqday, laakiin, waxaan is idhi laba wax uun bay arrintaasi ku dhici kartaa: in aad awood rabbaani ah oo cusubi kugu soo jirto oo ay ku soogalayso iyo in kiniinkan aan qaatay tamar dheeraad ah i galiyay oo aan u haysto anuu in aan arkaayo wax ka duwan waxaan arkaayay ka hor intaannan dawadan isticmaalin,”

“Laakiin, mushkiladda ugu weyni waxa ay noqotay in aanan si sax ah wax u arki karin, markaa maxay sheegayaan midabada badan ee aan arkayaa?”

“Waxa la igu yidhi qaadka aad cuntaan ayaa sumaysan! Ha sumaysnaado ama ha iska daayo, hadda meel aannu iska soo qabanno ma joogno, meeliba nooma fayooba.”

“Haa, arrintaa waxbaa ka jira ayaan is idhaa marmarka qaar, waayo, waxaan xasuustaa habeen aan si xun u mirqaamay oon iska waayay xiniin yihii gabigoodiiba. Waxaan is wayddiiyay oo aan ka raadiyay maskaxdayda bal in uu jiray qof aan u dhiibay xiniin yahaygii. Waxaa igu soo dhacay muddo markaan fekerayay nin aannu asxaab nahay oon dharaar dhawayd baastoolad u dhiibay. Waxa aan ku fekeray in aan u wada dhiibay boolkii baastooladda iyo xiniin yahaygii oo aan markaas u malaynayay in ay meel wada oolli kareen. In yar kaddib ayaan garaacay wiilkii aan u nisbaynayay in aan ammaanaysiiyay bahalahaygii, si xanaaq weyni ka muuqdo intaan isku dayay in aan codka iskaga guro ayaan ku idhi: ‘waar yaa Cabdi kariin haddii aan boolkii baasdooladda iyo xiniinyihii kuu wada dhiibay maxaad iskaga soo celin wayday laba habeen maannaan fadhiisane?

Intaanan wax jawaab ah ka helin ayaan u raaciyay; ‘afadaada iigu soo dhiib marka ay berrito suuqa imanayso, anaa ka qaadane,’ deedna waan jaray taarkii aan ku hadlayay.”

Haa, kuwa iska indho beelay sun iyo waabay baa ka saartay, ama jahli iyo caddaalad’darraa u diiday, kuwan kale ee wadnuhu iska istaagay ee la iska aaso habeen iyo dharaar sun iyo dacar baa gummaaday iyo sabab kale oon laba rabin in la ogaado, kuwa kale’e iska waalan waligood, loona qaatay in qaddarku sidan iska yahay, nasiibkoodu goob baastan dhigay oo uu u gartay, waallida dawladdu cashuurtay ku waasheen, haddii kale fakhribay ka fiigeen, gaajadana dadkuunbaa sababteeda yeesha. Ma jirto cid uu Ilaahay iskala jeclaado in ay macaluuli layso iyo qaar horumarka kuwaara sabab la’aan, laakiin qoom kasta awood kasta oo ay u baahnaayeen oo ay ku horumari kari layaaheen gacanta ta ayuu u galiyay, isticmaal ama ha adeegsan aday ku jirtaa, adiga iyo garaadkaa.

Qaadkaa qadhaadh’e aad waligaa ku forarto, iyo fiyaagarahaa (kiniinka) aad nafta moodaysaan ee habeen ba mid si kadis ah muuqiisa inooga qarinaaya, ee qiyaamaheennii soo qaddimay, maskaxdii iyo maalkaagiiba ku maqan yihiin intaad iska dhilanayso sidaas ayuu Malagga degdegsani uga ugaadhsanayaa arladan. Haa, sidaa ayaad iskaga daadanaysaan sidii dhir xar galay ama adhi daratoobay oo dirqi ku soo doogay.

W.Q. Khadar Iimaan Cige
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.