Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dardaaran ka yimi Carafa oo Soomaalida ku socda

W/Q Siciid Ow Faarax

Subxaana Allaah, wuquufka Carafo markaad taagantahay, waxaad xasuusanaysaa dhimashada, qofkasta oo inaga mida sugaysa oo aad sawiranaysaa, waxaa markiiba kugu dhalanaysa sida dhimashadu kuugu dhowdahay, dharka qofka la aasayo loo xiro oo kale ayaad xirantahay, waxaa kugu soo degdegaysa maxaa muhiim ah ood qaban lahayd intaadan dhiman ka hor, bandhig maqal iyo muuqaal ah oo aadan weligaa hore u arag baa ku hor imanaya. Maxaa kaa dayacnaa? reerkaagii maxaad uga tegaysaa? Dadkaagii Soomaliyeed muxuu kaa dhaxlayaa? Hadana waxaad is oranaysaa waqti badan ma hayside! Maxa kuugu muhiimsan oo aad dhaafi lahayd? Hadii ay mid uun tahay, tan baan dooranayaa, Soomaali baan la dardaami oo nabadaan ku boorinayaa.
Fadlan maqaalkan daabaco, oo isagoo warqado ah akhri si uu saamayn kuugu yeesho, markaad doontona aad ugu noqotid akhrintiisa.

Ka'baSidee Soomaalidu isbedel nabadeed ku heli kartaa?

Nabadu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha bini’aadanku ku dhisantahay, marka nadab la helo ayaa qaybaha kale ee nolosha bini’aadanka muhiimka u ah la heli karaa. Sida cibaado suuban, deegaan xasiloon, caafimaad, wax barasho, hor u mar, daryeelka iyo qorshaynta, iyo wixii la mid ah. Sidaa darteed ayaa umada Islaamka ah waxa ugu horeeya oo ay iskula hadlaan ay u tahay Asalaama Calaykum, oo macneheedu yahay DUCO: nabadi korkiina ha ahaato. Marka su’aashu waxay tahay, sidii isbedel nabadeed Soomaaliya ku heli kartaa?

Illaahay subxanahu wa tacaalaa waxa uu quraankiisa ku yiri:

ان الله لا يغير ما بقؤم حتي يغيرؤ ما بانفسهم—- صدق الله العطيم— Hadii aad aayadaan quraanka ah si qoto dheer u fiirisid waxaad fahmaysaa in isbedel uu ku imankaro keliya in gudaha qofku is bedelo, qofka uun bayna ku xirantahay, waxaan ka wadaa isbedelku meel kale kama imanayo. Marka uu qofku waxa uu ku HADLO/FEKERO, waxa uu AAMINSANYAHAY, waxa uu DAREEMO iyo siduu u DHAQMO ay is bedelaan oo sida uu rabo noqdaan ayaa waxa is bedeli kara qofkaas ahaanshihiisa iyo falalkiisaba. Bal si fiican ugu fiirso afarta shey ee mudan inay is bedelaan si loo helo isbedelka la rabo (Nabada), afartuba waa gudaha qofka, marka gudaha qofku uu isbedelo oo Nabad noqdo ayaa debeda qofkuna is bedeli kartaa oo Nabad noqon karaa, waxaa muhiim ah in rabitaanka isbedelka uu masuuliyadeeda si buuxda u qaataa qofka ibedelka raba, dhibka uu qofku ku jiro, wuxu doonaba ha ahaadee, isaga ayaa masuul ka ah, qof kalena uma keenin dhibkaas, xalkeedana isaga ayaa samaysan kara, qof kalena uma xalinayo, sidaas darteed waa muhiim in masuuliyad la qaato……Anigaa colaada keenay, gudaha ayaan colaad ka ahaa. Hadana anigaa nabada keenaya, gudahaana nadab ka dhigayaa, sida aayada quraanka kor ku xusan noo sheegayso. Marka waxaan isku deyayaa hadii Alle idmo in aan halkan kula DARDAARMO umada Somaliyeed, una faahfaahiyo intii Illaahay, caza wa jala, iga wafajiyo, afartaa arimood ee isbedelka gudaha qofka dhalin kara, anigoo u kala hormarinaya sida ay u kala muhiimsanyihin.

1. Hadalka ama Fekerka Qofka

Nabigena suuban CSWS waxuu yiri: “qofkii ilaahay iyo maalinta qiiyaame rumaysanow, wax fiican ku hadal ama iska aamus’’. Waxa uu qofku ku hadlo ama ku fekero waa waxa ugu muhiimsan ee maskaxda qofka qorsheeya ama programmiya, qofkana maskaxda ayaa hagta oo waxa uu samaynayo go’aamisa. Maskax programm fiican ku jiro wax fiican ayay soo saartaa, hadii programm xun ku jirona wax xun ayay soo saartaa. Nabada waxa aad ka sheegtid marka aad keligaa tahay oo aad isla sheekaysanaysid iyo marka aad dad la sheekaysanaysidba waa inay wax fiican noqdaan. Sidoo kale waxa aad ku fekereysid ee nabada kusaabsan waa inay wanaagsanaadaan. Hadii aad wararka Somalida u fiirsatid, tusaale ahaan colaada yar ee ka dhacda caasimada ama gobolada dalka, sawir weyn ayay ka muujiyaan, aad ayayna u buunbuuniyaan, marmarka qaarkoodna wayba been abuuraan. Halka aysan waxba ka sheegin wanaag badan ama nabada ka jira caasimada iyo gobolada dalka. Arintaas waxa ay keenaysaa programming coladeed, maskaxduna colaad uun bay soo saaraysaa, isla markaana arkaydsaaa.

Halkan ka akhri: Dardaaran ka yimi Carafa oo Soomaalida ku socda

W/Q Siciid Ow Faarax


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.