Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

EEBBOW, MAXAMED HA NOO WAAYIN!

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Siciid-Jaamac
Siciid Jaamac Xuseen

Qoraaga Somaaliyeed ee Bashiir Sheekh Cumar Good ayaa dhowaan wargeysxilliyeedka ‘The Gulf News’ ku soo saaray maamuusxus uu ka qoray  marxuumka MAXAMED CALI  (hore: Cassius Clay) oo dalka Maraykanka u dhashay.  Si weyn ayaan ugu qashuucay qoraalkaas uu Bashiir ku magacaabay “Astaan qaaraddda Afrika ku tanaaddo .. tan ugu bilan ayuu Maxamed Cali u taagnaa.. “Muhammad Ali symbolised Africa’s moment of glory.”

Dad badan ayaan hore ula qabay in Maxamed Cali (AHN) ku caanbaxay isboortiga dhinaca feedhtanka, oo rag ka qaro iyo qoton weyn uu ciidda cunsiiyay sida Sony Liston  1964 iyo George Foreman 1974.  Tu kalena waan la socdey in dalka Fiyetnaam loogu diray  ‘hawl qaran’ si uu ciidanka Maraykanka  ee halkaas ka dagaallamayay ugu biiro. Amarkaasna inu ku farasaydhay,  si roon ayuu ii taabtay.  Labadaas ka sokow, libin kale aan akhyaarkaas Maxamed Cali ku ammaano iima ay muuqan, jeer aan gudagalay maqaalka Bashiir Good Af-ingiriisiga ku duugay.  Irrido aanan hore garaacba ku dayin ayaa qoraalkaasi ii ibofuray oo dhammaantood Maxamed Cali si heybad weyn uga soo wada mudhbaxay.

Sebenka Iyo Waayihiisa:

mohammed-ali
Maxamed Cali

Maxamed Cali wuxuu ku soo aaday casri duruufihiisu aad u murugsan yihiin, qaaradda Afrika oo maraysa xilli kala guur ah, gumeysigii dunida ka talin jirey oo aad mooddid in markan uu gabbal baas u dhacay. Adduunkii oo Bari iyo Galbeed u kala bahoobay iyagoo kala hoos hadhsanaya gaashaanbuurta NATO ee Maraykanku calanka u sido iyo gaashaanbuurta WARSAW ee Midowgii Soofiyeti hormoodka u yahay.  

Curashada xilligaas toolmoon, ifafaalihiisa lagu diirsaday si weyn ayuu uga dhex muuqday dalalka adduunka saddexaad oo aqoonsi ballaadhan iyo tixgelin ku yeeshay waayaha lagu sugan yahay.   Dhalaalka xiddigaha cirka waxaan ka iftiin yarayn kuwa ka siraadmay adduunkaas: Jamal l Abdel Naasr  (Masar).. Kwme Nkrumah (Ghana).. Haji Abubaker T Balewa (Nigeria).. L Senghor (Senegal).. Sekou Toure ( Guinea Conakary).. Jomo Kenyatta (Kenya).. Jawaherlal Nehru (India).. Ahmed Sukarno (Indonesia)… Josef B Tito (Yugoslavia).. Chou en Lai (China).. Fidel  Kaastro (Cuba)..  halyeydaas laysku hubo, oo isku duuban, ayaa shicbigooda hoggaanka iyo mayalka u hayey. 

Madowga Maraykanka oo dagaal qadhaadh kula jira midabtakoorka iyo midiidinta lagu hayo, ayaa halgankoodii ku baahiyay dhinac kasta oo noloshooda ka tirsan. Siyaasadda, Fanka, Suugaanta, Isboortiga, giddigood, si aan midina tan kale uga dhicin, ayaa looga wada hawlgalay.. adduunweynuhuna ka marag kacay. Magacyo foolaad ah oo ilaa maantadan la hadal hayo ayaa dunida ku shaacay..

Martin Luther King iyo Malcolm X (siyaasadda)… Richard wright iyo James Baldwin (qoraalka)… Ray Charles iyo Nat King Cole..James Brown iyo Eta James (fanka) iyo Angela Davies oo iyadu intaba isku darsatay. Midabkii iyo timihi Afro-ga ahaa ee la quudhsan jirey, ayay ka yeeshay kuwo adduunka lagu daydo oo loo wada tartamo. Sidaas ay tahay ayaa misna xiddigga Maxamed Cali  sida johoradda ugu wada iftiimayay madowga idil ahaantood meel ay joogaanba.

Muslimka oo dhammaanti ka tirsan inta ifka ugu ayaan daran .. tiradooda kun malyuun kor u dhaaftay..  guul la tilmaansado  tii SALAAXUDDIIN ugu dambaysey.. Israaiil oo aan afar malyuun ka badnayn  Xaramkii Weynaa ee Qudus ka amar ku taaglaynayso .. dagaalkii 1967 oo isna adhaxda sii jabiyay.. sawir si weyn looga murugoodo iyo xaalad Ilaahay laga magansado ku habsatay.. 

Bariga fog ee Aasiya .. dalalka la baxay Indo-Shiina ( fiyetnam, Laos iyo kamboodiya) oo beri hore gumeysiga Faransiiska heeryadiisii dhinac isaga riday, ayaa mid ka xooggan oo garmaqaate ah, kibirna ismadaxmaray – waa Maraykanka – weerar cad ku qaaday aan geedna loogu soo gabban.. dadyowgaasi iyana uma ay kala hadhin ee naftay u soo xidheen.   MAXAMED CALI oo labaatan jir aan sannado badani u raacin, ayaa sida bir labta soo wada jiitay intaas oo malyuun, oo kala quruumo ah, isagoo tilmaan u noqday kana kasbaday xurmo iyo qadderin sal-ma-guurta ah.  Way iska wada dhex arkayeen, ku diirsanayeen oo laabdoojin ka qaadayeen.

moahamed
Maxamed Cali

Astaantaas uu haldoorka Maxmed Cal mutaystay mid sahal loo hanto aad ayay uga dheer tahay.  Sadqo wax u dhigmaa jirin ayay  ku  kacday. Dhaawaca..damaqa..diifta..xanuunka..wiirsiga..daandaansiga..gun-iyo-guud ka-weerarka ayuu dhabaradayg lagu wada qaadi karo u yeeshay. Maxamed Cali ma qabin urur, ummad,iyo adduun qorqoran oo dabajooga iyo macallin toos u hoggaamiya toonna.   Nin dhallin yar, isboort yahan ah, qoys dan yar ka soo jeeda, koolkoolin iyo jaamacad ka soo bixin, Maraykan ku nool, oo weliba Muslim ah..

Waa kaalin aan marna hortiis looga dayin libin, mid la soo hooyo iska daaye.

Nolosha geesigaas Maxamed Cali (AHN)  ayaa noqotay Jeegaan isqabsatay Afrika, Asiya ilaa Maraykanka.  Tiro malyuunno lagu qiyaaso ayaa maqlay, bartay, jeclaystay, qiimayn iyo qadderin u qaaday, qofba sidiisa. Wargeysyo iyo buugag aan la koobi karin ayaa wax ka qoray.. filimmo badan ayaa noloshiisa laga sameeyay.

Sawirro aan tiro lahayn ayaa laga faafiyay.. goobo badan ayaa loollankiisa (feedhtankiisa) laga daawaday.. raadiyaha iyo telefiishanka addunka ayaa sedkooda ka qaatay.. afafka ifka ka jira ayaa magaciisa ku hadaaqay.

Hufnaanta qofnimadiisa iyo tastuur wanaagga uu qoyskiisa iyo saaxiibbadiisa kula dhaqmo marka lagu daro, ayay si fiican innoogu baxaysaa shakhsiyadda cajaaiibka leh ee Alle-u-naxariiseygaas Maxamed Cali la godgalay. 

MAXAMED CABDI FAARAX ( MO FARAH)

Mo Farah
Maxamed Cabdi Faarax

Fagaare kale oo maanta loollan kale ka taagan yahay ayaan u gudbay.  Soomaali oo gudo iyo dibed meelna sareedo bidhaanta ka arki waayey, ayaa iyagii tuhun iyo eedayn isku la soo jeestay oo iscaydhsaday oo iscunay.  Mar ay magac reer isu soo kooraystaan.. marna, kaaga sii darane, diintii Islaamka lafteedii kala sheegtaan. Gudihii oo teel teelkaas loo kala fadhiyo; dibedda oo da’weyntii duni aanay weli cimiladeeda la qabsan, badankoodu ku xijaabanayo. . da’yartuna ku milmayso ummadaha ay la nool yihiin, ayna u muuqato ‘Talo Ku Badday!’

Towsta wada haysa oo laga qaaday welwel iyo dhakafaar, meelna aanu xal lagu diirsadaa ka muuqan, ayaa sannadkii dhowaa ee 2012 tartankii caalamka dhex mari jirey ee “Olimbigga” ka qabsoomay magaalada London.  Maxamed Cabdi Faarax  ( Mo Farah), oo calanka Biritishka gashan, ayaa noqday ruuxa ifka ku nool ee Soomaali oo idil, meel ay joogtoba, isha la wada raacday, oo isku si guushiisa u wada riyaaqday, iyadoo dareemaysa in adduunkii ku wiirsan jirey maanta arkay in aanay Soomaalidu omos iyo abaaro iyo argagaxa lagu sheegoo miidhan ahayn ee dhinacyo lagu faani karona leedahay. 

Afar sanoo kale ayaa ka soo wareegay guushaas.  2016kii ayaa durba isa soo giraangiriyay oo bedka iskeenay.  Tartankii Olimbigga ayaa markan lagu qabtay dalka Brasil magaalada Rio De Janeiro.  Intii labada xilli u dhexayasay, Maxamed  Faarax dhawr tartan oo dhawr dal ka dhacay ayuu ku guulaystay.  Hase yeeshee, kani waa kan ugu qiime iyo qadderin weyn tartammadaas oo dhan.  Dalal badan dad ka socda ayaa iyaga iyo tababarayaashooda, dawladahooduna daba taaggan yihiin, ay ugu horreeyaan kuwa Geeska Afrika – Itoobiya iyo Kenya – ayaa ku nidar gala inay “Soomaaligan dhowaan-soo-galka ah” ee billadihii iyaga meel loo dhigay ka maroorsaday, ay markan tusaan wuxuu ku quusto.  Talo, taakulayn iyo tababar waxay hayeen way sii toban jibbaareen si ay guusha ku soo dabbaalaan halkay ooli jirtey.  Dadka Soomaaliyeed oo aan marna mooganayn qorshaha lala maagganyahay KHADARKAA u soo baxay, welwel kama maqnayn. 

mo
Maxamed Faarax

Dareenkaas iyo xiisahaa gedgeddoonka  badan iyadoo lagu jiro, ayaa tartankii Rio xilligiisii la soo gaadhay.  Orodka 5000 iyo kan 10,000 ayaa si gaar ah looga beegsanayaa boqollaalka kale ee barnamijka ku jira.  Sida la filayay oo weliba laga cabsi qabay, labada orod ma ay qardoofooyin yarayn oo labada goorba turunturro iyo turxaamo ayuu la kulmay Maxamed.. misna si la yaab iyo lama filaan ku riddey dadkii daawanayey ayuu ku guuleystay; kuwii ka soo horjeedayna quus iyo niyadjab kala kulmeen.  Tan iyo hanashadii gobanimada 1960, guul iyo rayrayn ay Soomali sidaas ugu wada dabbaadegto, tan uu Maxamed Faarax u soo hooyay ayaa ugu horreeysa.

Shalayto wuxuu ahaa MAXAMED CALI kan feedhka CUDUDDIISU muslimka guusha u keenay, maantan waa MAXAMED FAARAX  kan orodka BOWDADIISU Soomaalida, laga saaray diiwaanka dawladaha jira, waxay u riyaaqi karaan laabta ugu beeray. Waan ku caana-maallee, Eebbow, MAXAMED ha noo waayin!

W.Q. Siciid Jaamac xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.