Monday, December 18, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashadii Soomaaliland iyo Raadka Ay Reebtay?

“Ummadyahay tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso”.

(Hadraawi iyo Tidiisa Gdugude)

 

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Muuse Biixi Cabdi

Alle Mahaddii, doorashadii ka dhacday dalkeenna Soomaaliland nabad bay ku dhammaatay.  Muuse Biixi baa Madaxweyne dalka ka noqday oo caawa ba lagu negi yahay.  Werwerkeedii waxaa dhammeeyey Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro- oo ahaa ninkii, run ahaan, Muuse jagada ku la tartamayay, markii uu ku dhawaaqay in uu aqbalay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka.  Hayeeshee geeddisocodkii doorashadani waxa uu soo debedsaaray xumays badan oo halis ku ah qarannimada dalka.  Meesheeda u daa farxadda nabadgelyada uu dadku, 13kii bisha Noofembar, sannadka 2017, ku codeeyey ee adduunku ka maragkacay.  Se waxa ila roon in aan taas riyaaqeedu ina la tegin oo aanu ina illowsiin dhibaatooyin badan oo uu ololahii doorashadu muujiyey, kuwaas oo ka soo jeeda dhaqanka siyaasadeed ee ilaa hadda aynu ku soconno.

Ka soo qaad, aniga, adiga iyo ayada iyo hebello kale, in aynu nahay koox dad ah oo shurko ku ah dano ka dhexeeya iyo lagama-maarmaan aan inoo kala go’ayn oo aynaan ku kala tagi karin.  Inta aynaan magac kale ba la bixin, waxa aynu nahay innaga ama dheh annaga.  Ka soo qaad, waxa aynu rabnaa in aynu dhexdeena ka dooranno cid ama qof aynu u xilsaarno hoggaaminbta maamulka danaha aynu ku shurugga nahay.  Innaga oo innaga ah baynu qof innaga ah iska dhex dooraynaynaa oo xilsaaraynaa. Haddii ay laba iyo saddex ama ka badani ba isu soo taagaan xilkaas, giddigood ba waa innaga ee shisheeye innaga baxsan ma aha.  Sow ma aha sidaas?  Haddii aynu dalka wada leenahay oo aynu qaranka shurko ku nahay, magaca dalka waxa aynu ku nahay innaga.  Mar haddii ay sidaas tahay, innaga oo innaga ah ayeynu dooranaynaa madax qaran oo innaga ah.  Laba iyo saddex ba kuwii isu soo sharaxaa ba waa innaga; kii ku soo baxaa na waa innaga. Sow ma aha?

Bal hadda, tu ka duwan na daymood.  Waxa aynu kala nahay innaga iyo ayaga.  ‘Innagu waxa aynu rabnaa in aynu qaadaano: ayagu na isla sidaas oo kale, waxay rabaan in ay qaataan.  Markan waxba ma wada lahin oo shurko ku ma nihin.  Waxa dhexdeenna yaallaa na, mar haddii aanu inoo kala go’i karin, waa in innaga ama ayaga, midkeen, xoog iyo xeelad mid ay noqota ba, ku qaataa.  Waa iska-hor-imaad iyo is-hirdi. Sow ma aha?

Xaaladda hore waxa ay tusaale u tahay bulsho mid ah oo danaheeda, ayada oo mid ah, ka tashanaysa oo taladeeda na cid iyada ka tirsan u dhiibanaysa.  Kii ay doortaan ba waa u madax.  Xaaladda labaad waa laba qolo oo aan wax ba isu ahayn; waxna aanay ka dhaxaynin, ama ka dhexayn karin. Xidhiidhkoodu waa isburisada shisheeye iyo sokeeye.  Heshiiskoodu sal adag ku ma fadhiyo.  Muranka u yar ee dhexdooda yimaadda ayaa kala tuura.  Xoog bay wax ku kala qaadaan ama ku kala goostaan, wax se isku ma darsadaan.  Haddii aynu dib isu gu noqonno, doorashadan ay Soomaaliland gashay, 13kii Noofembar, 2017kii,  iyo ololeheedii dabada dheeeraa, labadaas muuqaal ee kor ku xusan, kee bay leeyihiin? Sow lagu ma kala ahayn ayaga iyo annaga, shisheeye iyo Sokeeye?  Innagu aynu qaadanno jagada, iyo innagu aynu qaadanno oo ayagu yey qaadan; sow ma ahayn?  Inna ba miyaa la moodayey dad is ah oo mid ah oo dal iyo dawlad mid ah ku shurug ah oo madaxdooda iyagu iska dhex dooranaya?  Afkeed ba lagu ma wada hadlayn.

Haddii aynu nabadgelyo kaga gudubnay qalqalahii halista badnaa ee doorashadan, fursad baynu haysannaa aynu, si miyirqab ah, dib ugu akhrino dhaqanka siyaasadeed ee doorashada hoggaaminayey iyo waxyaalaha ka dhashay ee ka dhalan doona, haddii lagu sii wado doorashooyinka tan ka dambeeya.  Aynu wax yar, hoos ugu sii daadegno.

Ololaha doorashada waxaa lagu kala ahaa laba qolo ama dheh laba isbahaysi qabiil oo mid waliba u halgamayo jagada Madaxweynaha.  Lama ahayn ummad ah keli ah oo xil ammaanadeed cid u dhiibanaysa. Innaga iyo danaheenna qarannimo wax lagu ma dooraynin ee waxa ay ahayd ayaga ka dhacso oo inoo soo dhici.  Waa dhaqankii qabiilada abtirsiinwadaagta oo car iyo bey la’.  Qofka wax dooranaya iyo ka la dooranayo labadu ba waa qabiilkii Reer Hebel oo malaasan.  U fiirso labada geesood ba waxaa lagu abaabulayey kursiga madaxweynenimo oo uu Reer Hebel doonayo.  Gees walba, codeeyuhu waxa uu u codaynayey Reer Hebel. Tusaale ahaan, haddii Kulmiye iyo Waddani laga soo rashaxi lahaa niman kale oo isla labadooda qolo kala ah, aanse ahayn Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro, taageeradooda dadweyne wax ba iska ma beddeleen.  Xataa haddii ay labada xisbi isu kala beddelaan, isla sidaas uun bay ahaan lahayd, waayo waxaa la eegayo ee loo codeynayaa ma aha qofka iyo xisbi midna ee waa qolada.  Qolo waliba mansabka waxa ay la doonaysaa waa Reer Hebel ee ma aha Hebel.  Nin kasta oo reerka ah ba codka way siinayaan.  Reer Hebel baa Madaxweyne laga dhigayaa.  Qaanuunkii dhisme siyaasadeeka qabiil baa, sidii uu ahaa, u falgelaya.  Waa wacyigii naftii-hafarka tolliimo ee asagu kelidii isu muuqanayey.  Kelida qofeed jiritaan xeer gala ma laha; Reer Hebel sida ay u dhan yahiin waa hal qof oo kursiga ku dagaallamaya. “Aynu innagu yaalanno oo yaanay ayagu yeelan”.  “Shisheeye ayaa raba in ay kursiga qaataan oo inaga reeyaan”.  “Dhegteen dhimatay”!  Ka sii darane, qolo waliba taas bay ka akhriyeysaa qolada kale.  Ololihii la waday dhawrka bilood, dulcdaas buu lahaa.

Sidaa darteed, ololaha qabyaaladaysani waxa uu gebi ahaan, meesha ka saaray qaran iyo qarannimo la wadaago.  Af colaadeed qabiil baa si weyn ololaha ugu badnaa oo marar badan qaawanaa; marka aanu qaawanayn, si dadban buu uga dhadhamayey.  Waxaa taas inta badan keenayey kuwa magaca qabiil huwan ee sheegta isimmada suldaan, boqor  iyo caaqilka oo toos ololaha u hoggaaminayey.  Shirar qabaa’il bay kuwaasi qabteen oo lagu wada hadlayey af xulufo ku ballamaya reero isu codeeya oo weliba taas ku kaltami doona weligood.  Codkii muwaaddinka xorta ah qabqableyaal qabiil baa la wareegay oo meeshii ay doonaan geynaya;  Cod doorasho oo qabaa’il loogu xulufoobaa waxay ka dhigan tahay dadka intiisa kale yey weligood dalka ka madax noqon.   Xorriyaddii iyo dimoqraadiyaddii la sheeganayey mugdi baa sidaa lagu geliyey.

Lagu ma ololaynaynin waxii ummaddan ka dhexeeyey ee midaynayey.  Bal waqtiga ololaha waxaa qaatay wax dadka kala fogeeya oo isnac iyo colaad abuuraya.  Tusaale ahaan waxaa marar badan la ruxruxayey oo la isku eedaynayey dagaalladii sokeeye ee Soomaaliland, sagaashannadii qarnigii tegey  dhacay.  Koonfur iyo Soomaaliya ayaa la isu soo qaatay oo la isku suntayey.  Halgankii SNM baa la kala sheegtay, ayada oo aan xis iyo xusuus loo lahayn in Soomaaliland maanta ka kooban tahay dadkii halgankaas iskaga soo horjeeday oo heshiiyey, dalka na maanta xuquuq siman ku wada leh oo aan cidna ba lagu riixi karin shalay baan ‘mujaahid ahaa’!

Waxa roon oo lagama-maarmaan ah in runta loo badheedho oo la isweydiiyo su’aasha maxaa aynu nahay oo aynu isku nahay?  Ma ummad magac qarannimo wadaagta baynu noqonaa, mise waxa aynu ahaannaa oo keli ah qabaa’il aan waxba isku darsan karin, waxa ay kala goostaan mooyee?  Aragti cusub ma isu yeelanna?  Si kale oo aan reero ahayn ma isu garannaa?  Wax aynu wada leenahay ama aynu haysanno hadda, ma wada ilaashanaa?  Waxa inaga wada maqanna ma wada raadsannaa oo Innaga ma ku noqonaa?

Su’aalahan u ma wado qubanaha dhangaagaalaha la soo habqamiyo marka hunguriga siyaasadeed ololaynayo; waxaan la hadlayaa hoggaanka siyaasadeed guud ahaan; waxaa kale oo uu hadalkani u socdaa madaxda bulshada rayidka ah ee ay ka mid yihiin ganacsatada, culumada dhabta ah ee diinta, aqoonyahannada iyo hogorka dadweynaha xooggooda xalaasha ah ku nool.  Sababta aan kuwan, rag iyo dumar ba, u la hadlayaa waa, gogosha isirka qanannimo ayaa giddigoodba isugu keeni kara.  Qabiil walba way leeyihiin, hayeeshee bulshada qaran baa kulmisa oo ay dantoodu ku xidhan tahay.  Giddigood na qabyaaladdu danahooda waa ku liddi.  Waxa aan ka reebay oo aanan tan ugu baaqayn, bal aan jeclay in ay debedda ka joogaan kuwa magaca qabaa’il u cumaamadan.  Waayo, salka ay ku fadhiyaan waa ayaga iyo annaga.  Bal u fiirso, halka aad ka doonayso qaran lagu wada abtirsado, waxa uu ku leeyahay suldaankii Reer Hebel baan ahay.  Macnuhu waxaa weeye qofkii aan Reerkaas ahayn, wax ba isu ma nahin.  Dadku ba xeryo-qoqob buu ugu kala jiraa.  In ay siyaasadda qaranka ka soo ag-dhawaadaan ma aha.  Maamulka guud ee danaha dadka na  in ay raad ku yeeshaan ma aha.

Ugu dambayn doorashadii Soomaaliland laga qabtay, saddex baan hambalyeynayaa.  Dadweynahii 13kii Noofembar, 2017, codkooda dhiibayey waxa aan ku hambalyeynayaa hab-wanaaggii iyo deggananshihii ay meel walba ku codbixyeen.  Guddoomiyaha Xisbiga Waddani na waan ku hambalyeynayaa go’aankii qummanaa ee uu ku aqbalay natiijadii uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashadu iyo hadalkiisii ahaa “damacayga dartii, u dumin maayo dalkayga”.  Muuse Biixi na, hambalyada xilka madaxweynimo waxaa ii raaca oo aan ayada na ku hambalyeynayaa hadal daawo ah oo dadka midaynaya, ayuu ku bilaabay xilka dushiisa ku soo wareegay. Waan hubaa in uu, xad aan yarayn, qaboojiyey xanuun uu ololahii doorashad reebay, xanuunkaas oo weli loo sii baahan yahay in bogsiintiisa la sii wado.

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)
Email: rshid.dalla@gmail.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.