Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka walaacsan saxafiga Puntland ee weli xiran

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xariga sharci darrada ah ee loo geystay Md. Jaamac Deberani, oo ah wariye wararka u soo tebiya Telefishinka Somali Channel TV ee gaarka loo leeyahay ee 9kii November lagu xiray magaalada Garoowe.

08-28-2013nicholaskay
Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay

Xorriyatul qowlku waa lagama maarmaan si loo dammaanadqaado nidaam siyaasadeed oo furan, xor ah, oo caddaalad ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. Wuxuu sidoo kale tilmaamay muhimmadda uu leeyahay hanaan sharci ee lagu xaqiijiyo in xorriyatul qowlka lagu naaloodo, wuxuuna ku baaqay in dhammaan shuruucda warbaahinta ay la waafajiyo halbeegyada xuquuqda aadanaha.

Xarigan dambe ee wariyahan wuxuu qayb ka yahay kuwo soo noqnoqday ee loo geystay shaqaalaha warbaahinta Puntland, taasoo meel ka dhac ku ah Qodobada 14 iyo 22 ee Dastuurka Puntland, Qodobka 18 ee Dastuurka Ku-Meelgaarka iyo shuruucda caalamiga ah ee ilaalisa xorriyatul qowlka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa 10kii bishan November Md. Deberani ka joojiyay inuu ku hawlgalo saxafi ahaan, isagoon bixinin wax sabab ah. Waxaana 19kii bishan November lagu xiray Saldhiga Dhexe ee Booliska Garoowe ka hor intaan Maxkamadda Gobolka Darajada Koowaad ee Garoowe kordhinin xabsigiisa iyadoo aan jirin sababo sharci ee loo xiray. Md. Deberani wuxuu hadda ku xiranhaya Xabsiga Dhexe ee Garoowe.

Xigasho: UNSOM


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.