Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DIILLINTA DHIMASHADA!

W.Q. Cabdixakiin Marayare

marayare
Cabdixakiin Marayare

Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho. Dharaartii aan ifka imid ayey dawladnimadii Soomaaliduna kuftay! Ma aniga ayay iga cararaysay? Maaddaama aan agoonnimo ku dhashay oo aabbahay geeriyooday qiyaastii  xilligii aan caloolgalay,waxa i habtay hooyaday Aamina oo ila soo rafaadday. Rafaadkaas bay igu korisay oo ay tacliinna igu bartay. Jawiga aan wax ku dhexbartay kuna barbaaray wuxuu ahaa xabbad iyo colaad. Dugsiga annagoo fasalka fadhina ayay dayaanka rasaastu dhagaha noogu dhacayeen. Marar badan macallimmiintu way na fasixi jireen.

Jidadka guriga iyo dugsiga u dhexeeyaa waxa ay ahaayeen furummo laba iyo saddex ciidan isku horfadhiyaan. Sidaas bay noloshayadu marwalba cabsi iyo walwal u ahayd.

Shan iyo labaatankii sannadood ee da`daydu jirtay Muqdisho waxa igu soo maray dagaallo wejiyo kala geddisan leh. Kuwo beelo u dhaxeeyey, kuwo qabqablayaal iyo maleeshiyaad dhexmaray iyo kuwo ciiddamo dawladdeed iyo kuwo shisheeye ba leh. Si wacan uma ogi waxa laysku dilayey ee dad badan oo aannu qoys ahaan iyo deegaan ahaanba iskugu dhaweyn loo gumaaday.

Dagaalkii se ugu halista badnaa waa kan iminka socda ee wax argagaxiso ladhahaa waddo. Argagaxisada bartilmaameedkoodu ma ahan cid gaar ah iyo meel gaar ah, mana ahan wax layska ilaalin karo! Magaaladu markasta filashadeedu ma wacnayn. Muqdisho,marwalba oo ubaxu isku diyaariyo inuu fufo waxa qaadhinayey oo ku joogsanayey cag cadow oo aad u arxandaran. Markasta oo aannu neecowda laydha dareenno ba waxa shaamareerinaya baaruudda!

Weligay sidaas baan diillinta dhimashada u cararayey ismaan se dhiibin ee marwalba iyo iminkaba waxaan qabaa rajo wacan.

Dhawaan baan guursaday, shaqo nololmaalmeedkayga aan kala soo baxo na waan samaystay. Hooyaday iyo xaaskayga ayaan guriga ku masruufaa. Shaqadaydu waa mid halis badan oo dad badan oo aannu shaqo-wadaag ahayn heddoodii sababsatay. Waa shaqo wejigaaga iyo halka aad ku sugantahay si fudud lagu ogaan karo. Waa shaqo cadow badan leh. Waagii berya iyo gabbalkii dhacaba telefoonkayga waxa soo gaadha farriimmo dhiig xambaarsan. Shaqada weriyenimada inaan joojiyo iyo  in lay dilo ayaa ii kala dooran! Anigu se shaqadan waaxan u irkadaa noloshayda iyo ta reerkayga, haddii aan joojiyana xaafaddayda dheri dab la ma saarayo. Arrinta mucjisada ahi waxa weeye inaanan garanayn ciddan go`aankaas adag ii yeedhinaysa ee naftayda cabsida ku abuuraysa, waxa iyaduna yaab kale ah inaanan cidna wax dembi ah ka gelin!

Magaalada Muqdisho waxa jira dad badan oo nafhur ku shaqeeya. Waa dad illintu ku qalashay oo diiday inay isdhiibaan. Qof waalidkii iyo walaalladii hortiisa lagu qudhgooyey, kuwii sidaas xun falayna weli dibinta qaniinsan yihiin bay magaaladu wada haysaa oo ku wada nool. Inta magaalada dad ku nool in leeg oo kale ayaa dunida ukala firdhatay. Qofkii nooliga heli karayey mid aan heli karahaynba jaantaa la rogay.

Dharaar dhaweyd anigoo sidii caadada ii ahayd goob shaqo ka soo baxay oo maraya Isgooyska Dabka ayaa waxa hortayda lagu jaray baabuur. Waxa kasoo degay niman hubaysan oo handadaad igu afduubtay. Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horreysay ee aan xaaladdan oo kale la kulmay,haddana markan waxa aan dareemay cabsidii ugu weynayd. Farriintii ugu dambaysay ee shalay galab ii imanaysay ayay tani ka dambeysay, farriintaas waqalka murugada leh sidday waxa ay ahayd DIGNIIN!

Waxaan markii ba yaqiinsaday inaan gacanta ugu jiro dadqalato aanan nolol kaga fakan karahayn. Dhimashada naftayda waxaa igala culus midda qoyskayga oo aan iga oolli karin. Waxa aan ku baryootamay inaan ahay maskiin maati danyar ah u adeega oo ay nolol iga sugayaan. Waxan se kala kulmay hanjabaad iyo jidhdil. Markiiba waxa ay I keeneen isla guri magaalada Muqdisho ku yaalla oo xarrun weyn u ah Alshabaab!

Biraha gawaadhida, kuwa foostooyinka iyo bir guud ahaanteed ayaad indhaha ku dhufanaysaa kolka ugu horraysa ee aad gudaha u gasho dhismahan cabsida badan. Marka halkan la joogo gurigan waxa loogu yeedhaa ereyada Carbeed ee “Beytullaah” waxu se u eegyahay hoy shayddaan amma waa ba hoy shayddaan! Laba saddex tallaabo kolka aad guriga kusii dhawaato waxyaalo kale oo argagax leh ayaad arkaysaa; miis halkeer yaalla waxa ka sarraysa maro weyn oo lagu xardhay kalmadda: “  لا اله الا الله محمدا رسول الله  ”.

29-Al-Shabab-AFP-GettyMeel daarradda ahna waxa ka lusha maro kale oo madow oo dhexdana ay kaga qoran tahay isla ereyadani. Ciidammo aan wejiyadooda la arag oo afka duubban baa meelwalba la tuban hub. Qofka sidayda oo kale cusubi marba marka kasii dambaysa ee uu gurigan kusii dhawaado ba waxa ku soo dhawaanaysa cabsi, naxdin iyo walbahaar adduun. Waxa yaab kugu noqon kara in gurigani Muqdisho dhexdeeda ku yaallo! Dadka halkan jooga oo dhammi Soomaali ma ahan; qolalka guriga waxa marna galaya marar kalena kasoo baxaya Bakastaani, Itoobiyaan, Ugaandhiis,Ereteriyaan, Kenyaati,Yemaninyiin iyo dadyow kale oo madow iyo caddaan ba leh. Qolalka guriga midba shaqo gaar ah ayaa ka socota,dadkuna qofwaliba shaqo ayuu ku hawlan yahay. Marar badan waxa laga shaqaynayo iyo sida loo shaqaynayoba sixir baad mooddaa. Qol ka mid ah waxa yaalla hub kala duwan. Qol kale “Tashkiilka” ayaa ladhahaa oo marar baa laga ooyaa, waana qolkii ugu horreeyey ee lay keenay aniga. Qol kale waxa loo ga ambabaxaa geerida iyo dhimashada! Qol baa se jira aan cidwaliba galin, dhawr nin oo Amiirro loogu yeedho oo Soomaali iyo Ajanebiba ah ayaa gala, kana soo baxa. In yar oo is-uur og baa qolkaa waxa ka socda ogaan karta! Qolbaa masaajid ah, dadka oo dhammi se kuma wada tukadaan – kuwa ugu badan ee ku cibaadaystaa waa dadka cusub ee isku diyaarinaya inay bilaa sabab geeriyoodaan.

Halkan waxa lagu nacaa nolosha dadka. Waxa lagu nacaa farxadda, ubaxa iyo jacaylka. Gurigan waxa lagu jeclaadaa nacaybka, cuqdadda.geerida iyo baaba`a! Halkan ereyga “Nolol” waxa loo ga yaqaannaa cay, halka ereyga kaas ku lidka ah ee “Geeri” looga yaqaanno barako iyo ammaan!

Dadka qaar waxa lagu jidh-dilaa inuu dhabbada geerida socdo. Dad kale waa la dulleeyaa, kuwo kale waxa lagu qulaamiyaa dawooyin iyo dhir, kolkaasay isla markii ba intay isbeddelaan kor ugu dhawaaqaan “ALLAAHU AKBAR”! Kuwo kale dhaqaale badan baa la siiyaa. Kuwan dambe waa kuwo socod badan oo shaqo badan. Mar dirayska ciidammada dawladda Soomaaliya ayay gashadaan, marna khamiisyo iyo cumaamado. Mar kalena dhar suudh ah oo aad u qaali ah ayay ku labbisan yihiin, ma ahan kuwo si sahlan loo fahmi karo. Ammiirku waa nin dheer oo indha cascas oo cadho badan oo gadh weyn oo ammarro badan oo waji kakan oo aad loo ga cabsado!

Dhawr ayaamood kolkii gurigan laygu hayey waxa laygu cabsi galiyey hooyaday iyo marwadayda oo uur leh inay dili doonaan haddaanan la shaqayn mujaahihiinta. Waxa dhaygag igu noqotay inaan kobtan ku arkay dad badan oo aannu qaarkood dhanka shaqada iska agdhaweyn, kuwo aan moodayey inay dawladda u shaqeeyaan iyo kuwo aannu qaraabo nahay! Waxa lay faray inaan warbixinta cadowga Alle iyo murtadiinta soo gudbiyo lacagna aan qaato. Haddii aan sidaas yeeli waayo na ay aniga iyo qoyskaygaba aakhiro u diri doonaan. Runtii waan qasbanahay. Halka aan unugulahay waa marwadayda iyo hooyaday – halkaas bay sida xiniinyaha imaroojinayaan oo ay ixanuujinayaan! Waa markii ugu horraysay ee aan gartay in magaalada Muqdisho qofku dhawr shaqo hayn karo,qofwalbana aan laysku hallayn karin, xataa hadduu asxaabtaada iyo qaraabadaada yahay.

Gurigan  in dhimashada iyo geerida dadka lagu diyaariyo ka sakow waxa kale oo gudihiisa ka jira dulmi, kufsi iyo bahalnimo aan xad lahayn oo nimankan mujaahidiinta sheeganayaa falaan!

Iminka waan noolahay waxan se ordayaa diillinta dhimashada oo magaalada Muqdisho ku taalla!

Diillinta Dhimashada!

W.Q. Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

One Response to “DIILLINTA DHIMASHADA!”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.