Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhibaatada iyo Xalka Gaalkacyo

W/Q Cabdisalam Cali (Biligsey)

Dhawaan waxaan ka qaybgalay shir lagu magacaabay “Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran” oo magaalada Muqdisho ka dhacay.  Shirkaasi aad baa loo yimid; waxaa ka soo qaybgalay 220 oo isugu jira ergooyin, martisharaf iyo fududeeyeyaasha shirka (facilitators). Dadka waxaa laga soo daadgureeyey dalka oo dhan min Hargeysa iyo Berbera illaa Jubbaland. Maamulku xoog buu saaray oo waxaa ka soo qaybgalay oo bogaadiyey ama khudbado dhiirrigelin ah ka jeediyey Madaxweynaha, Wasiirka Kowaad, ku-xigeenkiisa, Wasiirka Arrimaaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib-u-heshiisiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Gaalkacyo

Guud-ahaan, waxaa lagu lafaguray qaabkii iyo sida ugu habboon ee arrimaha dib-u-heeshiisiinta ee murugsan wax looga qaban lahaa. Waxaa la isla gartay in arrimaha loo kala saaro kuwo culus oo qaranimada qudheeda khatar ku ah oo ay tahay in si deg-deg ah waxaa looga qabto (Gaalkacyo, arrinta Somaliland) iyo kuwo kuwaas aan ka shiiqin, hayeeshee, ina sugi kara.

Kuwa culus oo khatarta ah kolka la soo hadal-qaado, dhibaatada Gaalkacyo wey soo boodeysey, waayo waxa laysku hayaa ma aha dhul oo qur ah ee xitaa siyaasaddaa lagu colloobay!

Iyadoo taasi maanka lagu hayo, ayaan waxaan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo oo aan la qaybsado dadweynaha aniga sida wax iigu muuqdaan iyo meesha dadka deggen iyaga naftoodu halka ay kala joogaan, fikrad-ahaan, maxaa yeelay, sida qola kasta xal waara u aragto waxay isu jiraan cirka iyo dhulka.

Doodda Galmudug:

  1. Gobolka Mudug la yiraahdo dhammaantii annaga ayaa iska leh.
  2. Xuduudda Galmudug iyo Puntland waa degmada Burtinle,
  3. Sidaas awgeed, magaalada Gaalkacyo  iyo degmooyinka ku xeeran (Galdogob, Jarriiban, iwm) waa inay hoos-yimaadaan maamul-ahaan Maamul-goboleedka Galmudug

Puntland waxay leedahay:

  1. Magaalada Gaalkacyo meel la wada leeyahay ma aha, waase la wada deggen yahay. Waxay leeyihiin oo intaasi raacinayaan Reer Galmudug waxay magaalada ka deggen yihiin afar-meelood-meel,
  2. Waxay kale oo qabaan in la dhawro heshiiskii magaalada lagu yimid ee Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf ee 1993.
  3. Dooddooda seddexaad waxa weeye in xuduudka qabali’ga ahi yahay xariiqintii Tomaselli dhigay (Tomaselli Line), maaddaama, Soomaaliyi qabiil-qabiil isu dishay (Waxaa laygu yiri xarriiqinta Tomaselli waxay Gaalkacyo koofur ka xigtaa 70 Km).

Maxaa Xal ah?

Aniga aragtideyda

Fikradda ah Burtinle ayaa xuduud noo ah iyo tan oraneysa Gaalkacyo wax ku ma lihidin, waxay i la tahay waa laba fikradood oo aan socon karin. Xaqiiqada dhulka taal waxa weeye in magaalada la wada joogo. Aniga aragti-ahaan waxaan oran lahaa meesha hadda la kala joogo ha lagu kala istaago, xarriiqin ha la mariyo, xuduud ku-meel-gaar ah ha laga sameeyo. Xariiqaasi ha noqdo kan kala qaybinaya labada maamul ee kala ah Puntland iyo Galmudug. Magacyada qaybaha magaalada la kala siinayo wuxuu noqonayaa Gaalkacyo Puntland iyo Gaalkacyo Galmudug( Inkastoo aan shiddo ka jirin, misana, waxaa jira magaalooyin badan oo kaabiga isku haya, sida, Kampala iyo Entebbe, Minneapolis iyo Saint-cloud, isla markaasna kala maamul ah). Xarriiqintaasi waxaa la dhigayaa ciidammo isku dhafan oo federaal ah.

Alaaba, marka Soomaalida dib-u-heshiisiin laga dhex-sameynayo, inta badan waxaa xoogga la saaraa in odayaal iyo waxgarad laysu keeno oo ah arrin muhim ah oo aan marna laga maarmi karin. Heshiiska Galkaacyo waa inuu noqdaa mid ay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed oo dhammi ka soo qaybgalaan si loogu gar-qaado labadan beeloodoo is-mari la’. Waxaan qabaa in heshiis ka iman doono halkaasi. Heshiiska halkaasi ka yimaada wuxuu fure u noqon doonaa xallinta mushkilado badan.

Hayeeshee, waxaa dhibaato mug leh noqon doonta waa marka aan intaasi waxba lagu kaabin.

1) Waa in nidaam dawli ah oo shaqeynaya goobta la keeno.

2) Waa in dhaaqaale iyo maal-gelin xoog leh lagu sameeyo bulshada la heshiisiinayo, waayo waxaan ku qanacsanahay waxa laysku hayo waxa saldhig u ah wax yaraan: saboolnimo.  Kuwaasi oo ay kow ka yihiin daaq iyo biyo oo ah bu’da ay ka soo unkantay dhibaatadu (the original sin). Waxaa muhim ah in mashaariic badan laga bilaabo si ay dhallinyaradu u shaqo-tagto. Mashaariicdaasi waa inay u bataan kuwo wax weyn ka taraya soo-celinta bay’adda iyo degaanka (environment). Waa in xisaabta lagu darsado in ceelal la qodo, in waro-biyoodyo iyana la qodo, in degaanka dib-u-dhireyn lagu sameeyo iyo in laga fekero, guud-ahaan, sidii looga guuri lahaa xoolo-raacatonimada oo loogu guuri lahaa xoolo-dhaqasho. Weliba waxaan jeclaan lahaa mashaariicdaasi in loo badiyo dhanka koofureed!  Waddanka Lubnaan la yiraahdo oo innaga wax badan innaga horreeya, kolkii la heshiisiiyey waxaa lagu kaabay balaayiin dollar si dib-u-dhis loo bilaabo. Sidaasi awgeed, waa in dadka meesha deggeni arkaan is-beddel dhab ah. Haddii taasi dhacdo, waxaynnu arki doonnaa iyadoo si deg-deg ah laysu dhexgalay, mushkilladda hadda taagani noqotay taariikh la soo dhaafay!

Waxaa intaasi dheer, in lagu dhawaaqo hub-ka-dhigis guud oo Soomaali oo idil loogu baaqo (General disarmament).

Xalkani waa mid lagu kala-furdaaminayo walaalo colloobay, si ku-meel-gaar ah. Wuxuu horseedi doonaa in dadka laga jeediyo colaadda iyo dagaal-wax-ku-doonka, loona jiheeyo nabad, is-afagrad, walaalnimo mustaqbalka dhow iyo kan fog. Sidaynnu wada ognahay, dadkani waa dad deris iyo jaar ahaa qarniyaal, wax badan wadaaga, is-dhalay, dan guud oo ka dhexeysana leh. Muhimku waxaa weeye in dantaasi guud si xoog ah loo iftiimiyo, dawladduna gar-wadeen ka noqoto.

Cabdisalam Cali (Biligsey)
Email: [email protected]
Garowe,


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.