Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Eedaysanayaal wax eedeeya!

W.Q. Maxamuud Ugaas

Ri walbaa shillalkay isisaarto ayay ku qalantahay; maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd. Waxaana lagu macnayn karaa: in ruux kastaa meeshuu is dhigiyo intuu dadaalkiisu gaaro noloshiisu ku jaan go’naan doonto. Nin aan isku meel wax ka barano ayaa sheeko iiga sheekeeyay. Miday qaraabo ahaayeen ayaa Ingiriiska dalkugal (Visa) ka helay. Habeenkay sagootinayeen ayagoo meel maqaaxi ah fadhiya ayuu hoos inta ula hadlay ku yiri: aaditaanka waddankaa hal arrin uunbaan aad ugu faraxsanahay. Oo waa maxay arrintaasi?. Waxaan fursad aan weligey ku taamayay u heli doonaa inaan tartanka kubbadda cagta (premier league) kooxdayda magaalo kasta u raaco isla markaana si nafis leh aan toos ciyaarahaa u daawado! Dadka Soomaaliyeed in badan baa sidaa iyo si lamida u fekaraya maanta, hanka noloshooduna aanu intaa dhaafsiisnayn. Halkanse taa uga hadli mayno.

Maadaama aan qurbo joogo, dhallintiina aadba mooddo inaan dalkii cidi ku harin, waxaan had iyo jeer arkaa dhallin hayaamaysa oo boorsada uun garabka ku sidata. Meesha Soomaalidu Johannesburg ka deggentahay markaad fariisato, dadka sheekadoodana u dheg-raariciso, waxa ugu badan eed maqlayso ayaa ah hebel oo waddan hebel tagay,, ku hadda boorsooyinka xirxiranaya iyo ku dhexda kusii jira. Taasise ma aha waxaan saa ula sii yaabo maadaama aan aniguba hayaanka halkan ku imi. Jawaabaha iiga soo baxa markaan intaan garanayo la sheekaysto ayaase sawir iga siiya dhibaato guud iyo fakar la’aanta in badan oon mustaqbalkii dadkiyo dalka ugu yeerno. Waxaa laga cawdaa dhibaato dalkii ku habsatay. Ammaandarraa jirta, shaqo la’aan baa carrigii taalla, waxbarasho ha sheegin iyo inta la halmaasha. Tan ugu daranse waxay tahay dadkuna ka wada simanyihiin: dalkii waa la haystaa!, Itoobiya, kiinya iyo reer galbeed baa noo taliya oo marti baaban ka nahay.

Waxaa sideedaba dabeecadaha qofka nolosha ku fashilmay ka mid ah faramuuq iyo haaraan joogto ah, qof hebel, koox hebla iyo xitaa waqtiga iyo ayaanta oo uu fashilkiisa ku eedeeyo. Waxaase la yaableh sida taasi jiil dhan dabeecad ugu noqotay. Waxyaabaha aan aadka u saluugay waxaa iyana ka kid ah ummaddii dhammayd Soomaaliyeed oo hal nin oo Itoobiyaan ah baa haysta afka labadi yeeraysa, waa Gabre’e. Horta waxaa xaqiiqo ah in shaqsi iyo dawlad Afrikaan ah midna uusan awood iyo khidad uu Soomaaliya ku qabsado lahayn laakiin dawlad kastaa danaheeda ku daba jirto, wixii karaankeeda ahna isku dayayso si ay u xaqiijiso danaheedaas. Annaga ayaase qiran la’ inaan fashilka isugu wacannahay, haaraankana doorbidnay shaqadannadiina annagaa gabnay. Annaga ayaa shillalkaan isisaarnay ku qalan!.

Nin aan aad u garanayo, ayaa maalin iigu dhaartay hadduu cid kala wareegta heli lahaa, macquulna ay ahaan lahayd inuu Soomaalinimada dhanba iska gadi lahaa. Dhaqan, diin luuqad iyo dhul weeye Soomaalinimada ninkaasi lacagta ku doorsaday, inuu sidaa u yaqaanse war uma hayo. Waxaa isweydiin leh markaa cidda ninkaa isaga ah dalka ka haysataa yay tahay, dalkase laga haystaa waa kee?. Kolley anigu garan mahayo. Nimaan wuxuu yahayba garanayn ama ku qanacsanayni waxaan aaminsanahay inuusan dhul sheegan karin, sababtoo ah adduunku maanta xilligii la ood rogan jiray waa dhaafay.

Waxaase xusid mudan, xaqiiqo jirtana ah in dalkii dhibaatooyin badani ka jiraan. In noo gaar ah iyo inaan adduunka la qabnaba, xaalado inuu qofku meeshuu ku dhashay ka qaxo keeni kara ayaa wali jira meelaha qaar, inkastoo wax badan isbeddelayaan. Amni darro ayaa meelaha qaar fara kulul ku haysa. Waxbarasho aan tayo fiicnayn iyo waddankiiyoon manhaj lahayn in waxbarashadii la saluugo ayay keeni kartaa, keentayna. Shaqo la’aan iyo inaan fursado badan lahaysan iyaduna waa run. Laakiin fursad kasta iyo xal kasta dadkaa la yimaada samaystana , caqabadaha noloshana sidaa uga gudba ee wax cirka kasoo dhacaa ma jiraan. Isku deyga shakhsiga ama bulshadu la timaado ayaa had iyo jeeraale wax ka badala wadci kasta oo ay ku sugantahay, haaraammidda qoom shaqadoodii haystana, waxaan harraad ahayn masoo kordhiso. Haddii masuuliyadda saaran bulshadu kasoo baxdo ama xitaa fardigu isku day la yimaado, waxaa ugu yaraan suurta gasha inaanan waqtiga lala liicine dhibaatadoo jirta wax un nolosha la maareeyo.

Tusaale ahaan, degmadaan anigu ka imi amni darro badan baa ka jirtay ayaamahan dambe, taasoo horumar badan oo dadku samayn lahaa caqabad ku noqotay. Laakiin intaanan dhibaatadaa ka caban waxyaabaha aan isweydiiyo waxaa ka mid ah: waligaa iyo allahaa, adba qof mukallifahaa tahaye, wax degaankaa aad ku dhalatay nabaddiisa iyo horumarkiisa ka shaqaynaya inaad bilowdo ama aad qayb ka noqoto ma isku dayday?. Jawaabtu maya ayay noqotay, sababtay doonto haku dhacdee. Waxaa markaa aan isku qanciyaa inay raganimadu ku jirto inaanan cidna canbaarayn qolona aanan waxba ku eedayn, sababtoo ah anaaba taydii gabay cid wax intaa ka badan gashayna ma jirto. Waxaa kaloo jirta in, in badanoo degaankaa ku nooli ayadoo amni darro jirto noloshooda maareeyeen dhan kastana wax la taaban karo qabsadeen, waxbarasho, ganacsi iyo WLM. Sababta aan anigu kuwaa uga duwanahay maxay tahay su’aal ah ayaa iyaduna halkaa iiga soo laabata. Dabcan wax baanan isku deyin, naftaydana haaraami maayee waxaan ka gaabiyay unbaan qiran. Dadkuna sideedaba, haddii dhibaato dhacdo in dhibaatada wajahda, inay xal u heshana isku dayda iyo in ka cararta ayay noqdaan. Ninkii cararay horta xal laga sugi mahayo, meel aan adduunka dhibi oollin oo lagu badbaadi inaysan jirin ayayna u badantahay. Waxaa markaa sawaabku yahay in banii-aadamku dhibaato kastoo lasoo derista xalkeeda raadiyo ee aan laga cararin.

Noloshii reer baadiyaha, haddii reer xero ka guuro reer kale ayaa soo degi jiray ayaan ka dib laba calina isma weydiin jirin. Maanta kumannaanka qof ee sSomaaliyeed, dhallinyaradana u badan, ee qurbaha tuban, aniguna aan ka midka ahay, booskoodii ciidamada Burundi iyo Uganda laga keenay iyo itoobiyaan inay degaan noqdaan ku dhaw ayaa buuxiyay. Anigu tuuladaan ku dhashay balaayaa ka talisa maanta, anaase meeshaa banneeyay, inaan is giijiyoon wax qaladoon galay ma jirto aan iraahdaana balaayadaas unbay waqtiga usii kordhin. Qoomiyadaha itoobiyaanka qaar waxay leeyihiin dhaqan waddan jacayl ku dhisan, sidaan maqashiisnahay. Haddii qof degaankiisa uu ka tagayo, siiba uu waddan kale aadayo, maalintuu anbabaxayo dumar ayaa loosoo kireeyaa u ooya. Nasiib darro iyo inkaar baa loo arkaa in qofkaasi dalkiisii ka tagayo, halka soomaalidu qofkii Maraykan u socda xaflad iyo farxad lagu sagoontiyo inuu jannadii u socdana loogu dhaarto. Natiijada labadaas dhaqani xaaladda labada waddan ku suganyihiin ayay ka muuqataa. Itoobiya Geeska Afrika ayaa wax laga weydiiyaa meesha Soomaalidu waa nala haystaa isla balawday. Waa eedaysanayaal afar iyo labaatanka saac wax eedeeya.

W.Q. Maxamuud Ugaas
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.