Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

DHEGA–CULUS ! GABAY

W.T.  Abwaan Maxamed M Cashare

Ma garan, mana garaysto marka aan arko dhibaatooyin badan oo bini aadamku gacmihiisa ku samaysto oo ka dhacaya adduunka daafihiisa.

Taa guud haddana waxaan illaawaa marka aan hoos u eego waxyaalo badan oo gurracan oo Soomaaliya gudaheeda ka dhaca maalin walba oo midiba mid ka daran tahay.

Dhawaaq kasta oo aad ka maqashaana wuxuu u badan yahay dhib kugu abbuurta murugo iyo wewer.

Illaah SW wuxuu ina siiyey caqli aynu ku miisami karno kuna kala sooci karno wixii inoo xun iyo halka wanaageenu ku jiro, haddana waxaa inaga qaadda maankii aynu wax ku miisaami lahayn caadifadda cudurka ina helay ah, wax kalena oran maayee illaahay inuu inaga suuliyona aan ka baryo. Waa QABYAALADDA aynu ku weyney qaranimadeenii iyo qiimeheenii dadnimo, iyadana illaahay ha inaga koriyo.

Gabaygan aan ku magcaabay DHEGA-CULUS oo aan tiriyay 07/11/2014, dareenkiisa waxaa igu dhaliyey in aan tiriyo dhowr arrimood oo taxane ah oo muddooyinkii u danbeeyey si is daba jooga dhegahayga ugu soo dhacayey.

Arrinka koowaad waxa uu ahaa askari derejo leh oo ciiddanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka mid ahaa oo tiriyey gabay uu ku iftiiminayey sidaan la wada socono dhibaatooyin jira oo wada dhab ah, oo abaalkiisii noqday, xidha xaq buu sheegee, oo jeelka loo traxaabay.

Tan labaadna waxay ahayd hogaamiyihii ciiddanka booliska Soomaaliyeed oo maamahaas geeriyooday oo isna sababtii geeridiisa muran badani ka dhashay oo in la sumeeyey la sheegay.

Tan sadexaadna waa mooshinka macii ha ba’ee ummaddii Soomaaliyeed markay madaxa la soo kacdoba boqonta loogu siibayo.

Waxaa iyana xanuunkeeda gaar ka ah lahaa dhibaatada gabdhaha Soomaaliyeed cadowga dhulka la keenay u geysteen.

Intaas aan ka faallooday iyo wacyiga iyo waayaha jira ee aan gabaygan DHEGA-CULUS kaga hadlay isagaa isu kiin macnaynayee akhris wacan.

Mar buu maduxu dhaafaa lugaa dhabarka oo liicsan
Dhalanteed wuxuu kaa xigaad xaqa u dhaaftaaye
Cirku dhibicdi daa oo dhulkii dhowrsi lagu waaye
Dhakafaar ku waa badan yohoo waa dhac iyo howle
Waa wuxu ka dhiidhiyo nafluhu say u dhigayaane
Maantana dhawaaq ii yimaa dhibay naftaydiiye
Dhab markaan u dhuuxaa runtii dhiilo ii timiye
Halyey bay dhirbaaxeen intay dhidar u loogeene

Soomaali dhaba weeye iyo dhiiranaa jira e
Daba dhilif ayaa dhuujiyoon dhaaf la oranayne
Run ha dhihin xaquna yuu dhab noqon dhiribku weeyaane
Ka dhiidhiya haddii uu na yidhi dhiiga kii jaqayey
Ma in dhoyla lagu tuuro baa boogta kii dhayayey ?

Wuxu yidhi dhulkii wuu dhacmoo dheeshu waa halise
Wuxu yidhi nin aan dhiig lahayn dhoomo lagu qaadye
Wuxu yidhi hablihi dhowrsanaa dhuu ayaa cunaye
Wuxu yidhi naftay dhaafsadaan dhaygagaa jiraé
Wuxu yidhi is dhiib aan dhayee hooyo dhimanaysa
Sidaasaa dhamow loo dhibaa dhololadeeniiye

Ma xaqaan dhawaaqay qiraa dhabar jab ii keenay ?
Anow dhiman dhaqsana waw xorayn dheef anoon rabine
Cidkalaanan dhowrayn inay dhabar i siisaaye
Dhibkuun hayga daayeen kuweer dhaarta lagu keenay
Dhallaankayga oo ooman baan dhiiga hurayaaye
Dhaxalkoodi weeyiyo waxay dhab u lahaayeene
Miyuu dhicin nin daar uu dhistiyo lacag usoo dhoofay ?
Mise inay dhammaatuu rabaa dhoonta uu jaqayi ?

Waana dhereg macaashkuun wuxuu dhoof usoo galaye
Dhabarkiyo laxaadkiyo ninkii dhaayahaba beela
Isna dhega barjow waxawgu filan dhaawucuu qabo’e
Ana dhibacda roobkiyo kulkaan dhaxan ku baadaaye
Dhoy bay i moodaan sidii dhiman walaalow e
Dhabta aan arkaayaa ka dedan dhowrtadoon imane
Nin la dhacay dhulkiisaan ahoo gaalo dhurataaye
Inaan anigu dhoohniyo ma garan inay i dhaafeene

Dhawaaq uma yaraystee cidbaan dhugan u jeedkey e !!!
Dharaaraha is xiga iyo warkeer dhooli lagu keeno
Dhakafaar ayey igu ridaan dhiillo iyo howle
Dhacantayoo dhawaaqani ka daran dhagar la oogaaye
Maantana la dhabab dhiiranow kii lahaa dhaqa’e
Sunla dhuray ayay dhuunigii ugu dhexqoosheene
Dhimashadu xaqweeyoo nin ragi maalin buu dhiciye

Haddaan dhaqanka kii dhowrayiyo culimadii dhaafno
Oo cadow dhul-dheer nagaga yimi cududa loo dhiibo
Inuu dhaladka Soomaal burburo waa u dhigateene
Nin wanaag ka dhaadhyaan la arag dhega barjowgaase !!!
Armay dheeshi aarkiyo dhacdaa dibiyaduu dhuuxay
Armaa ciidan dhoorliyo dhaxlaan dhaqayo soo guurtey
Armaa maanta way dhowdehee laysba dhuganwaayo !!!

Dhaxdin male dhul uu dulin galiyo aarka soo dhaca’e
Xoolohuna waa dhalan rogmaan degel dhabiijeede
Nin dhilmaanyo nuugtiyo nin uu dhabarku naafoobey
Dheel-dheeligaa laga gartaa dhaawac kii qaba’e
Yugaandhiiskan soo dhoofay iyo cadowga noo dhooban
Dhow-dhowdu uma dhaadhacsana dhoobir noo maqane
Maantana waxay soo dhigeen dhaqamadoodiiye

Waa mooshin aan laga dhammaan maatadoo dhimane
Iyagaaba dhoyliyo ka daran geeshkan doorka lehe
Dhega-culus an dhiidhiibso garan kii dhalaa baáye
Naga dhiciya dhabarkay warmaha nagaga dhaabeene.
Waxaan cunaha dhaafayn haddii dhereg la moodaayo
Oo sharafti dhaabnayd hunguri dheeshi ay noqotay
Oo shacabkan dhiilada ku nool dheri la saaraayo

War goormuu mid dhowriyo u dhalan ruux mugdigan dhaafshi?
Illaahow adaa dhaya dhammaan dhiillo oo idile
Dhaxdin nabada soomaali oon cadow u soo dhuuman
Xaqa oo la dhowriyo dadkoo ul iyo dhaabkeeda
Dhegahayga maqashii rabow aniga oon dheelman.

NABAD IYO CAANO

WT: Abwaan Maxamed M Cashare
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.