Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka

Muqdisho, Intii uu socday Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalaa Dahraan ee dalka Sacuudiga,waxaa dhinac socday dadaalo lagu dhex dhexaadinayay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa mugdiga soo kala dhex galay labada dowladood.

Diblomaasiyiin ka socday labada dowladood iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhowr mar kulmay waxa ayna isla falanqeeyeen sidii loo dhammeyn lahaa xiisadda taagan, Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay soo dhaweynayso wada xaajood walba oo lagu dhammeynayo is faham waaga, iyada oo la ilaalinayo madaxbanaanida lana xushmeynayo xiriirka labada wadan, sida ay SONNA u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Garwadeenada wada hadalka ee ka socday Jaamacada carabta ayaa sheegay in horumar fiican laga sameeyay wada hadalka, labada dhinacna ay muujiyeen isu soo dhowaasho, waxayna u ballameen fadhiyo kale si loo soo afjaro xiisadda labada dowladood ka dhex taagan.

War-saxaafadeed ay horrey usoo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Imaaaraadka iyo in Soomaaliya ay diyaar u tahay in meesha laga saaro is afgaran waaaga labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxa ay sheegtay in xiriir soo jireen ah ay la leedahay Imaaaraadka ayna muhiim tahay in uu sii jiro xiriirkaas, maadaama labada dal wadaagaan iskaashi dhinaca ganacsiga ah sidoo kalana ay ka dhexeeyaan dano badan.

Xigasho: SONNA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.