Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dimuqaradiyiintii ugu horreeyey ee Africa: Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdrisaaq X. Xuseen.

W/Q Umayma Good

Ayaandarrooyinkii ugu weynaa ee Afrika wajahdey gumeysigii ka dib, waxa ka mid ah in dalal badani markii ay gobannimada qaateen ay gacanta dib ugu galeen kaligood taliyeyaal, oo xukun jacleysigu waxa uu noqdey dhaqan ay madaxdii Afrika dhammaan yeeshaan.  Taasina waxay keentay in Afrikaan badani u arkaan in hoggaanka siyaasaddu uu yahay mid sidiisaba noocaas ah, daraasaddaha ugu badan ee qaaradda laga qoraana ay noqdaan hoggaanka kalitalisnimo iyo masiibada laga dhaxley.

Umayma Good

Ustaad Cabdi I. Samatar, oo ah Bare Sare,  ahna hormuudka Kulliyadda Juquraafiga, Deegaanka iyo Bulshada ee Jaamcadda Minisoota ee dalka Mareykanka ayaa ah dadka aadka ugu hawlan daraasadda Afrika iyo Soomaaliya isagoo dhawaanna daabacey buugga uu kaga hadlayo hormuudkii dimuqraadiyadda Afrika oo ah Soomaali. Isaga oo dareensan in qoridda buuganni ay muhiim u tahay labo arrimood ba, 1) Hannaankii dimuqraadiyaddeed ee ay hirgaliyeen hoggaamiyayashii Soomaliyeed ee dawladdii Aadan Cabdulle ma jiro mid la mid ah qaraadda Afrika, taasina waxa ay dhalineysaa dood ka duwan daraasaddaha laga sameeyo hoggaanka qaraadda iyo dimuqraadiyadda, madaama ay daraasaddaha laga sameyaa qaraaddu ay u badan yihiin wax ka qorista xukunka kalistalisnimada. 2) Buuggu waxa uu caddeynayaa in siyaasiyiinta Somaaliyeed ee maantu ay tahay inay casharro ka bartaan hannaankii maamulnimo ee labadda hoggaamiyeyaal, oo ay tahay inay ku dabiibaan timaadada iyo mustaqbalka siyaasadda maanta ee Soomaaliya.

Qoraagu waxa uu u arkaa in masiibada ugu weyn ee haysata guud ahaan Afrika, gaar ahaana Soomaaliya, ay tahay maalmul xumo iyo dawlad xumo, dhibaatooyin badan oo qaaradda maanta haystana ay xal u tahay in la helo hoggaan karti leh iyo dawlad wanaagsan. Taa waxa la mid ah, in dimuqraadiyaddu hirgasho waxa  lagama maarmaan ah in uu jiro maamul saxsan iyo dawlad toosan. Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirisaaq X. Xuseen waxa ay ku sifoobeen maamul wanaag  karti u leh hirgalinta hannaanka dimuqraadiyaddeed; dhawrista rabitaanka dadka iyo u hoggaansanaanta dastuurka iyo shuruucda dalka. Taasina tahay dabeecada ay kaga duwanaayeen hoggaamiyaayasha dhiggooda ee Afrika gumeysigii ka dib.

Noloshii Carruurnimo ee Hormuudka Dimuqraadiyadda Afrika

Qoraagu waxa uu labada cutub ee xiga si balaadhan ugaga hadlayaa noloshii labada hoggaamiye. Waxa aad isku shabaha noloshoodii carruurnimo  iyo duruufihii kala duwanaa ee ay kusoo barbaareen iyo sida togan ee uu mid waliba wax uga bartay noloshii adkeyd iyo kartida ay yeesheen markii danbe, isaga oo aaminsan in noloshii adkeyd ee carruurnimo ay qaabeysay oo saameyn weyn  ku lahayd qofnimadoodii danbe.

Adan Cabdulle Cismaan, Agoonkii noqdey madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya gobannimadii ka dib. Aadan waxa uu ku dhashay miyi ka mid ah gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa wiilka kaliya ee ay dhaleen waalidkiisu balse nasiib darro waxa uu barbaarey isaga oo agoon ah, waxaaanu yaraan ku waayey hooyadii, muddo yar ka dibna waxa uu Libaax dhaawacey Aabihii, mana jirin wax hanti ah oo u ka dhaxley waalidkii taasina waxa ay ku kaliftey ina uu da’a yar shaqo ku bilaabo. Dadaalkiisii badanaa, hamigiisii sare  iyo inay dad wanaagsan ka ag dhawaayeen waxa ay suuro galisay inuu ka gudbo noloshii adkeyd oo uu abuuro kalsoonida uu naftiisa iyo reerkiisa ku maareyn karo, oo uu kaga maarmi karo kaalmada dadka kale. Sidoo kale, Aadan inuu  dhalinyaranimadiisi la kulmey gumeysigii, gardarradii Talyaaniga, tacaddigii iyo caddaaladd darradii oo uu inbadan u soo joogey, waxay ku abuurtey cuqdad, waxaanu korey isaga oo ay ku weyn tahay in lala dagaalamo gumeysiga oo ummaddu hesho caddaalad. Taasina waxa ay u horseeday inuu yeesho  karti uu ku hoggaamiyo ummadda markii uu xukunka dalka qabtey, isaga oo aaminsanaa in laga maarmeyo siyaasadda reernimo haddii ujeeddadu tahay in danta guud ee dadka laga shaqeeyo.

Cabdirisaaq X. Xuseen, Ra’iisul- wasaarihii labaad ee dawladdii Aadan Cabdulle: Cabdirasaaq isagu dhanka kale, waxa uu ku dhashay duleedka miyiga Gobolka Nugaal. Waxa uu ka dhashay qoys ballaadhan tiro ahaan, muddo markii uu geella jiri jirey ayaa aabbihii u diray dugsi quraan. Waxa saameyntii ugu weynayd ku yeeshay Cabdirasaaq macallinkiisa Quraanka oo mar kasta weydiin jirey ardeyda maxa ay tahay sababta Muslimiintu ay dib ugu dhaceen oo ay qayrkood uga horumareen ? Jawaab u raadinta su’aashan iyo u soo joogistiisa gumeystayaashii kala duwaanaa – Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itoobiya- ayaa waxa ay sal u tahay waddaniyadda iyo qarannima u doodka uu la korey. Waxa uu yaraan ku billaabey inuu kasoo tago reerihii oo magaalada nolol ka bilaabo. Waxa soo wajahdey duruufo badan iyo xalaado adag ba.  Waxayna u horseedday inuu yeesho karti iyo waayo-aragnimo ballaadhan oo uu kula soo dhaqmey gumeystayaashii kala duwanaa, kana bartey in dhisidda dastuur qaran ka ballaadhan tahay xeer  dhaqan oo u baahan tahay dajinta hannaan siyaasaddeed oo danta ummadda loogu adeego.

Shakhsiyadda labada hoggaamiye iyo nolosha iskorisnimo ee ay ku soo barbaareen waxa ay u horseedday ina ay door weyn ka qaataan Ururkii Halgankii Gobonimodoonka (SYL), siyaasaddii dalka iyo dhisiddii qaranka Soomaaliyeed gumeysiga ka dib iyo dedaalkii mideynta ummadda Somaaliyeed.

Qarannimadii iyo Dhiskii Dawladda

Soomaaliya xiligii gobannimada, inay xorriyad qaadatey waxa u dheeraa midowgii labo  ka mid ah shanta Somaaliyeed, sidaa darteedna waxa dawladdii markaa la yegleelay hortaaley hawl badan, oo ay ugu horreyso dhisidda qaranka  iyo hirgalinta dastuur caddaaliya oo sal adag u noqda midowga cusub ee labada gobo ee Soomaaliyeed. Tobonkii sano ee u horreeyay gumeysigii  ka dib, waxa dawladdu aad ugu mashquulsaneyd dhisidda qaranka. Aadan Cabdulle waxa uu aad ugu heelanaa dhisidda dawalad dimuqraaddi ah, waxaana ka go’nayd in dadka isaga igmadey uu ka shaqeeyo dantooda. Waxa ka mid ahaa dardaarankiisii, “ Si aan u hirgalino oo aan u adkeyno dimuqraadiyadda qarankeena waa in aan dhammaanteen (maamul iiyo shacab) aan ixtiraamnaa oo aan u hoggaansanaa shuruucda iyo dastuurka aan innagu dajinsaney”. Afartii sanno ee ugu horreysay waxa  soo wajahay dawaladdii xilligaa qalalaaso badan, waxa jirey isku dhacyo badan oo u dhexeeya siyaasiyiinta dantooda fushanaya iyo kuwa danta ummadda u dirirayey. Waxa sidoo kale jirtay guullo ay dawladdu gaadhey oo ay ka mid ahayd   in la fuliyo  doorashada baarlamanka oo ahayd tii ugu xalaalsaneyd ee abid Soomaaliya laga qabto,  iyada oo dawladdu isla markaa xalaad adag iyo dagaallo kula jirta Itoobiya.  Waxa sidoo kale awood lahayd maxkamadda sare oo hoggaamiye dawaladdeed  iyo muraacidba loo sinnaa sharciga.

Ka dib doorashadii xisbiyada, waxa isla markiiba la billaabey dhisidda dawlad cusub, iyada oo la wada sugayay cidda uu madaxweyne Aadan Cabdulle uu u dooran doono ra’iisal wasarihiisa. Aadan waxa uu magacaabey Cabdirasaaq Xaaji Xuseen, isaga oo aad ugu riyaaqsanaa  muddadii koobaneyd ee uu Cabdirasaaq ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xilligaa hawsha ugu weyn ee hortaaley ahayd adkeynta midowga labada gobol ee Soomaliyeed. Cabdirasaaq waxa horyaaley hawlo aad u culus; sal u dhigga dawlad wanaagsan, dejinta shaqaalaha dawladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo inta boobeysa hantida qaranka.

Ustaad Samater waxa uu buugga ku qireyaa in Cabdirasaaq uu ahaa hoggaamiye fiican, oo leh karti iyo hufnaan uu kaga gudbi karo caqabadaha hortaagan si uu u yagleelo dawlad ka hufan musuqmaasuq.

Sida buuggu xusayo, Soomaaliya ma soo marin nidaam dawladnimo oo ka wanaagsan dawladdii ay hoggaaminayeen Aadan Cabdulle iyo ra’iisal wasarihiisii Cabdirasaaq X. Xuseen. Waxa uu daliishanayaa warbixino badan oo kala duwan oo lagu amaaneyo hawlkarnimadii, xilkasnimadii iyo maamul-wanaagii labada hoggaamiye, iyaga oo ay ku weynayd masuuliyadda ay dadku u dhiibteen. Dhaqanka ay labada hoggaamiye lahaayeen waxa dhif aan hore loo arag ka dhigaya waa inay aad iskaga dhawri jireen inuu damac ka galo hantida ummadda iyo qaranku lahaa, waanay yar tahay siyaasiyiin Somaaliyeed ama Afrikaan ah oo aan hantida ummadda aan ku fushan dantooda gaarka ah.

Toddoba sanno ka dib oo uu Aadan Cabdulle ahaa madaxweyne, 10 kii Juun 1967, ayaa waxa timid doorashadii madaxtinimada, waxa cod lagaga guuleystey Aadan oo uu ka guuleystay tartamihisii Cabdurashiid Cali Sharmaake. Waxa uu Adan u wareejiyey xilkii si nabad galyo ah, waana markii ugu horreysay ee madaxweyne Afrikaan ahi doorasho xor ah lagaga guuleysto oo uu si nabad ah xilka u wareejiyo. Waxa bogaadiyey arrintaa madaxweynihii Saambiya Kenneth Kaunda, mar uu Soomaaliya soo booqdey oo hal fadhi kula casheeyay labadii madaxweyne ee Aadan Cabdulle, Madaxweynihii hore, iyo Cabdurashiid Cali, Madaxweynihii la doortey.  Dabcan waxa ay aheyd arrin ilaa imika ay dhif tahay in lagu arko qaaradda Afrika.

Gabogabo, waxa aan ognahay in haddii aad adigu ka sheekayn weydo badhaadhahaaga in qof kale sida uu rabo isagu uga waramo waayahaaga. Taas waxa la mid ah, haddii aad adigu taarikhdaada qori weydo in qof kale u qoro sida isaga ay la noqoto. Ustaad Samater mar la weydiiyey sababta ku kaliftey inuu sameeyo daraasadda wakhtiga badan ka qaadatey, waxa uu kaga jawaabey, in taariikhdan mudan in wax laga qoro ay ku dulmaneyd cilmibaadhayaasha daraaseeya Afrika, oo badankoodu ku mashquuley wax ka qorista ba’a Afrika iyo dhibta ay kalitaliyaayshu ku hayaan qaaradda. Taas waxa ka dhigan in buuggu abuurayo rajo ah in ummadda Somaaliyeed  badhaadhe gaadhi karto haddii la helo hoggaan dimuqraaddiya iyo dawalad qumman. Waxase jirta iyana in la fahmo  in ummadi dimuqraadiyad qaadato iyo inay noqoto dimuqraadi ay kala duwan tahay. Midda hore way fududahay, oo way dhacdaa ina la helo hogaamiye xilka iska wareejiya, balse in la noqdo qaran dimuqraadi ah ayaa ah hiigsi dheer oo ay gaadhistiisu u baahan tahay waqti iyo hawlo badan iyo in dadku bartaan inay karti ku xushaan cidda ay  talada u dhiibanayaan.

Alla Mahadleh

Umayma Good
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.