Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dood sharciyeed ku saabsan dhiibistii Qalbi-dhagax

W/Q Guuleed Macalin Siyaad

Hordhac

Taariikhdu markay ahayd 23kiiOgosto 2017, ayay dawladda Soomaaliya CabdiKariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ka soo taxaabtay magaalada Gaalkacyo oo Baydhaba si qasaba ugu wareejisay ciidanka Itoobiya ee halkaas jooga. Ciidankaasu waxay u sii gudbiyeen Itoobiya oo Qalbi-dhagax uu hadda ku xidhany ahay.  Arintaasu sida ay u khaldaneyd dadkuna uga soo horjeedday, waxay bulshoweynta Soomaaliyeed ka filanaysay dawladda, waxaa muddaaharaad ku muujiyay dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida daafaheeda. Sidoo kale xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa iyana ka gadooday arintaas.

Waxaa taas dheer, in culumo badan ay caddeeyeen sida arintaasu diinta Islaamka uga soo horjeedo.Intaas midna dib ugu noqon mayo. Balse, waxaan qoraalkan kaga hadli sida arintaasu ay u khilaafsan tahay sharciga dalka iyo kan caalamiga ahba.

Dastuurka Soomaaliya

Qodobka 36aad ee Dastuurka Soomaaliyaa ee 2012 wuxuu u qoranyahaysidan:

1)Isu celinta eedeysanayaasha iyodembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliyadhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinay a Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

2)Isu celinta eedaysanaha iyo dembiilahawaa in ay ahaataa mid waafaqasand haqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isu celinta dembiilayaasha.

Sida ku cad labadaas faqro waa in u yaraan afar shardi la helaasi u gacan-galintu ay xalaal u noqoto:

Shardiga 1aad: –Waa in qofku yahay eedaysane ama mid la xukumay. Yacnii,dadka la isugacan-galin karo waa eedaysanayaasha ama kuwa la xukumay. Qodobka 13 ee Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya wuxuu eedaysane ku qeexay qof ay xidhay ay maxkamadig o’aamisay ku jira ama maxkamadi u yeedhay.

Waxaan ka war-haynaa inwax maxkamad ah aanay ka warhayn arinta Qalbi-dhagax, laakiinse si dhuumaalin ah uun loogu gacan-galiyay Itoobiya.

Shardiga 2aad: waa in uujiraaaxdicaalamiyaooySoomaaliyaqayb ka tahaywaajibna ka dhigayainay u gacan-galinsamayso.

Waxaan jirin wax axdiya ooy Soomaaliya gashay oo ku waajibinaya inay Itoobiya dad isu gacan-galiyaan. Heshiiska Xildhibaan Mahad Salaad soogalay kuma qorna wax Soomaaliya ku waajibinaya inay Itoobiya cid u gacan-galiso. Xataa haddii ay ku qornaan lahayd ma xalaalayn kareen dhiibista Qalbi-dhagax, maxaa yeelay shardigaa 1aadeen soo sharaxnay iyo kuwa soo socda ayaa meeshii ka maqan oo inaga reebaya.

Shardiga 3aad: – Waa in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay axdiga caalamiga ee xeerinaya isugacan-galinta.

SaanxusnayshardiganufalkiidawladdukulakacdayQalbi-dhagaxayuusharci-darro ka dhigayaaxataahaddiiheshiiskiiMahadSalaadqorilaha in dad la isugacan-galiyo, maadaamoonbaarlamaanansixinin.

Shardiga 4aad: – Waa in u gacan-galinta loo sameeyaasiwaafaqsansharciga. Dabcan, waxaalagawadaasharciyadadalka. Sharcigaxeeriyahabka loo sammaynayogacan-galintawaaHabkaXeerkaCiqaabta. Qodobadiisa278 & 279 waxayshardinayaan:

  • In qofku yahay mid dacwadlagagasoooogayamabalaguxukumay dal kale,
  • In sharcigadalkufasaxayogacan-galintaqofkaas,
  • In wasiirkacaddaaladdugacan-galintaqofkaasfasaxugahelomaxkamaddalehseere-xukunkameeshauujoogayqofka la rabo in la gacan-galiyo.

Haddiiuumaqanyahayseddexdanarimoodmidkoodwaxaa la odhanayaashardigaaafaraadeensooxusnay lama buuxin. Saas darted,gacan-galintaQalbi-dhagax, iyadoosharcidarrobaahayd, haddanawaddada loo marayayaaiyanasharcidarro kale ahayd.

Haddaanqodobka 36aad eedastuurkaintaakagabaxno, faqrada 1aadeeqodobkaafaraadeedastuurkaayaaiyanaxaaraammaynaysagacan-galintiiQalbi-dhagax. Sidanayayfaqradu u qoranyahay:

Shareecada ka sokow, DastuurkaJamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliyawaasharcigadalkaugusarreeya, isagaayaynaxukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuunahagayaahal-abuurkaiyogo’aannadasiyaasadeedeeqaybahaDawladdaoodhan.      

Waxaa ay faqradu dhidbaysaa in shareecadu ka sarayso dastuurka oo ay dawladdana waajib ku tahay inay ay u hogaansanto. Haddaba, is waydii shareecadu maxay ka qabtaa dhiibistii Qalbi-dhagax? Haddii jawaabtu kuu soobaxdo inay xaaraan ahayd waxaad ogaataa in dawladdu ku xud-gudubtay sharcigii dalka ugu sareeyay.

Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliya

Xeer Ciqaabta ee Soomaaliya qodobkiisa 11aad ayaa dhigaya shuruudo dheeri ku ah intii dastuurku xusay. Si qof loogu gacangaliyo dawlad shisheeye wuxuu qodobku shardinayaa, kas okoow intii dastuurku xusay:

  • In falkaqofka loo musaafirinayo uu yahay dambi lagu caddeeyay xeerka dalka iyo waliba kan dalka shisheeye.
  • In falka loo musaafurinayo aanu ahayn dambi siyaasadeed

Waxaa hubaal ah in aanu jirin sharci Soomaaliyaleed ahay oo dambi ka dhigaya la dagaalanka Itoobiya. Waxaase la soo heli karaa sharciyo Soomaaliya leedahay oo mararka qaar waajib ka dhigijiray la dagaalanka Itoobiya. Intaas waxaadheer, sababta musaafiriintu waxay ahayd mid ku timid siyaasadda uu xanbaarsanaa iyo ururka uu ka tirsanaa taas oo musaafirinta sharci darro ka dhigil ahayd xataa haddii sharciga Soomaaliya dambi ka dhigi lahaa in Itoobiya lala diriro.

Nasiib darro, golaha wasiirada ee Soomaaliya,oo yidhi waxa la talin sharci yana siiyay wasiirka Caddaaladda,ayaa sheegay in ONLF Soomaaliyad ambi ka tahay ooy argagixiso tahay. Sharciga kaliya ee ONLF argagixiso ku tilmaama waakan Itoobiya gaar ahaan qodobka 3aadee bayaanka uu tirsigiisu yahay 652/2009. Kaas oo waliba ay Itoobiya dhaleecayn badan kala kulantay bulshada caalamka markii ay ansixisay. Waxaan filayaa in golaha wasiiradu aaminsanyihiin in sharciga Soomaaliya lagu dhaqayaa uu yahay kan baarlamaanka Itoobiya ansixiyo. Maxaa yeelay waxaan aragnaa iya goobaal-maraya kii Islaamnimada ee dalka u sareeyay iyo kii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixyay oo, haddana aanintaas ku joogsane, sharci ku tilmaamaya kii Itoobiya Baarlamaankeedua nsixiyay.

Xeerarka Caalamiga ah

Axdiga Caalamiga ee mamnuucaya jidh-dilka qodobkiisa 3aad ayaa reebaya in qof loo gacan-galiyo waddan ay suurtaga ltahay in lagu jidh-dilo. Axdiganu wuxuu dhaqan-gaaly 26kii June 1987, balse Soomaaliya waxay ku biirtay axdigan24kii January 1990. Haddaba maddaama Qalbi-dhagax loo gacan-galiyay dal ku can baxay jidh-dilka kuwa isaga mucaarada, waxaan leennahay Soomaaliya qodob kan ayay ku xad gudubtay, waxayna masuulintiisu fudaydiyeen jidh-dilka Qalbi-dhagax. Dambiganu wuxuu ka mid yahay dambiyada kooban ee dal walba xaq u yeelanayo inuu eedaysanaha dalkiisa yimaada dacwad ku oogi karo.

Sida uu qabo qodobka 5aad ee axdigan, dalalka xubnaha ka ah axdigan waxaa waajib ku ah inay ciqaabaan ciddii dambigan ku leg-yeelata ama ay u gacan-galiyaan dalkii kale ee ciqaabaya. Taas macnaheedu waa in dalalka axdigan qaybta ka ah oo gaadhaya 162 dal ay waajib ku tahay inay ciqaabaan ama gacan-galiyaan masuulintii Qalbi-dhagaxgacan-galisay.

Guuleed Macalin Siyaad
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.