Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

Dr. Baadiyow: Ninba Dahab Lumay Si u Doon-doon!

W.Q. Ibraahim G. Sharmaarke

Inta aanan qalinka kor u qaadin, dhawr goor baan Eebbe hortii ka maagay in aan maqaalkan qoro. Dhawr arrimood, ayaa ugu waaweynaa sababihii aan uga caga-jiiday in aan dareenkan gaarka ah qalinleyda Soomaaliyeed la wadaago. Tan ugu horraysa waa arrin si ugu lug leh siyaasadda Soomaalida  oo aanan jeclayn in aan xan iyo xaadirba ka faalloodo. Midda labaadna waa qormada aan ka fal-celinayo oo af qalaad ku qoran. Tan saddexaadna waa anigoo – galladi waa tii Eebbee – ku jira da’dii jeclayd in ay hadalka danta uun ka abbaarto.

BaadiyowHaddii aan dulucda maqaalkaygan beegsado, waxaan degelkan WardheerNews oo aan ka mid ahay dadka Soomaaliyeed ee ku gob-daalleeya, marmarna wax ku xarriiqa ka aqriyey waraysi  Ingiriisi ku qornaa oo laga qaaday mid ka mid ah aqoonyahaniinta Soomaaliyeed oo uu 16-kii Abriil, 2013-ka wargeysku daabacay. Dr. Cabdiraxmaan M. Baadiyow, sifooyin waaweyn oo badan ka sakow, sanadkii ina dhaafay qaybtiisii dambe, ayuu ahaa murashax u taagan madaxweynannimada Soomaaliya, halkaa oo loo tirinayey in uu ugu yaraan guusha sigi doono.

Anigoo taxaddaraya, lana il-daran godob-nacayb ilaa berigaan korayga ahaa laygu ibtileeyey, ayaan markii ugu horreysay gu’gan isu fasaxayaa in aan aqoonyahanka siyaasiga ah ee waraysigan bixiyey, oo aannu wada og nahay in uu qarka u fuulay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, aan u bareero oo waraysigiisa dhawr meelood ka dul-istaago, sidaan u fahmayna muujiyo, dabadeedna su’aalo koob-kooban ka weydiiyo. Sida aan isku aqaan, horayna marar badan u dhacday, waan khaldanaan karaa, aqristayaasha WardheerNews ayaanan marti muslim uga ahay in ay i saxaan, haddii aan hadalka calaliyo ama su’aalaha barkood ku simbiriirixdo.

Mid ka mid ah danaha aan su’aalaha ka leeyahay waxa weeye, in qoraa iyo siyaasi kuu doono ha ahaadee aanay cidina timaaddada ku talagelin in ay WardheerNews waxay doonto ka sheegto/ku qorto oo aanay markaa cidina waxay qoreen/sheegeen u daba-gelin. Waxaan rumaysnahay in haddii uu waraysigu afkeenna hooyo ku bixi lahaa, aysan markaa ii bannaanaan lahayn kaalin aan ku tibaaxo sida aan u fahmay jawaabaha diktoorka. Taa horaan ugu daaley.

Aan ku billaabee, waxaan u gartay in waraysigu uu ku saabsan yahay xaaladda taagan ee siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iwm ee Soomaaliya. Su’aashayda dabiiciga ah ee koowaad waxa weeye, maxay ugu habboonaatay in waraysiga af-Ingiriis lagu qaado/daabaco? Haddii aan sii daba-galo, yaa dhaliilaha loo gudbinayaa?  Iyamaa looga fadhiyaa in ay gurracnaanta maamulka ka garbixiyaan, yaase xeerbeegaya oo kala hufaya eedeeyaha (Dr. Baadiyow)  iyo eedaysanaha (Dawladda Soomaaliya)? Duulkeese laga rabaa in ay qaataan kuna caano-qaybdsadaan talooyinka uu ruug-caddaagu waraysigiisa qotada dheer ku hibeeyey ee uu ugu hagar-baxay?

Waxay ila tahay xeerbeegtidu halkan waa dadka Soomaaliyeed ee rag iyo dumar, curdun iyo cirroole, iyo  wadaad iyo waranleba leh. Talooyinka iyo dhaliiluhuna waxay ku socdaan Dawladda Soomaaliyeed. Haddii ay sidaa tahay, maxaa ka habboonaan lahaa in aad afkooda hodanka ah ee aan halna seegayn lagu haqab-tiro?

Waxaa kale oo aan jeclahay in aan diktoorka weydiiyo, mar haddii sida aad sheegtay (ama dad badani og yihiin) aad ahayd sarkaal Xooggii Dalka Soomaaliyeed ahaa oo aad u tababbaran, maxaad uga maarmi weyday in aad taariikh fiican ka dhigato in aadan adigu (ama  xarakadaadu) ka qayb-gelin dagaalkii laysaga difaacayey Xabashidii xoogga ku  soo gashay caasimadda Soomaaliya?

Tolow, yaan la i marin-bootin: Aqoonyahanka ku qordi maayo in aanu dagaalka ka qayb-gelin, aniguba runtii  kama qayb-gelin dad badan oo uu caad uga jirey muuqaalka saxda ah ee duullaankaasina waa jireen. Aftahanno badan oo Soomaaliyeed oo uu Ibraahim Hawd ka mid yahayse dharaar bay ku ahayd, oo waa kii lahaa: “Gaban iyo duq guxusha ah…Gabadh iyo gayaankeed….Ummul jiifta gurigii…Gawraca ma laga simay…”

Haddii aanan il-duufin waxaad mooddaa in uu meel dambe oo waraysiga ka mid ah diktoorku ku sarbeebayo: “Damu-jadiid waxay gashay dagaalkii  Xamar looga difaacayey Itoobiya, laakiin innagu (Islaaxa intiisa kale) xaashaa lillaahiye maynaan gelin…” Haybadle Cabdiraxmaanow, arrintani waa sidee?

Sidoo kale, waxaa meel dhexe oo waraysiga ah iiga muuqata in aad kala teedaysid waddaninnimada iyo waaqicinnimada. Haddii aan u foorarsado, waxaad leedahay: “…..waxaan ogaaday in ay sii diciifayaan saamaynta siyaasadeed ee qabiilaysiga iyo waddaninnimada; meesha ay ka sii hanaqaadayso saamaynta anaaniyada iyo waaqicinnimada.”  Su’aashaydu waxa weeye, ilaa goorma ayuu farqigu ka dhex jirey waddaniyadda iyo waaqicinnimada, hadmayse anaaniyadu la qaraabowday waaqicinnimada?

Mar aad ka hadlaysay qorshaha cusub oo ururka Al-Islaax, waxaad carrab-baabtay in uu ururku dhawaan  xubnihiisa diyaarka u ah u idmi doono in ay ururro siyaasadeed la samaystaan siyaasiyiinta kale ee Soomaaliya si  “ay markaa -iyagoo wada-jira- siyaasadda uga gacan-togaaleeyaan aragti ku salaysan waaqicinnimada iyo midnimada qaran…” Waa hagaag, laakiin tani miyaanay is-yara-diidayn aragtiinka aad foodda waraysiga ku bayaanisay ee mar kala fogeynaya waaqiciyadda iyo waddaninnimada, marna u muuqda in uu kaba dayrinayo waddaniyadda?

Ugu dambayntii, waxaad ahayd mid ka mid ah kuwii loogu hanweynaa dadkii u ordayey in ay qabtaan hoggaanka Soomaaliya. Gari laba nin kama wada qosliso ee dadkii Soomaaliyeed waxay doorteen mid ka mid ah jaallayaashaadii tartanka kugula jirey. Miyaanay habboonayn in aad ugu yaraan laba sano (bar ka mid ah waqtiga wilaayada) qayrkaa u deysid dhaliisha ninkii lagaa doortay iyo raggiisa,  adigoo markaa  maanka ku haya suuragalnimada  in adigoo laga yaabo in aad 100% sax tahay, ay daruuraha tuhunka iyo mu’aamaraduhu hareeyaan afkaartaada oo sideeda kale waafi u ahaan lahayd?

Su’aalaha aan diktoorka u qabo halkaa ayay ku eg yihiin. Waxaa xusid mudan in jawaabaha cilmiga iyo waayo-aragnimada ku qotoma ee uu diktoorku ka bixiyey dhamaan qaddiyadaha kale ay yihiin kuwo aan la dhacay –oo haddii aan rabo qaar aan uga aragti duwanaadee– ay yihiin kuwo aqristaha Ingiriiska ku hadla garasho, xog shisheeye (kuwa aan Soomaalida ahayn) iyo guruxba u kordhinaya.

Md. Baadiyow aad baad u mahadsan tahay. Waxaan rajeynayaa in aadan ka daali doonin wax-baridda hagidda hogo-tusaalaynta, iyo u-hagar-bixidda ummadda Soomaaliyeed.

Ibraahim G. Sharmaarke
Email: [email protected]

________________________

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

3 Responses to “Dr. Baadiyow: Ninba Dahab Lumay Si u Doon-doon!”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.