Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ERAYBIXIN CUSUB: ‘Raysalwasaare’ iyo ‘Wasiir’ oo af Soomaali ah waligeen ma maqallay?

W.Q. Cabdirisaaq Baraag

Cabdirisaaq Baraag

Maanta waxa aan doonayaa in aan dadweynaha Soomaaliyeed la wadaago eraybixin kooban oo dhawr eray ah. Horay waxa aan isla mareegtan Wardheernews ugu soo daabacay eraybixin dad badani u riyaaqeen oo aan u helay erayga ‘Senator’ kaas oo aan u bixiyay ‘Samatar’. Waxa ay ahayd bishii Jannaayo ee sannadkan.

Maanta waxa aan idiin sidaa erayada ‘Raysalwasaare’ iyo ‘Wasiir’ baddalkoodii oo af Soomaali miir ah; iyo waliba meelihii ay dagganaayeen ee aynu u naqiinay ‘Xafiiska Raysalsaaraha’ iyo ‘Wasaarad’.

Dadka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in ay qaadqaadaan oo meel gaarsiiyaan, dawladda Soomaaliyeed na waxa aan ka codsanayaa in ay meel mariso waxii meelmar noqon kara hawshaas oo aynu afkeena uga dhigayno mid aan la tarraxin gabi ba.

Raysalwasaare = Waaxyaweyne

Goorta aynu doonno in aynu ‘Raysalwasaare’ eray u ku habboon u helno waxa aynu jaansaar ka doonanaynaa erayga dhiggiisa ah ee horay loo Soomaaliyey. Waa ‘Madaxweyne’.

‘Madaxweyne’ goortii qofka dawlaadda u sarreeya loo bixinayay waxaa la eegay in uu madaxda ugu mudanyahay/weynyahay!

‘Madaxweyne’ waxaa weeye madaxda ayaa uu ugu weynyahay. Sidaas oo kale ‘Waaxyaweyne’ waaxyaha dawladda ayaa uu ugu weynyahay.

‘Madaxweyne’ waxaa loo soo gaabshaa MW, ‘Waaxyaweyne’ na waxaa loo soo gaabin karaa WW.

Tusaalayaal:

1. ‘Raysalwasaare’ waxaa loo bixiyay Waaxyaweyne.

2. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo magacaabay ‘Waaxyaweyne’ si uu xukuumad u soo dhiso.

3. ‘Waaxyaweyne’ waxaa loo soo gaabshaa ‘WW’.

Fiiro Gaara: Madaxweynahu waxa uu dagaa ‘Madaxtooyo’ meesha ‘Waaxyaweynuhu’ dago ‘Waaxtooyo’.

‘Tooyo’ waa erayga ugu dhaw ee ‘Xafiis’ lagu baddali karo, waliba waa uu ka waafisanyahay oo ka sitaa ‘Xafiis’ sabab ‘Tooyo’ waa meel aan qol qalabaysan kali ah ahayn ee nololi ka suuroobi karto. Waa meel qol nasasho, qol cunto, suuli, iyo agab kale oo nololeed ba yeelan karta.

Sidaas ayay Soomaalidi hore ‘Madax’ ugu dareen ‘tooyo’ oo markan isku ah ‘dagaan shaqo’. Aniga na sidaas si le’eg ayaan ‘Waax’ ugu daray ‘tooyo’ markaas baa ay isku noqotay ‘Waaxtooyo’ oo ah ‘xafiiska Waaxyaweynuhu ku shaqeeyo, dagganyahayna’.

Wasiir = Waaxye

WASIIR: waa eray dhexdeena caan ka noqday oo aan maanta faahfaahin dheeri ah inooga baahnayn ee badankeen yaqaan.

WAAXYE: waxa aan u bixiyay ‘Wasiir’ sabab waa eray miir ah oo afkeena ah. ‘Waaxye’ waxa uu masuul ka yahay mid kamid ah waaxyaha dawladda, sidaas ayaanan ‘Waaxye’ ugu bixiyay.

Fiira Gaara: ‘Waaxyahu’ waxa uu dagaa ‘Waaxyad’ meeshii aynu awal naqaanay in ‘Wasiirku’ dago/ku shaqeeyo ‘Wasaarad’. Markaas halkan waxaa inooga dhuroobay in aynu ‘Wasiir’ ku baddalan karno ‘Waaxye’ iyo in aynu sidaas oo kale ‘Wasaarad’ ku baddan karno ‘Waaxyad’.

Tusaalayaal:

1. Waaxyaweynaha Soomaaliyeed waxa uu soo magacaabay 10 ‘Waaxye’.

2. Waaxye walba waxa uu u guurayaa ‘Waaxyaddiisa’ goorta shaqada laga hayo dhammaato.

3. ‘Waaxyaduhu’ waxa ay barri ku shiridoonaan ‘Waaxtooyada’.

W.Q. Cabdirisaaq Baraag
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.