Saturday, July 21, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DILLAAL IYO DARWIISH

W.Q: Shaafici Qaasim Nuurgaas`

Shaafici Qaasin

Ismaaciil Mire Cilmi waxa uu ahaa gabyaa weyn oo maansaruug ah, waagiisiina si weyn loo wada yiqiinney. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa maqaddimiintii horkacayay halgankii Daraawiisheed ee Seyid-Maxamed Cabdille Xasan odayga ka ahaa. Waxa uu ku dhashay ceelka la yidhaahdo Laasadaar oo degaanka Buuhoodle ka tirsan wakhti ku beegan 1862kii. Halkaas ayuu ku barbaaray, ku hanaqaaday kuna xilaystay. Waxa uu ahaa reer Nugaaleed xooladhaqato ah jeer oo uu Daraawiish ku biiray.

Dhawr iyo labaatan jir ayuu Ismaaciil Mire Daraawiish ku galay, markaas oo uu ku darmaday hurintii ugu horraysey ee dhaqdhaqaaqaas lagu askumay. Intii uu Daraawiish ka tirsanaa, waxa uu ku caanbaxay inuu ahaa xubin firfircoon oo xoog furan, amarrada astaadkana aad ugu dheganugul. Waa dhif iyo farkuddoon duullaan Daraawiishi qaadday oo aan Ismaaciil Mire safka hore kaga jirin. Taas ayaana keentay in uu baxdo iyo dhacdo debedda wareego oo bilo dhan oo cir Alle ka dhashay reerkiisa ka maqnaado.

Rag badan oo ay isku eyni iyo asaag ahaayeen ayaa Ismaaciil Mire ku qoonsaday sida uu u siddiqay weedha wadaadka, Darwiishnimaduna daacadda uga tahay. Raggaas waxa ka mid ahaa Calidhuux Aadan oo ku tilmaamay Ismaaciil Mire nin fal iyo qataar lagula quustay oo xataa haddii uu hurdo ka soo kaco Daraawiish ku selela! Isagoo arrinkaas ka jawaabaya waatuu Ismaaciil tiriyey tuducan soo socda oo uu yidhi:

Ima duufsan sheekh Maxamedkii duubka ii xidhaye
Anigaaba diintiyo sharciga laygu daabacaye
Adna Reer Subeer dabaggashaye duxi ha kaa raacdo.

Daacadnimadiisii xad-dhaafka ahayd ee dhanka Daraawiishta ayaa keentay in hoggaankii sare ee Daraawiishtu si buuxda ugu kalsoonaado una xilsaaro hawlaha muhiimka ah sida kormeeridda qalcadihii waaweynaa ee kala durugsanaa iyo weliba sahaminta fadhiisinnada cadawga, taas oo sabab horaad u noqotay in janannadii Ingiriisku ay khaatu billaahi ka istaagaan magaca Ismaaciil Mire, madixiisana qiime lacageed duldhigaan.

Lala qabo kaalintiisii hoggaamineed ee dhinaca dagaalka, Ismaaciil Mire waxa kale oo uu kaalin mug leh ku lahaa sawdkii suugaaneed ee dhaqdhaqaaqa Daraawiishta. Marka laga tago Seyidka oo Daraawiish uga dhignaa makarafoon cod weyn oo dhanka dabaysha u jeeda, Ismaaciil Mire qudhiisu dab yar ma uu shidaynin. Waxa uu tirin jiray gabayo badan oo isugu jira kaftan iyo madadaalo, guubaabo iyo tirtirsi, allabari iyo dhaawasho iyo weliba kuwo kale. Daraawiish dhexdeeda waxa caado ahayd marka ciidan dagaal ku maqnaa soo noqdo oo xarunta soo galo in Seyidka judhiiba loo warramo oo wixii colku la soo kulmay oo tifaftiran dhegihiisa lagu shubo. Kaalintan oo kale Ismaaciil Mire ayaa iska lahaa, isaga ayaana la hormarin jiray. Kolkaas ayuu tix diirran oo hadda dabka laga soo qaaday, warbixin waafi ahna xambaarsan Seyidka ka hor dareerin jiray. Warkaas oo qudha ayuun baa na wadaadka ka daadegi jiray oo dubaaqiisa geli jiray.

Haddaba, gabyaannimadii Ismaaciil Mire ma ay ahayn mid markii Daraawiish la waayay iyadana lala waayay, balse Ismaaciil waxa uu sii ahaa gabyaa afkiisa la dhawro burburkii Daraawiisheed kaddib ilaa iyo uu ka xijaabtay 1950kii. Wakhtiyadaas danbe gabayadiisu waxay u ciireen dhanka wacdiga, waanada, waxsheegga iyo awaala-warranka. Gabayga aynnu qormadan kaga hadli doonnaa na waxa uu ka mid yahay kuwii uu tiriyay muddooyinkaa danbe ee uu waayeelay, hase ahaatee ujeeddo ahaan waxa uu daarran yahay warbixin si murti iyo maad leh loo soo gudbiyay oo lagu habayo dhegaha cid wax weyn gabyaaga ka dhawraysay.

1920kii kolkii calankii Daraawiisheed ciidda cunay ee Cadan lagaga soo duulay, cirka sare na laga soo dhagxiyay ayaa xaruntii lagu kala dareeray, nin walibana halkii ehelkiisa ku aaddanayd afka saaray. Ismaaciil na raggaas waxba kagama uu duwanayn e, Cayn iyo ceelkii uu ku dhashay ayuu cimaamadda dhigtay. Waxa uu la falgalay bulshadii reerguuraaga ahayd ee degaankaas ku dhaqnayd, kuwaas oo markii hore isaga oo faras ku jooga uu guure iyo galab-carraabe hadba gees ka dhaafi jiray. Kolkan waxa uu noqday reermiyi caadi ah, beesha dhexdeedana waxa uu ka noqday waaya-arag la waraysto, gabyaa ereygiisa la gunto iyo weliba xeerbeegti hadba xaajadii murugta lagula irkado. Waxa uu waanin jiray dhallinyarada cagta fudud ee aan waayaha nolosha weli tijaabin, wuxuuna u kala tilmaami jiray colaadaha kuwooda libinta lagala soo noqon karo ee ay tahay in aan la laayicin iyo kuwa digadoodu aanay hore u demin ee ay tahay in laga durko.

Beryahaas uu Ismaaciil ardaagiisa ka soo toosi jiray, ishkinkiisana la dareeri jiray, waxa uu si joogto ah uga qayb qaadan jiray hawlaha kala duwan ee waagii beryaba qoyska reermiyiga ah horyaalla sida foofinta xoolaha, sahanka, safridda iyo shubidda intaba. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ismaaciil damcay in uu reerkiisa xoolo u safarsado oo magaalo u sadcaalo. Reerihii degmada oo dhan ayaa iyana Ismaaciil xoolo u sii dhiibtay, iyaga oo sii faray waxyaabihii ay u baahnaayeen si uu magaalada ugaga soo gado. Sidaas ayuu Ismaaciil qayradii kaga ambabaxay isaga oo wata adhi badan oo ahmin ah, kuna sii jeeda seyladda magaalada Burco. Dhawr caanamaal kolkii uu sii dhaxay ayuu habeenkii danbe magaaladii ku hoyday. Alasaydii markii waagu dillaacay ayuu ahminkii seyladda kula kallahay.

Haddii uu sayladdii ku soo dhowaaday, ayaa waxa sheedda ka halacsaday oo ku soo kaakacay koox dillaaliin ah oo aad mooddo in isaga lagu sii ballamiyay, kuwaas oo iyaga oo aan waxba weydiin, neefafkii uu watay kala hororsaday. Yaab iyo amakaag ayaa Ismaaciil Alle u keenay! Gaar ahaan wuxuu sii anfariiray, sidii ay qaydhinka ku cunayaan, markii ay neefafkii goljilicda ka gugujiyeen, dhabarkana ka tuutuujiyeen!!! Intaasiba waa sahaalo e, Ismaaciil Mire waxa uu quusqaatay markii indhihiisa oo shan ah ay raggii gacmaha is gashadeen oo luuqadda dhegoolayaasha ku wada hadleen. Cajiib! Asalkiisaba meel wax lagu kala iibsanaayo Ismaaciil muu arag, saa waaba iyada oo shanta farood xubnahooda lagu baayactamaayo!!!

Maadaama aanu isagu gorgortan iyo waxgadasho midna garanaynin, asii aanu fahmaynin ishaarooyinka lagu wada xidhiidhayo, Ismaaciil waxa uu wakiishay mid ka mid ah dillaaliintii si uu neefafka ugu gado. Ninkaas oo uu markii danbe si weyn ugu tuhmay in uu isaga qudhiisu mu’aamaradda qayb ka ahaa.

Ugu danbayntii adhigii waa la gaday – neef waliba wax uu baxayba – Ismaaciil na meel madhan iyo faraguudkood ayaa lagu sasabay kaddib markii ay dillaaliintii wax u xisaabxumeeyeen. Illeen hadduu adhiga isagu wada leeyahay welwelku intan ma le’ekaadeen! Ismaaciil waxa isu qaban waayay wixii la soo faray iyo waxa farihiisa soo galay! Kolba waxa maankiisa ku soo dhaca, farriini waa qaan e, waxyaabihii kala duwanaa ee xaawalaydii xoolaha u soo dhiibatay ay kula sii dardaarmayeen: Maxaa milix ah! Maxaa maacuun ah! Maxaa arratir ah! Maxaa alaabo kale ah! War illeen belaayo!!! Ismaaciil halkeer ayuu dhaqaaqjoogsaday oo dhafoorrada qabsaday. Waxa afkalaqaad ku noqotay waxa uu ugu jawaabi doono cidihii xoolaha soo safarsaday marka uu rugtii iyo reerihii gaadho.

Ismaaciil Mire waxa uu magaaladii ka carraabay isaga oo yaxyaxsan oo wax yar oo aan looga fadhiyin foodsaare ka sii dhigtay. Kolkii uu reerihii gaadhay ayaa gug lagu soo yidhi oo lagu soo xoomay. Dadka xoolaha u dhiibtay waxa u badnaa haween, kuwaas oo mid wal oo ka mid ahi ba ay dhawrayso bafto iyo beeg bal waxa uu Ismaaciil benderkii ka keenay. Allahayoow yaa wax u sheega!!!

Arrintan oo kale nin waliba kama dabbaalan karo. Waxay u baahan tahay aftahamo iyo arar maangal ah. Afmaal aanay laba erey is kaga darsamin mooyaane, afgarooc uurka ka gunuusaa kama garbixi karo, Ismaaciil na waa gabyaa weyn oo geysh la yaqaan afhayeen u soo  ahaan jiray. Wuxuu u banbaxay sidii uu isu barrixi lahaa. Ugu horraynba waxa uu ugu soo arartay, intii madixiisu cirraysanayay, col uu horkaco mooyaane, in aanu weligii calaf magaalo cindigiisa gelin. Hayeeshee, maanta waxa uu shanta la galay wax aanu ab iyo isir toona u lahayn. Waxa uu ku cudurdaartay in aanu shuqulka magaalada shay na ka aqoon, uuna shaamareeray markii wanankii shishlaa ee uu la soo shirtegey niman kale shaabuugga u qaateen. Si cad ayuu Ismaaciil degmadii ugu sheegay in qaar khayrlaawayaal ahi ay qalinshubateeyeen kaddib markii ay yaqiinsadeen in uu yahay gaasdhagoole

aan rubbad iyo riyaal kala saaraynin. Waxa kale oo aanu illaawin ninkii uu uu ciirsiga mooday ee candhablaha jaray cawaraaddiisana qaybta ka ahaa. Ismaaciil Mire waxa uu hadal ku soo gooyay in adhigaa qabqable u baxay oo qowleysato ka faramaroojisay, ribix iyo raasamaal wax ay ku reebeenna aanu jirin, aan ka ahayn sarwaan iyo suufaf. Sicirka suuqa iyo seyladaha wax kala iibsiga labadaba rag baa iiga sii dhuun daloola e, bal iyaga ba wax su’aala ayuu gabaygiisii ku soo xidhay Ismaaciil.

Wuxuu yidhi:

Nimanyahaw awow iyo awow, iyo abkaan sheegto
Iyo anigu abidkay ma arag, iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jiray raggaan, ka isirraa waaye
Ol’olaan wax kaga qaybsan jiray, ululuf duullaane
Mar uun baan amaamuday waxaan, aabbahay faline

Afar waxaan u dhaxay tuuladii, awrta loo raraye
Albaabkii Burcaan tegey anoo, aaladdii sida e
Amminkiiba lay yimid sidii, eegi lay yahaye
Ooggii horay nagu kaceen, adhi-dillaalkiiye
Dar iimaanka laga qaaday baa, noo aloogsadaye

Amakaagay goortay wankii, adhaxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma’ahadii, la is ilaaqaayay
Asaraartankii baa qalbiga, aad wax ii dhimaye
Ilmaroojihii bay khatalay, kii an aaminaye
Afka reermagaaluhu yaqaan, waan ka oodnahaye

Afar bawlad laga gooyay bay, igu aluubeene

Anigoo arkaayaa gacmaha, laygu iibsadaye

Adhigaad I weydiinasaan, uun kalaw baxaye
Kuwo boqonta ood laga sudhay, ila ahaayeene
Ushaa jeedal iyo suufaf bay, igu illaaweene
Ascaartaba rag baa iga badshee, idinku weydiiya

****** ***** ***** *****

W.Q: Shaafici Qaasim Nuurgaas
Email: shaaficiqaasim@gmail.com

———-
Tixraacyo

Axmed F Cali ‘Idaajaa’. (1974). Ismaaciil Mire. Xamar. Wasaaradda Hidd. iyo Tac. Sare. Akademiyaha Dhaqanka.

Cabdullaahi Maydhane iyo kuwo kale. (1983). Suugaan: Fasalka Koowaad. Dugsiga Sare. Muqdisho. Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarinta. Xafiiska Manaahijta.

Somali Channel, 2012. AF IYO SUUGAAN 4AAD 26 02 2012 SOMALI CHANNEL. [fiidyaw intarneetka ku jira] Laga heli karo: https://www.youtube.com/watch?v=rPfFRofhyIM [Haleelay 25kii Juun 2016]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.