Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Warar

Shirka Gollaha Wasiiradda oo lagu Ansixiyay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, NISA iyo Asluubta

Muqdisho, — Shirka Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sharciga Shirkaddaha iyo magacaabista taliyeyaasha Ciidanka Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta.

Ugu horeyn Shirka gollaha ayaa looga dooday ansixinta shirciga shirkaddaha ee Soomaaliya, waxaana soo gudbiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha, iyadoo dood dheer kadib ay golluhu meel mariyeen sharciga shirkaddaha Soomaaliya, waxaana uu fududeyn doonaa Nidaamka Diiwaangelinta shirkaddaha dalka ka howlgala iyo habka maalgashiga dalka.

Sidoo kale, shirka gollaha ayaa lagu meel mariyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Gabagabadii kulanka ayaa looga hadlay ansixinta magacaabista Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana loo magacaabay Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmad, waxayna hay’addani ka shaqeyn doontaa dhaqangelinta sharciga Isgaarsiinta iyo horumarinta Nidaamka guud ee Isgaarsiinta dalka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.