Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhiigbaxa Magaaladii Gablanka Ahayd!

W/Q: Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud

Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud

Waxaan imid magaaladan Gaalkacyo beri-samaadkii anoo fasax ka ah iskoolka markii iigu horraysay ee aan arko. Waxyaalihii quruxda badnaa ee aan weli xasuusto waxa ka mid ahaa siday dadku isugu dhex jireen, siday dhallintu u wada noolayd, siday hablaha iyo wiilashu u haasaawi jireen, masjid jaamacu u shammirnaa oo xadrada iyo dikri-salaanta loo rogi jirey oo subaca, iyo akhriska kutubtu u caabbisanaa. Dawladda hoose sida loo wada tubnaan jiray, sida shineemada loo wada buuxin jiray, iskoollada sida la isugu dhafnaa, ceelasha sida geelu u wada hornaa una wada cabbi jiray, aroosyada, tacsiyada iwm, sida dadku isu ahaa. ALLOOW YAA MAR KALE DAAWADA DERIS WANAAGGOODA.

Xaalka immika ee Magaaladan:

Sannad kasta magaaladaan boqollaal dhaawac iyo dhimasho ah ayay ku cillaamataa! Magaaladaan dadkeedii wax-ku-oolka ahaa waa ka haajireen labada dhinacba, tuulooyin kale ama gobollo kale ayay callaal ku noqdeen, tiro yarna waddamada deriska ah ayay nolol ugub ah oo adag ka amaamudday. Ku darsoo labeentii dhanka waqooyiga oo aad loo laayey ayaa iyana keentay in caqli iyo garaad badan oo magaalada oo dhan wax ugu yaallay gabaabsiyo, quruxdii magaalada, waxbarashadii, caafimaadkii, isu socodkii, ganacsigii, guurkii iyo isdhexgalkiina dhaawac wayn gaaro.

Ilaa goorma ayay Gaalkacyo sidan ahaan doontaa? Ilaa imisa ayay kala xirnaan doontaa? Muddo intee le’eg baa riximku jarnaan doonaa? Bal yay maslaxad u tahay kala qaybsanaanta magaaladu?! Yaa ku danaysanaya? Miyeysan idiin muuqan dad fawdada ku naaxa, oo is dilkeenna iyo nacaybka dhexdeennu jiritaan u yahay inay ku soo biireeen mushkiladdii aan awal la daalaa dhacaynay?

Ma samayn karnaa gilgilasho barkhadeed?

Duf kubaxa dheh kuwa diiddanoow dib u heshiisiinta
Duqowdiyo wax-garadkow fursaddan dahabiga ah qaata
Madaxdaannu soo dooranayoow shacabka daaweeya
Aqoonyahankii lagu daalayoow deynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega
Dadweynihiyo shacabkoow ayida dib u heshiisiinta
Dumarka iyo carruurtoow qalbiga nabad ka doondoona
Jabhadaha dagaallamahayoow demiya baaruudda
Deegaammada cadaawoobayoow dib u walaalooba
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye

Abshir-Bacadle….. Allow kuu naxariiso.

Aaway Culimadii?

Magaaladaani miyayna culimo Alle aqoon ah lahayn? Maxay iyagu isugu imaan waayeen? Maxay isu baadigooban waayeen, isugu yeeran waayeen? Aaway xer-cilmiyadii, miyaan nabadda iyo islaaxu ahayn arrin caqiido iyo cibaadaba ah oo Alle loogu dhawaado?

Aaway dalkaan duqaytidiisii, waxgaradkisii, isimadiisii?!

Nabaddu sow taa u cimaamadnaydeen maahan? Miyaan masuuliyaddaas Alle hortiis iyo dadka hortoodaba idin saarnayn? Ma ogtihiin dadkiinnii qax, kala irdhow, haantaa-wilifoow iyo kal-ka-geeddi in uu hareeyey oo dareen ku-joog yihiin? See u aqbasheen inaad ku noolaataan magaalo mar kasta u doonnan dhiig sokeeye iyo mid Muslim?!

Aaway dhallintii habliyo wiilal?

Ha ahaadeen saxaafadda, ha ahaadeen ardayda dugsiyada heerarka kala duwan, ha ahaadeen ardayda waxbarashada sare, ha ahaadeen ciyaaraha kala duwan, ha ahaadeen kuwa xirfadlayaasha ah sida bahda caafimaadka, miyaan waajib ka saarrayn inay labada dhinacba is raadsadaan oo xuduudda loo dhigay jebiyaan?!

Hooyo …… Abbaayo …… Adeero:
Aaway hablihii degaankaan ka kacay ee Xornimadii dalkaan u soo halgamay kuwii ay dhaleen ama ayeeyooyinka u ahaayeen? Aaway guubaabadoodii? Sowtii Soomaalidu ku maahmaahi jirtay “Ganbo la gilgilaa waran la gilgilo ka daran”, habluhu waxay ka awood iyo quwad iyo saamayn badan yihiin ragga, ilmadooda, baroortooda, higilkoodu waxa uu leeyahay dareen adag oo cid kale samayn karin. Ka kaca oo isu uugaama oo isu bayra, waan hubaa inaad guuleysanaysaan haddaad isku duubantihiiin.

Indheergarad/ Qurbajoog
Alleylehe dhankiinnaa looga soo dhacay. Waxaad tihiin awood adag, idinku meelaha aad joogtaan, magaalooyinka caalamka ee kala duwan isbaarooyin ma yaallaan, waa isku gudbi kartaan. Shirweyne reer Gaalkacyood baad samayn kartaan, wax fara badan baad is weydiin kartaan, naadiyo nabadeed baad unki kartaan, dhaqaale aruurin iyo maalgelin baad nabadda ku samayn kartaan. Intaad nooshihiin nolosha wax ku darsada, waraaqaha, shahaadooyinka, dhaqaalaha iyo shaqooyinka aad haysataan waxba maahan haddii aysan joojin karin dadkaaga dhiiggooda.

Nabadeey…. Nabad
Wax ka yar waxa ku baxa maalin dagaalkeed(naf iyo maalba) ayaa nabaddeenna ku filan. Waan hubaa haddaan dad door inoo ah naftooda u hurin dariiqaan xaqa ah in aannaan meelna gaari doonin.
Magaaladaan Gaalkacyo imisaa dhiig dad aan waxba galabsan lagu daadiyey! Imisaa rixim lagu gooyay! Imisaa dad nabdoon la cabsi geliyey! Imisaa dhallinteedii iyo xooggeedii inta laba saf isugu baxeen rasaas isku asqeeyeen oo maydka iyo dhaawacu tira beeleen! Imisaa dad ma-kacdo ah, oo Ilaahayba ka xishoodo laga barakiciyey rugtoodii! Imisaa gabar asay loo saaray oo saqda dhexe haq la toostay iyadoo agoontii la qaxaysa! Imisaa habar iyo oday shaybe ah la gablamiyey oo ilmadu gabax leysay! Imisaa masaafur lagu dhibaateeyey! Imisaa culimo lagu laayey! Imisaan iskoollo, masaajiddo, isbitaallo iyo meherado albaabada isugu dhufannay! Imisaan dugsiyo Quraanku ka jawleeyahay iyagoo furan kutaabtii iyo adraydii kala qixinnay!!! Miyaannaan carada Ilaahay galabsan? Naxariista Ilaahay baa ballaaran oon kusii joognaa mooyaane.

Xal baa la rabaa; inoo wada dan ah

mushkiladdeenna haddaan u fahamno wax ina wada haysta oo aan meel iska saarno oo xalkeeda isugu tagno waan guulaysanaynaa. Waa gun ummad 30 sano ka badan xabbad isla dhacaysa oo dhiiggeeda bannaysanaysa. Waa gun ummad aan marnaba run isu sheegayn. Waa gun dad u qaba kuwii ay ku qurxanaayeen cadaw inay u yihiin! Waxaan nahay maadeys iyo tusaale fool xun, wax laga yaxyaxo oo laga yalaalugoodo baan samaynaynaa. Xinjirta iyo carunka walaalkeen baa noo udgoon..!

Car ku dhac haddaad dhalad tahay oo dhuubka boqor hayso…! Car aan Ilaahay u laabanno. Car aan Ilaahay hortiis ka garawno gefkeenna. Car aan walaalowno. Car aan isu nimaadno, isu soo hoyanno. Car aan beenta iyo khiyaanada iyo walaaalkaa iska-dhicinta aan deyno.

Reer Gaalkacyo hadday nabdaan jid iyo rajo wayn baa Soomaali u furmi lahayd… Ilaahoow magaalada noo nabdee, dadkeeda noo heshiiso, Ilaahoow is jeclaysii, waxba ma kala aha, waana isku qurux badnaan lahaayeene…

W/Q: Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud
Gaalkacyo, Mudug, Soomaaliya.
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.