Friday, November 24, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Daraawiishta: Milicsi taariikheed

W/Q Cabdikriin Xuseen

Hordhac

Taariikhdu waa daraaseynta tagtadii si taaganta loo qiimeeyo timaaddadana loo oddoroso tabaabushena loogu yeesho. Taraariikhda Soomaalida in badan oo ka mid ahi, waxa ay ku luntay keydin la’aan, inaha badbaadayna waxa ay ku badbaadeen gacmo shisheeye. Dhacdooyinka taariikheed ee sida aad ka ah wax looga qoray shisheeye iyo sokeeya ba waxa ka mid ah, tariikhda Sayid Maxamed C. Xasan iyo Daraawiishta. Sooyaalka daraawiishta waxa muunad gaar ah u yeelay isagoo ah, iska-caabbintii ugu tunka weynayd ugu na muddo dheerayd ee gumaysiga lagaga hor yimaaddo. Dadka wax ka qoray daraawiishtu waa saddex kooxood:

Sayid Mohamed Cabdulle Xasan

1) Qolo waa shisheeyihii dirirtu dhex martay oo dhacdooyinka u soo tebiyey sidii ay iyagu u arkayeen mar walbana libinta iyo garta siinayey gumaystaha ay ka midka yihiin.

2) Qolada kalena waa Soomaali aad ugu talax tegay in ay muuneeyaan oo dheeh ashqaraar leh u sameeyaan Daraawiish iyo halgankooda.Kana dhigay in aan halgan kale ba geyiga ka dhicin.

3) Qolada saddexaad waa koox saluugtay habka loo soo bandhigay taariikhda daraawiishta una arka in la buunbuuniyey, ha yeeshee iyaguna gef kale ku dhacay oo Sayidka iyo daraawiishba ka dhigay, dadqalato shufto ah oo ummadda silciyey!

Kooxdani inta badan waxa ay soo ururiyaan gefafka daraawiishta sida dhacii ay geysan jireen, aflagaadooyinkii tixaha Sayidka qaarkii ku jirey ee uu qofafka iyo qabiilooyinkaba wax kaga sheegay, gaar ahaan intii ka soo horjeesatay.

Waxa aan ku qanacsanahay dad kalena ila qabaan in aan weli si dhab ah oo cilmiyeysan loo qorin halganka daraawiishta. Sayid Maxamed C. Xasan oo ah ninka udub dhexaadka u ah, aasaaskana u ahaa Daraawiishta taariikhdiisa dhinacyo dhowr ah ayaa laga daraasayn karaa, mar waa wadaad dariiqo diineed hormuud u ah oo dariiqadaas ayaa saameynteeda iyo sidii loo qaatay la baadhayaa, marna waxa loo daraasayn isagoo  hoggaaminayey kacdoon gumaysi diid ah, oo shisheeye iyo sokeeyaba la galay dagaallo qadhaadh oo dad iyo duunyaba ku le’deen, mar kale sooyaalkiisa waxa loo daraaseynayaa isagoo ah gabyaa cabqari ah oo maansooyinkiisa iyo murtidiisa cilmiga Suugaanta ayaa lagu abla ableynayaa. Qoraalkani waxa uu ku kooban yahay soo tebinta dhacdooyinkii taariikheed ee ku saabsanaa kacdoonkii gumeysi diidka ahaa ee muddada dheer ka taagnaa qaybtii Ingiriisku Gumaysanayey ee dhulka Soomaalida (Somaliland imika).

Dagaalka iyo dirirtu laba kooxood ayey ku jihaysnaayeen; kooxi waa gumaysigii dalka haystay, qaybta kalena waa Soomaalidii gumaysigaa ku hoos noolayd ee heshiiska la ahayd, waxa la odhan karaa isku si ayey ula dagaallameen gumaystaha iyo Soomaalida. Qormadani waa guudmar taariikheed, ee maaha gorfeyn iyo lafagur lagu sameenayo halganka daraawiishta, waase arrin mudan in la naqdiyo qoraalladii muddada qarniga ah laga Samaynayey Sayidka iyo daraawiishtiisa, si aynu u helno taariikh badhax la’ oo dhito inoo noqota.

1) Sayid Maxamed Waa kuma?

Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu dhashay, 1864-kii sida uu tibaaxay I. M Lewis, (1) ha yeeshee Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu xusay waraysiyo badan oo uu la yeeshay rag daraawiish ah ka dib in Sayidku dhashay 1856-kii. Waxaanu ku dhashay ceel u dhexeeya Widhwidh iyo Buuhoodle gugii la magac baxay Gobeysane.

Toddoba jir isagoo ah baa malcaamad Qur’aanka la qoray, toban jir buu Qur’aanka ku dhammeeyey, intii aanu labaatan jirsanna wuxu gaadhay darajada sheekh-nimada. Sida qoraallo badan ku xusan Maxamed waxa uu aqoon barasho diineed ugu kicitimay dhulal badan oo ay ka mid ahaayeen magaalada Herer; dalka Suudaan iyo Nayroobi (Lewis 1965), muddo ka dibna waxa uu ku soo laabtay deegaankiisii. Sanadkii 1894kii ayaa Sheekh Maxamed iyo koox la socotay oo ay isku deegaan ahaayeen u kicitimeen Maka, si ay u soo xajaan, markii xajkii ay gutteenna waxa uu sayidku ka xeraystay, sheekh Maxamed Saalax oo ahaa sheekhii dariiqada Saalixiyada, halkaas oo muddo sanad iyo badh lagu hillaadiyo uu la joogay, ugu danbeybtiina ka soo qaatay ijaasada inuu dariiqadaas madax uga noqdo dhulka Soomaalida. Markii uu ka soo noqday Maka, wuxu ka soo degay magaalada Berbera. Sheeko aan la hubin oo buuggaag dhowr ah ku qoran dadkana aad ugu dhex faaftay, waxa ay sheegaysaa: In Sayid Maxamed kolkii uu kasoo degay marsada Berbera gaalkii gumaystuhu waydiiyey in uu alaabadiisa cashuur ka bixiyo, isna ugu hal celiyey : adigu kolkii aad timi yaa cashuur kaa qaaday? Ha yeeshee qof kii u tarjumayey gaalkii u sheegay in ninkani Wadaad waalan yahay! Halkaasna ay ka soo raacday naanaysta kolkii danbe gaaladu u adeegsan jireen ee Wadaadka Waalan (The Mad Mullah), ha se ahaatee Saciid S. Samatar waxa uu xusayaa in nanaystani ay ku dhejiyeen wadaadaddii Qaadiriyada ee ay aadka u dooddeen.

Markii uu magaalada Berbera ku negaaday, waxa uu soo bandhigay dadkana ugu yeedhay dariiqadii Saalixiyada, (lama sheegin in sayidku wixii intaa ka horreeyey dariiqo ka tirsanaa) Waxa se gaashaanka u daruuray culimadii dariiqada Qaadiriyada ee dhulka uga soo horreysay, dooddo badan baa la galay, magaaladiina buuq diineed baa ka aloosmay, dadka qaar waxa ay ku dooddayaan Sayidku markii uu taageero u waayey dariiqadiisa ayuu Berbera isaga tegay, halka qolyo kalena soo tebiyaan in uu magaalada ka bilaabay olole gumaysi diid ah. Waxaa la sheegaa sheekooyin aan sugnaantooda la hubin oo ay ka mid tahay in sayidku arkay nin baadari ah, dabadeed inta uu ul ku dhuftay yidhi: Ilaahow maanta intaasaan jihaad karaa.

Gugii 1898-kii ayaa Sayidku ka amababaxay magaalada Berbera, Intii uu dhexda ku sii jireyna waxa uu sii maray xarun dhaymoole ku taallay oo diinta Masiixiga lagu faafinayey sida la soo tebiyana waxa uu halkaas kula kulmay carruur Soomaaliyeed, waxaana la odhan karaa waa meelaha uu ka bilaabmay dareenkiisa gumaysi diidka ahi. Ceel qoryaweyn la yidhaahdo, oo Caynabo u dhow ayuu ka samaystay Waab uu ku tukado dadkana diinta ku baro, halkaas ayaanay ka unkantay xertii u horreysay ee Saalixiyo ah, duubkii caddaa ee astaanta u ahaana loogu xidhay, waana meesha ay xerta Saalixiyadu kula baxday magaca Daraawiish.

Muddadii uu halkaas degganaana waxa hawshiisu ku koobnayd diin dhigid iyo dib u heshiisiin uu ka dhex sameeyey beelihii deegaankaas ku dhaqnaa, waxa kale oo la sheegaa in reerihii dhulkaas degganaa xoolo badan oo siyaaro ah siiyeen. Dadka wax ka qoray taariikhda Daraawiishtu waxa ay sheegayaan in diin dhigista Sayidku dhex waday olole uu dadka ku kicinayo, kuna abuurayo kacdoon gumaysi diid ah. Gumaysiga Ingiriisku aad isuguma ballaadhin dhulka gudaha oo ilaalo inuu marmar u diro mooyee, lug badan kuma lahayn, biishii may 1899 kii, ayaa la sheegay in la waayey hal qori oo ilaalada Ingiriisku lahaayeen, sida dad badani xuseenna ninkii qorigaa sitay baa xerta Sayidka u galay dabadeed qorigii xoolo soo dhaafsaday, kolkii uu Berbera ku soo noqdayna waxa uu sheegay in Sayidku qorigii ka qaaday. Hawlwadeennadii Ingiriisku farriin bay u direen Sayidka ay kaga dalbanayaan in uu qoriga iska soo celiyo. Sayidkuna waxa uu ku soo warceliyey in aanu qorigaa haysan ee Ingiriisku baadidiisa raadsado. Dabayaaqadii sanadkaana waxa xarunta gumaystaha la soo gaadhsiiyey in Sayidku isku dubariday col 3000 oo nin gaadhaya iyo hub 200 qori ah.

Dhinac halabuuridda maansooyinka lama hayo wax ka horreeyey 1904tii, sidoo kale, Sheekada ah in Sayidku Mahdi sheegtay oo dadka qaar aad u buunbuuniyaan lama hayo caddaymo ku filan.

Halkan ka akhri: Daraawiishta:  Milicsi Taariikheed

Cabdikriin Xuseen
Email: cabdikarim89@hotmail.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.