Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Danjire Cabdilaahi Siciid Cismaan oo ku Geeriyeeday Dalka Maraykanka

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Washington DC- Waxaa maanta oo ku beegan maalin Arabaca ah bishan Janaayo 27dii, dalka Marakanka ku geeriyooday Ilaah naxariistii janno ha siiyee Danjire Cabdillaahi Saciid Cismaan oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta Soomaliyeed kuwa ugu aqoonta, magaca iyo maamuuska dheer.

Abdillahi Said
Danjire Cabdillahi Siciid Cismaan

Marxuum Cabdillaahi Siciid oo muddo dheer u soo shaqeeyay dalkiisa Soomaaaliya, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii.

Ilaah Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Danjire Cabdillaahi Siciid Cismaan waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, halkaas ayuuna waxbarahsadiisa dugsiga hoose ka billaabay, waxaanu ka baxay dugsiga Sare ee Camuud sannadkii 1959.

Markii uu dhammaystay waxabrashada Dugsiga Sare waxa uu helay deeq waxbarasho jaamacaddeed isagoo waddanka Ingiriiska jaamacadda Hull ka bartay Sharciga, waxaanu ka qaatay shahaadada qaanuunka LLP (Hons) isagoo ku takhasusay Qaanuunka Caalamaiga ah iyo ka Shirkadaha (Public International Law and Mercantile/Corporate Law).

Ka dib markii uu marxuumku ku guulaystay imtixaannadii looga baahnaa waxa uu mutaystay darajada Barrister sannadkii 1963.

Ka dib markii uu dhammaystay waxbarashadiisa marxuum Cabdillaahi Siciid waxa uu ku soo laabtay waddankiisa hooyo si uu aqoontiisa ugaga faa’idaeeyo uguna adeego dalkiisa iyo dadkiisa, waxaanu xilal sarsare oo kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliya intii u dhexeysay 1964 ilaa 1990 burburkii dawladda.

Xilalka uu marxuumku ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York

!976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva.

!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato)

1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada.

!966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.

1965: Lataliyaha xagga Sharciga ee Ra’iisalwasaaraha

1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Marxuum Cabdillaahi Siciid Cismaan muddadii uu ku dhexjiray hawlaha qaranka Soomaaliyeed waxa hormuud ka noqday islammarkaana ka qeyb galay shirar badan oo caalamai ah sida kuwa QM, Ururka Wadamada dhexdhexaadka ah, Ururka Midawga Afrika iyo  Jaamacaadda Carabta.

Waxa uu marxuumku ka mid ahaa wafdiga Soomaaliya uga qaybgalayay wadaxaajoodkii ay la yeelatay waddamada deriska siiba Itoobiya iyo Kenya.

Intuu uu hayay xilka Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, waxa uu marxuumk Cabdillaahi Siciid guddoomiye u noqday marar kala duwan safiirrada Afrika iyo  kuwa Carabta ee QM. Sannadkii 1984 kii waxaa loo doortay ku xigeenka madaxweynaha golaha loo dhanyahay ee QM.

Bishii Juun 1991 kii waxa Danjire Cabdillaahi Siciid Cusmaan (AHUN) loogu doortay shirkii Ururka Midawga Africa ee Abuja, Nayjeeriya xilka kaaliyaha xoghayaha Guud ee Ururka midawga Afrika isagoo xilkaas hayay muddo 4 sanno ah, ka dibna waxaa loo magacaabay lataliyeaha Ururka Midawga Afrika oo uu hayay 1999.

Ka dib marxuumku waxa uu u guuray waddanka Maraykanaka iasgoo isla xilligaas shaqooyin gaara u qaban jiray QM, kuwaas oo ku taxaluqay dhanka Sharciga, xallinta khilaafaadka iyo dhinaca horumarinta.

Marxuum Danjire Cabdillahi Siciid Cusmaan oo ahaa diblomaasi caan (Public figure) oo dalka iyo ururrada Caalamaka aad looga yaqaan, waxa uu muddadii dheereyd ee uu u adeegayay dalkiisa iyo dakiisa kasbaday magac iyo maamuus ay taariikhdu xusi doonto.

Marxuum Cabdillaahi SIciid waxa uu maanta oo taariikhdun tahay 27/01/2016 ku geeriyooday cisbitaal ku yaal dalka Maraykanka.

Waxa uu marxuumku ifka kaga tagay saddex wiil iyo xaas.

Waxaa la filayaa in marxuumka maalinta Jimcaha ee 29/01/2016, lagu aaso xabaalaha Muslimiinta ee maglaalada FARGO, NORTH DAKOTA, USA. 

Illaah ha u Naxariisto marxuum Cabdillhai Siciid, qoyskiisii, ehelkiisii iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ha ka siiyo,

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.