Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion

Dhugmo: Dhismaha Meeris Gabayga

Sidaad badankiinnu ogtihiin, meeris gabay ihi waxa uu u kala qaarmaa hojis iyo hooris. Sida kale, waxa uu meeriskani u kala baxaa sal iyo farcan. Salnimada iyo farcannimadu waxay saamaayeen hojiska oo qudha. Guud ahaan, hojiska saleedi waxa uu yeeshaa soddoniyo-laba qaab; hojiska farcanka ahna intaa in ka badan. Dhugmadeennan maanta waxaan ku ekaanaynaa furfurista dhawr tusaale oo inna fahansiin kara dhismaha meeriska gabayga.

Bal u fiirsada:

(1) Bari iyo Galbeed xaajo waa, mid u gawaan raace
(2) Kol hadday garkaa iyo garkaa, geesna qaban weydo
(3) Guduudane mar buu kuu noqdaa, aar gaboodya lehe      (Dhoodaan)

Tuducdan kore (meerisyadu isuguma xigaan sidaas, hasayeeshee) waxaa ku duugan xogahan:

    • § Hojisyadu waa inta hakatka ka horraysa; hoorisyaduna waa inta hakatka ka dambaysa;
    • § Hoorisyadu waxay tusaale u yihiin, oo soo ururiyeen, saddexda qaab ee qudha ee uu hooris gabay ihi yeelan karo;
    • § Meeriska (3) hojiskiisu waa farcame, meerisyada kale hojisyadoodu waa saleedyo; iyo
    • § Dhafanayaasha hoosta ka xarriiqan ee “ay” iyo “ey” waxaa loo aqoonsanayaa kuwo wata shaqaldheerayaal.

Meeris walba oo maanso ah waxa uu leeyahay qaabdhismeed (miisaaman); waxaana intaa u dheer qaafiyadayn iyo waliba qurxin murtiyadeed. Annaga oo maanta isku koobayna “qaabdhismeed”-ka uu meeris gabay ihi yeesho, waxaa habboon in aynu hojiska goonni u saafanno, hooriskana goonni. Aan ku horrayno hooriska.

Hooriska 

Lix shaqal oo laba kamid ihi dhaadheer yihiin (iyo dabcan shibbaneyaal) ayaa hooris gabay ah sameeya. Shaqalladani baro sugan ayey hooriska kaga negaadaan. Ka soo qaad shaqalka dheer “2”, ka gaabanna “1”. Qaabdhismeedka hoorisku deeto waa: 2 (1) 2 2 (1). Hay! Maxaa keenay saddexda “2”? Saw ma’aha inuu hoorisku yeesho laba shaqal oo dhaadheer mar kastaba? Waa run, waa sidaas. Marka, waxaa qasab ah in saddexda “2” kol walba uu midi kala jabo, isuna baddalo “1 1,” oo ah laba shaqal oo gaaggaaban. Haddii taas la sameeyo, saddexdan qaab ayuun buu hoorisku u dhacayaa: 

-mid u gawaan raace         1 1 (1) 2 2 (1)
-geesna qaban weydo      2 (1) 1 1 2 (1)
-aar gaboodya lehe            2 (1) 2 1 1 (1)

Hooriska ugu korreeya waxaa kala badhmay shaqalkiisa ugu horreeya, ka xigana kiisa dhexe, ka sii xigana kiisa ugu dambeeya; laba-labada shaqal ee dhaadheer ee kale se way deysmayaan, kuna neegaanayaan barahooda. Waxaa sidoo kale barahooda ku negaada shaqallada gaaggaaban ee qawsyada ku dhex jira.

Hooris kasta (oo gabay ah) oo aan lahayn saansaanka saddexdaas kore midkood laaxin baa ku jira! Tusaale ahaan, isla gabaygaas aan tuducyadiisa soo xigannay waxaan ka soo helaynaa in ka badan toban hooris oo laxni leh. Waa laxni iska fudud oo qorista ku yimid, balse gabayaagu uusan mas’uul ka ahayn (oo waabad dhageysan kartaan). Tusaale ahaan, 4tan hooris (aan saxno):

-guuldarro i badaye*
-taladii loo guulay*
-loo garqaadaayey*
-waxaad i gaadhsiisay*

Xiddigta (*) hooris kasta daba taalla waxay muujinaysaa in laxni uu hooriskaasu wato. Waxay hoorisyadaasu ku saxmanyihiin sidatan:

-guuldarray badaye             [o+i=ay; waa dhafane wata shaqaldheere]
-taladi loo guulay                 [i dheeraad ah ayaa carrabka lagu qarinayaa]

-loo garqaadahayey            [h dheeraad ah ayaa la soo biiranayaa]
-waxad i gaadhsiisay          [a dheeraad ah ayaa carrabka lagu qarinayaa]

U fiirsada, dhafanayaasha ugu dambeeya saddexda hooris ee ugu soo sokeeya waxaa loo ogyahay in mid kastaaba uu wato shaqal gaaban. Dhismaha qeexan ee hooriska ayaa sababta loo celinayaa; si kasta oo uu gabayaagu luuqda ugu dheereeyo dhawaqa ugu dambeeya ee hooriska, haddana qeexaal ahaan dhawaqani waa mid gaaban uun!

Midda kale, hooriska “-loo garqaadahayey” marka uu laxniga watay waxa uu buuxinayey qaabdhismeedka (amma cabbirka) hooriska gabayga oo ah 2 (1) 2 2 (1), hasayeeshee, qodobka ah in  saddexdan shaqaldheere midkood kala badhmo ayuusan buuxinnin.

Midda kale, hooriska “-guuldarray badaye” marka uu laxniga watay waxa uu lahaa hal shaqaldheere oo qudha; mana dhici karto in hooris gabay ihi yeesho hal shaqaldheere oo kaliya, waana sida isla qodobkii hore ku hoos jirta oo ah in hoorisku yeesho laba shaqaldheere (mar walba).

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan

W/Q Idiris M. Cali
__________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.