Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dil caawa Muqdisho loogu geystay wariye

Muqdishu (WDN) – Waxaa caawa lagu dilay magaalada Muqdishu wariye ka tirsanaa  Idaacadda Shabeelle, wariyaha ayaa oo mid ah kuwa ugu afka dheer ee ka jira Soomaaliya.

wariye-cabdicasiis_idaacadda-shabeelle
Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji- AHU

Wariyaha ayaa lagu magacaabayay Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji , waxa uuna ka mid ahaa barnaamij soo saarayaasha Shabeelle. Marxumm Cabdicasiis ayaa lagu dilay ag’agaarka Jiira Garoob ee degmada Yaaqshiid.

Sida ay dadka deegaanku u sheegeen WardheerNews, dilka wariyaha ayaa waxaa ka danbeeyay dabley ku hubeysnaa Bastoolado.  Kuwaasi oo dilka ka dib halkaasi ka baxsaday.

Lama ogo kooxda dilka geystay, balse wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ay ku baxsadeen mooto Bajaaj ah oo ay wateen.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimo, ayaa si kulul u canbaareeyay dilka wariyaha. Waxa uuna ka codsaday hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dhcadii ka danbeeyay dilkaasi.

Idaacadda Shabeelle ayaa ah Idaacada ugu badan ee laga dilay dad halkaasi ka shaqeeya (wariyayaal) 10 -kii sano ee ugu danbeeysay dalka Soomaaliya iyo caalamka.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.