Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorasho Ma Ka Dhici Kartaa Soomaaliya 2016?

W.Q. Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi ( Baadiyow)

elections
Doorasho

Su’aasha ugu badan ee goobaha siyaasadda looga doodo maalmahaan waa in doorasho ka dhici karto Somaaliya 2016 iyo ineysan ka dhici karin. In doorasho la qabto waxey ka midtahay Hiigsiga 2016 oo laga doonayo xukuumaddu iney hirgeliso, in kasta oo dadaal iyo diyaargarow fiican uusan ka muuqan. Dadaal la’aanta iyo ku mashquulsanaanta murano siyaasadeed aan xad laheyn, waxey dhalineysaa shaki soo badanaya oo ah in la rabo in waqtiga la dhumiyo, dabadeedna la kororsado ama lasoo celiyo habkii xulitaanka ahaa oo lagu carqaladeynayay awoodda dadweynaha iyo xaqa ay u leeyihiin doorasho xor ah oo xalaal ah.

Si doorasho uga dhacdo Soomaaliya,  waxaa lagamamaarmaan ah in ugu horreyntii lagu heshiiyo nooca doorashada munaasabka ku ah Soomaaliya, in dastuurka dib u- eegis lagu sameeyo, sharciyada loo baahanyahay la dhameystiro iyo in la dhiso guddiyada madaxabannaan ee maamulaya doorashada. Waxaa intaas dheer, waa in meel la saaro miisaaniyadda hawlahaas lagu fulinayo. Sidaas markaad u eegto hawlaha horyaalla dawladda iyo tabarta ka muuqata waxaa kuu soo degdegaaya fikirka ah inaan doorasho dhici karin 2016. Laakiin, haddii aan qiblada doorashada loo jeesan, hawsha loo baahanyahayna aan la qaban; doorasho ma dheceysaa?!!

Waxaan shaki ku jirin in shacbiga Somaaliyeed doonayaan iney doorasho dhacdo, haddana, intooda badan waxaa maskaxdooda ku jirta doorashooyinkii Soomaaliya ka dhici jiray ka hor 1969. Doorashadaas waxey ku saleysneyd habka loo yaqaan ” the First-Past-the-Post” oo micnaheedu yahay, doorashadu waxey ka dhaceysaa degmo, waxaana ku guuleysanaya ruuxii ugu cod bata. Haddii la rabo in qaabka doorashada noocaan ah uga dhacdo Soomaaliya, waxey u baahantahay in dadka la tira- koobo guud ahaan iyo degmo-degmo; in tirada degmooyinka lagu heshiiyo ( hadda waa la isku khilaafsanyahay); in tirada xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka ayada oo lagu saleynayo tirada dadka ku nool degmo kasta; iyo in hubka dadka laga qaado (waxaa ka dhacaya dagaal sokeeye degmo kasta haddii aan hubka la qaadin).

Afartaas qodob oo lagamaarmaanka u ah in laga fikiro qaabka doorashada ku saleysan degmooyinka waa muuqataa inaan laga gaarsiin karin 2016.  Waxaa xataa dhib badnaan doonta in la sameeyo doorasho noocaan ah mustaqbalka dhaw. Cilimibaaris lagu sameeyay qaabkaan doorasho, waxaa lagu dhaliilay in dumarka iyo dadka laga tirada-badanyahay ay yartahay fursadda ay uga mid noqdaan baarlamaanka. Waxaa kale oo nidaam doorasheedka noocaas ah uu kobcinayaa qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta bulshada, waxaa xukunka mar kasta qaadanaya inta xoolaha iyo xoogga leh, iyo inta reerkoodu hal deegaan ku urursanyahay, waxaana kobcaya musuqaasuqa iyo cod-gadashada.

Haddaba,  qaab kale oo doorasho uga dhici karto Soomaaliya oo aan keeneyn dhibaatooyinka aan soo sheegnay ma jiraa? Daraasad ay sameysay Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadda (MMD) oo ah isbaheysi ballaaran oo ay ku midoobeen xisbiyo, xildhibaanno iyo siyaasiyiin madaxbannaan oo uu madax u yahay Ra’isulwasaarihii here Cabdiweli Sheekh Axmed, waxey soo jeediyeen qaab doorasho ah oo cilmiga siyaasadda loo yaqaanno “Proportional Representation” (PR). Qaabkaanu kuma xirna in dadka tirakoob lagu sameeyo; in xildhibaannada loo qaybiyo degmooyinka iyo in hubka laga qaado dadka. Qaabkaan, waxaa doorashada ku baratamaya xisbiyo, dadkuna waxey kala dooranayaan xisbiyada ayaga oo eegaya barnaamijkooda iyo shaqsiyaadka ka dhex muuqda. Xisbi kasta wuxuu soo bandhigayaa liiska xildhibaannada murashaxa u ah. Qaabkaan waxaa doorashada ka qaybgalaya dadka jooga meel kasta oo nabad ah gudaha iyo dibadda dalka. Waxaa ka qaybgalaya qurbajoogta iyo qaxootiga.  Meeshii doorasho ka dhici weydo saameyn kuma laha natiijada doorashada oo inta codeysa sida xisbiyadu u kala helaan ayey kuraastka u qaybsanayaan. Tusaale, xisbigii helaa 40% codka shacabka wuxuu qaadanayaa 40% kuraastka xildhibaannada.

Si cod fiican uu uga helo dadweynaha, xisbi kasta waa inuu soo hormariyaa magacyada xildhibaannada uu isleeyahay dadweynaha ayaa cod siin kara. Waa iney ka kala yimaadaan degmooyinka iyo qabaa’ilka kala duwan, waa in dumar badan ku jiraan (waxey leeyihiin 50% codka), waa iney ku jiraan aqoonyahaanno magac weyn leh oo kasban kara codka shacabka. Xildhibaannadu waxey noqonayaan xildhibaanno qaran oo kusoo baxa codka shacabka oo dhan oo aan beeshooda u lug-xirneyn. Waxaa intaas la jirta, waxaa yaraanaya musuqmaasuqa iyo cod gadashada, waxaa yaraanaya miriq-shaaleynta siyaasadeed oo xildhibaan kasta wuxuu ku qasbanyahay inuu dhawro siyaasdadda xisbigiisa, maxaa yeelay haddii xisbiga laga saaro wuxuu weynayaa kursiga.

Doorashada qaabkaan waxey keeneysaa in xukuumadda uu dhiso xisbiga codka ugu badan hela, ama ha isku filnaado ( 50%+1) ama isbaheysi ha la sameysto xisbiyo kale. Sidaas ayaa waxaa imaanaya xukuumad haysata aqlabiyadda baarlamaanka. Xisbiyada kale waxey noqonayaan xisbiyo mucaarad ah oo iska xilsaara toosinta iyo talo-bixinta khaladaadka xisbiga xukunka haya. Sidaas ayaa waxaa loogu tartamayaa mar kasta raaligelinta shacabka iyo ka jawaabidda baahidooda. Haddii doorasho noocaan ah la hirgeliyo shacabka ayaa talinaya, codkooda ayaa awoodda iska leh, meesha waxaa ka baxaaya dalaal iyo malaal, waxaa meesha ka baxaaya in la raalligeliyo dawlado shisheeye, waxaana lagu baratamayaa raaligelinta shacabka.

Inta diidan doorashada dadweynaha waxey lasoo taaganyihiin marmarsiiyo kala duwan oo lagu horjoogsanayo in awoodda dadka lagu wareejiyo, waxeyna rabaan iney Soomaaliya lagu hayo dawlad-xumo iyo ku-tiirsanaan shisheeye.  Waxey dhihidoonaan xisbiyadii weli ma dhismin, waqtigu kuma filna, lacag looma haayo IWM. Jawaabtu waa in la dardargeliyaa doorashada oo habeen iyo maalin laga shaqeeyaa si aan dalkeena uga gudbino qabiil wax ku qaybsiga fadhiidka ka dhigay dawladnimadeena. Maadaama MMD ay soo bandhigtay qaabka doorashada PR, waxaa lagamamaarmaan ah in qaab kale oo lala tartansiiyo lasoo bandhigo ama qaabkaan lagu heshiiyo, tilaabooyinka loo baahanyahayna la bilaabo.  MMD waxey rumeysantahy in mustaqbalka Soomaaliya iyo dawladnimadeedu ku xiranyahy sida loo dhaqangeliyo doorasho xor ah oo xalaal ah sanadka 2016. MMD waxey kasoo horjeeddaa afduubka xaqa shacabka iyo qaababka kobcinaya dawlad-xumida, musuqmaasuqa, hanti-boobka, sharci-duminta, waxeyna horseedeysaa midnimada, walaalnimada, wada shaqeynta, dawlad-wanaaga, hufnaanta iyo nidaanmka ku dhisan doorashada. Waa taas waddadii caddayd oo waafaqsan dhaqankeena iyo diinteena laguna soo celin karo sharafta iyo karaamada dadkeena iyo dalkeena.

W.Q.  Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi ( Baadiyow)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.