Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Dr. Georgi Kapchits: Aqoonyahan Abaalmarin Innaga Mudan

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X.Xasan

Arar: Qoraalkan waxaan jecelahay in aan si kooban ugu soo bandhigo Dr Geoergi Kapchits iyo kaalinta uu ka qaatay horumarinta afkeenna hooyo, anigoo ka gadaalna idiinku soo gudbin doona aragtiyaha ay qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ka qabaan aqoonyahankan.
———————

Aniga iyo Dr. Kapchits

Markii aan wareysigii soo gabagabeynay ee aan telefoonkii dhigay ayaan billaabay in aan dib u dhegeysto wareysiga, si aan u tifatiro. Waxaa markiiba ii caddaatay in meelaha qaarkood aan codka jawaabaha uu bixiyay Dr. Georgi Kapchits si fiican loo maqlayn.

Dr. Georgi Kapchits

Islamarkiiba dib ayaan u wacay Dr. Kapchits, waxaanan u sheegay in wareysiga meelaha qaar aan codkiisa la maqlayn sidaadarteed in jawaabaha uu ka bixiyay meelo aan u tilmaamay uu mar kale dib u akhriyo.

“Saaxiib jawaabuhu meel iigumay qornayn ee hadba wixii aad i weydiiso uun ka jawaabayay ee meel kamaan akhriyaynin”, ayuu si degdeg ah iigu warceliyay Dr Kapchits.

Arrintaasi waxay igu noqotay fajac iyo filan’waa waayo codkarnimada, helidda ereyada iyo adeegsiga maahmaahyada uu ku ladhayay jawaabta iyo hadalka aan doondoonista lahayn darteed, waxaan u qaatay uun in aqoonyahanku jawaabo uu sii diyaarsaday akhriyayo maadaama aan hore si guudmar ah ugu sheegay wareysiga iyo waxyaabaha uu ku saabsanaan doono.

Waxay ku beegnayd dhacdada aan kor ku xusay badhtamihii 2012kii xilli uu
Dr Geoergi Kapchits ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Hargeysa oo uu kaga qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Buuggaagta oo sannadkiiba mar la qabto, isagoo goobta ku daahfuray buuggiisa Soomaalidu Been Ma Maahmaahdo, oo uu ku urruriyay in ka badan afar kun oo maahmaahood ayna weheliso cilmibaadhis  qotodheer oo la xidhiidha dabeecadaha iyo qaybaha maahmaahyada Soomaaliyeed.

Ma ahan wax iska yimid in uu Dr. Georgi Kapchits Af Soomaaliga sidaa ugu wadhwadho, haseyeeshee hibada uu Eebbe siiyay ka sokow waa midhihii dadaal qaatay muddo nus qarni aan ka yarayn oo uu ku hawlanaa baadhista iyo barashada Af Soomaaliga.

Waa su’aal qof walba oo la kulmaa uu weydiiyo sida ay ugu suurto gashay in uu Af Soomaaliga heerkan ka gaadho, waxaanu mar walba ku jawaabaa isagoo kaftamaya, “ Barashada Af Soomaaliga waan ku gaboobay, waan ku dhego beelay, waana ku indho beelay, waanan ku timo beelay welina kama salgaadhin”.

Dr. Georgi Kapchits wuxuu dhashay bishii Oktoobar 1939 isagoo sannadkii 1967 ka qalin-jebiyey Mac-hadka lagu barto afafka Aasiya iyo Afrika ee ka tirsan Jaamacadda Moosko, kuna  takhasusay afafka Amxaariga iyo Soomaaliga.

Intii u dhexaysay 1967kii ilaa 1994 wuxuu weriye ka ahaa laantii Af-Soomaaliga ee Raadiyow Moosko. Tan iyo 1994kii wuxuu faalleeye ka yahay qaybta wararka ee Raadiyaha la yidhaahdo “Codka Ruushka”. Wuxuu Dr Georgi Kapchits Af-Soomaaliga ka dhigi jirey jaamacadaha ka kala furan Moosko iyo Berliin.

Dhawr jeer ayuu booqasho ku tegey Soomaaliya. Gu’gii 1989kii wuxuu ammin shan beri ah joogay Muqdisho, Gu’gii 2001diina wuxuu toddobaad joogay Hargeysa. Gu’gii 2003 wuxuu booqasho gaaban ku tegey Jabuuti isagoo marar kalena booqday deegaannada Puntland iyo Somaliland oo uu kaga qayb galay bandhigyo dhinaca buuggaagta ah.

Gu’gii 2000 wuxuu helay. darajada loo yaqaanno PhD, isagoo daafacay tiisihii ku saabsanaa naxwaha Af-Soomaaliga. Wuxuu leeyahay xaas iyo laba hablood.

Inkastoon yaraantaydii Dr. Kapchits ka dhegeysan jiray Raadiyo Moosko haddana wax badan kama ogeyn ku foognaantiisa Suugaanta Soomaalida siiba maahmaahyada iyo Sheeko dhaqameedka Soomaaliyeed.

Wax yar uun ka dib markii uu laba jirsaday degelka WardheerNews, abbaara dhammaadkii sannadkii 2006dii ayaan farriin qoraal ah ka helnay Dr. Georgi Kapchits isagoo xilligaas ku sugnaa dalka Jarmalka. Waxa uu Dr. Kapchits farriinta nagaga codsanayay in aanu bulsho weynta Soomaaliyeed gaadhsiinno buuggiisa Faaliyihii La Bilkayday oo markaas uun la daabacay.

Xilligaas ayay ahayd markii ugu horreysay ee aan xidhiidh la sameeyo Dr. Kapchits anigoo dareensan in shacabka Soomaaliyeed u baahanyihii in ay wax badan ka ogaadaan waxqabadka aqoonyahankan cimriigiisa inta badan ku hawlanaa urrurinta iyo cilmibaadhista suugaanta Soomaalida.

Waxaa haddaba maalmahaas ii suurtogashay in aan aqoonyahanka ka qaado wareysi qoraal ah oo uu si yaab leh ugu soo bandhigay heerka uu ka gaadhay adeegsiga Af Soomaaliga, gaar ahaan maahmaayada. Wareysigaas oo ah mid aanay akhristayaashu ka xiiso dhicin waxa uu noqday mid ka mid ah qoraallada aan duugoobin ee loogu akhriska badanyahay ee ku soo baxay Wardheernews.com.

Aftahannimada iyo heerka uu ka gaadhay adeegsiga Af Soomaaliga ka sokow waxa uu wareysigaasi akhristaha barayaa niyadsamida iyo kalgacalka uu Dr. Geoergi Kapchits u hayo dalka iyo guud ahaanba dadka Soomaaliyeed.

Nin aan saaxiib nahay oo wareysigan akhriyay ayaa laga hayaa, “ anigu wax kale oo aan ku tilmaamo garan maayo laakiin waxaan odhan lahaa Dr. Kapchits wuu Soomaaliyoobay”. Shaki kuma jiro in Dr. Geoergi Kapchits uu Soomaaliyoobay, si aad ahna ula falgalay afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Xilligaas wixii ka dambeeyay Dr. Kapchits waxa uu noqday mid ka mid ah saaxiibbadayda qaaliga ah ee aan sida joogtada ah u wada xidhiidhno, anigoo wax badanna ka bartay.

Waxaa marar badan aad looga hadlaa dhibaatada iyo gefef ay Soomaalida badankeedu ku hayaan hab qoraalka farta Soomaaliga. Haddaba anigoo ka mid ahaa ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay afkeenna hooyo weligay isma lahayn waxbaa ka qaldan hab qoraalkaaga siiba dhanka higgaada.

Haddaba waaxan candhuuftayda dib u liqay ka dib markii aan farriin ka helay Dr. Kapchits muddo haatan laga joogo dhawr iyo tobon sanno. Sheeko aan maalmahaas qoray baan la wadaagay aqoonyahanka intii aanan daabicin si uu uga falceliyo.

Ammaan iyo dhiirigelin badan kasokow wuxuu Dr. Kapchits soo calaamadeeyay dhammaan qaladdaad u badnaa dhinaca higgaada siiba xarfaha labalaabma oo uu ku arkay qoraalkayga, taasoo inta badan Soomaalida wax qortaa aanay danayn. Yaab ayay igu noqotay in qof  Ruush ahi  uu Af Soomaaligayga saxo. Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan ku baraarugay muhimadda ay arrintani leedahay anigoo intii suurtogal ah ka taxadara xarfahaas farakutiriska ah oo laf-dhuun-gashay ku noqday qofkasta oo wax qora.

Dr. Kapchits waxa uu qoray muddadii dheerayd ee uu baadhista Af Soomaaliga ku hawlanaa buuggaag iyo qoraallo kala geddisan oo Af Soomaaliga ka sokow uu qaarkood ku tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Ruushka.

Waa shakhsi aad u qiimeeya Soomaalida iyo afkoodaba. Markasta oo aad la sheekaysato waxaad ka dareemaysaa werwerka uu ka qabo ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha, waxaanu waalidiinta ku guubaabiyaa in ay ubadkooda baraan afka hooyo.

Qoraallada iyo buuggaagta uu Georgi Kapchts soo saaray waa dhigaal ay jiillalka soo socdaa ka dheehan doonaan dhaxal suugaaneedka hiddaha ah siiba sheeko xariirta iyo maahmaahyada Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay tidhaa hadal waa murti iyo yooyoon. Haddaba Dr. Kapchits hadalkiisu waa wada murti.

Way igu adagtahay in aan helo erayo aan ku qanci karo, si aan ugu sifeeyo shakhsiyadda, waxqabadka, dadaalka iyo abaalka uu Dr. Kapchits ka mudanyahay guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed. Sidaas darteeed waxaa ila qummanaatay in aan ka codsado qaar ka mid ah saaxiibbadayda bahda qalinleyda Soomaaliyeed inay ila wadaagaan aragtidooda ku wajahan Dr. Georgi Kapchits.

Maxay ka yidhaahdeen Dr Kapchits qorayaasha Soomaaliyeed:

Abaal nin gayaa guda”

Maxamed Daahir Afrax, PhD
Guddoomiyaha Akadeemiya Gobolleedka Af Soomaaliga (AGA)
Muqdisho, Soomaaliya

Ugu horrayn waxaa bogaadin mudan Wardheernews iyo Khaliil Cabdiraxmaan. Waxay nugu baraarujiyeen noona billaabeen gudashada waajib ummad ahaan na saaran: abaal-gudka Dr. Georgi Kapchits. Waa aqoonyahan Ruush u dhashay ummaddeenana gashaday abaal diiwaan-galin mudan. Waa xeeldheere noloshiisa u hibeeyey barashada, barista iyo baahinta afka Soomaalida iyo suugaantiisa. Wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay hiilka afkeena hooyo ee maanta u harraadan halyeeyo u gurmada. Wuxuu ugu hiilliyey qalin iyo mikrofoon meelo aad u fog ku faafiyey. Waa hawlgalka is kaaya baray ama aan ku bahowney aniga iyo Georgi. Muddo afartan sano madaxa la sii galaysa ah ayaan ahayn sokeeye isu dhuun-daloola, isu xog-ogaal ah, is weydaarsada qoraallada, iska wargaliya arrimaha Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, amaba guud ahaan aqoon-faafinta. Wax badan ayaan ka bartay dhiganeyaasha faraha badan ee uu sannadaha faraha badan ku faafinayey afafka Soomaaliga, Ruushka iyo Ingirriska. Ma badna inta ka maqan kaydka aqalka ii rasaysan. Intooda badan asaga qudhiisa ayaa hadiyad ahaan ii guddoon-siiyey, mahadi ha ka gaadhee.

Hadiyaddii ugu dambeysey ee uu habeen aan fogeyn hurdada iiga toosiyey waxay ahayd arrin mudan in lala wadaago aqoon-jecel fara badan oo Soomaali u badan. Xog-raadinta uu xeeldheere ahaan har iyo habeen ku fooganyahay ayaa waxay la gashay inuu isoo weydiiyo maahmaah Soomaaliyeed oo uu doonayey inuu hubsado jiritaankeeda ama asalkeeda. Waa maahmaahda ama murtida soojireenka ah ee murtiyahan qarniyo badan ka hor noolaa uu na barayo: ‘Geesigu saddex jeer ayuu cabsi libaax dareemaa: Markuu raadkiisa arko, markuu reenkiisa maqlo iyo markuu ruuxiisa arko’.

Fadlan halkan ka akhriso maqaalka oo dhan; Dr. Kapchits aqoonyahan abaal marin mudan

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X.Xasan
Email: [email protected]
WardheerNews, London


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.