Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Dr Cali Khaliif Galaydh oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo Magaalada Laas Caanood oo Laga Taageeray

Galaydh
Indha Sheel iyo Dr Galaydh

Wararka aan ka helayno tuulada Saax Dheer oo maalmihii ugu dambeeyay uu shir uga socday cuqaasha, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Khaatumo, ayaa sheegaya in halkaasi loogu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii dadaalka dheer u soo galay dhismaha maamulka Khaatumo.

Md. Cali Khaliif Galaydh oo uu xilkan kula tartamayay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha Sheel), ayaa helay 21 cod halka Indhasheel uu ka helay 9 cod xubnaha Baarlamaanka Khaatumo oo iyagu dooranayay madaxweynaha.

laasWarka, ayaa waxa uu intaas ku darayaa in doorashada Cali Khaliif ee madaxtinimada Khaatumo ka dib ay magaalada Laas caanood ee xarrunta gobolka Sool oo iyadu hadda gacanta ugu Jirta maamulka Somaliland uu ka dhacay dibadbax lagu taageeray doorashada Cali Khaliif Galaydh. Dadka dibadbaxayaasha ah oo u badnaa dhalinyaro oo sitay calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ciiddanka ammaanku ku fureeen rasaas inkastoo aan la sheegin in ay cidi wax ku noqoatay.

Doorashada Dr Cali Kaliif Galaydh ee madaxweynenimada maamulka Khaatumo, ayaa noqonaysa arrin aanay jeclaysan doonin maamullada Somaliland iyo Puntland oo iyagu deegaannada Khaatumo ku muransan oo uu mid walba geestiisa ka sheegto.

Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah ruugcadddaa siyaasadda Soomaalida muddo dheer ku soo dhex jiray, ayaa isagu xilligan ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya isagoo horena xilal ra’iisal wasaaranimo iyo wasiir uga soo noqday dawladdii Carta iyo tii kacaankii Maxamed Siyaad barre hoggaamin jiray.

Si kastaba ha haatee maamulka Khaatumo oo isagu ahaa mid magac ahaan uun u jiray sannadihii aan soo dhaafnay ayaan la saadaalin karin waxa ay doorashada Dr Galaydh ku soo kordhin karto maadaama deegaannada Khaatumo intooda badani aanay gacantooda ku jirin.

Xilka madaxweyne xigeenka maamulka Khaatumo ayaa isna loo doortay maanta Md. Cabdul Maxamuud Cali (Cagalule).

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.