Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Slideshow

Dibumilicsiga Kaydka WDN: Eyguu Weheshadaa! (Sheeko Gaaban)

W.Q. Khaliil C/raxmaan Xasan

Kuraasta fadhiga midka dheer ayuu ku jiifaa, iyadoo birkimooyinka dhabarka ugu jiraa kor u soo yar taageen qaarkiisa kore. Waxaa hor yaar miis meel bannaaan oo wax laga saaro aan lahayn.  Wargeysyo si qaab darran u yaalla, Kitaabka gaalada (Bible) oo gaboobay , baakado yaryar oo dawooyin ka buuxaan iyo daasado iyo dhalooyin khamri laga heensaday ayaa dul wadhan.

Judhiiba markii uu qolka soo galay ee uu indhaha qac ku siiyay, waxaa uu Cawaale u qaatay inuu odaygu Soomaali yahay, haseyeeshee magaciisa iyo Eyga yar ee uu dhabta ku haysto ee dhabannada ka leefleefaya iyo sawirka Sayid Ciise Masiix ee gidaarka qolka uu fadhiyo gees kastaba ka lusha, ayaa shaki galiyay. Labada arrimood ayaa isu qaban waayay.

Da’ ahaan waa  ilaa lixdameeye sanno haseyeeshee muuqaal ahaan waxaad mooddaa inuu aad uga weynyahay da’adaas. Dayac badan, ayaa ka muuqda naftiisa iyo guriga uu degganyahay intaba. Itaal darri uu xanuun u weheliyo iyo kelinimo ayaa isugu darsantay.

Marka aad guriga soo gashid, suyuca iyo urta ka soo kamkamaysa ma ahan mid aad u  adkaysan kartid. Kulka uu isku shiday, daaqadaha aan la furin, xayaawaanka uu haysto, sigaarka uu budhbudhinayo iyo nadaafad darrada guriga ee meel walba xafashku yaallo, ayaanay naftu ku siin karin in aad daqiiqad ku negaato.

Waxaa Cawaale masxaddiisa ku soo dhacday oo uu isweydiiyay odayga tolow basarinimada maxaa ugu wacan, ma  waxbaa u yara dhiman mise itaal darridaa sidan ka dhigtay, miyaanuse ehel iyo cid u gargaarta haysanl!

Waa guri laba dabaq ah, kuna yaal xaafadaha ugu qaalisan London haseyeeshee waxa uu kaga noolyahay keliya qolka fadhiga ee xagga hoose. Qolkaas iyo musqul hoosta iyana ku taal. ayuu guriga dhan ka isticmaalaa, dhawr sannana jaranjarta kor uma fuulin.

Tan iyo intii xaaskiisii Margaret ka geeriyootay siddeed sanno ka hor, keligii ayuu kobtan ku noolaa. Daryeel kooban oo xagga dawladda ah ayuuna helaa siiba dhinaca caafimaadka oo kalkaaliso, ayaa guriga ugu timaada toddobaadkiiba dhawr jeer.

Cidda kale ee labaysa ee uu arkaa waa haweenay u shaqaysa shirkad cuntada samaysa  oo cunto karsan u keenta maalin walba iyo haweenay ay iyana deris yihiin oo mararka qaarkood suuqa uga soo adeegta, eygana dibadda u xaar geysa.

Waxaa intaa dheer iyadoo mararka qaarkood loo soo diro qof la sheekaysta oo yara maaweeliya islamarkaana soo yar warwareejiya oo lugaysiiya. Cidkale oo irridkiisa soo garaacda ayaaba iska yar.

Eyguu weheshada. Waa Ey yar oo aad u qaylo badan kuna soo orda qofka guriga soo gala isagoo islamarkaana ci’ aad u sareysa ku qaylyaya, hase yeshee  marka uu kuu soo dhawaado, ayuu istaagyaa oo wax intaa ka badan kuu geysan maayo.

Inkastoo muslimiintu siiba Soomaalidu ay aad uga dheeraadaan Eyga haddana waxaa Eyda lagu tilmaamaa saaxiibka koowaad ee bani’aadamka, isagoo dad badanna wehel u ah halka kuwo kalena uu u fuliyaa adeeegyo badan sida Indhoolayaasha oo uu hago.

Waxa uu soo xasuustay Cawaale habar caddaan ah oo maalin iyadoo Ey yar oo mid kan oo kale ah wadata Baska kursigii uu fadhiyay la soo fadhiisatay. Sida uu isaga ilaalinayo ee uu dhinac isugu kuusayo inta ay ka yaabtay ayay ku tidhi, “ ha ka baqanin waxba ku yeeli maayo oo dadka ma qaniino ee wuu ku yara ursanayaa uun”.

Inta uu xaggeeda u soo jeestay  Cawaale, ayuu isku dayay in uu u sharxo in aannu ka cabsanayn Eyga yar balse uu diiddanyahay in uu taabto sababo xagga diinta la xidhiidha. Habartii maanay garwsan hadalka Cawaale oo  iyadoo aad uga yaaban waxa uu ku hadlay ayay tidhi, “ Waan ka xumahay, diintaadu waxay kaa hor istaagtay wax fiican oo aad  nolosha aadmiga muhiim ugu ah!”

Haddaba isagoo weli Cawaale taagan oo naqaska isku dhejinaya, si jidhdiidmo ahna u fiirinaya Eygan yar ee uu odaygu dhabta ku haysto ee kolba wejigiisa ku boodaya, dhabankana ka leefaya, ayuu odeygii inta dhinaciisii  indho shiiqay oo god ka soo jeedda ku soo  eegay Cawaale ku yidhi, “ma Soomaali baad tahay ‘, ka dibna dhoola caddeeyay.

“Haa Soomaali baan ahay”, ayuu si degdeg ah u yidhi isagoo markan xaqiiqsaday in  aanu ku qaldanayn malihiisii.  Inta uu durtadiiba Odaygii soo hinqaday oo gacanta u soo taagay, ayuu isku dayay inuu sare  u soo joogsado oo Cawaale salaamo haseyeeshee itaalkaa u run sheegay oo dib ayuu u dhacay.

Inta uu Cawaale naxay, oo si degdeg ah xaggiisa ugu dhaqaaqay ayuu ku yidhi , “iska fadhi , iska fadhi ha iscadibin”,  islamarkaana uu gacanta u taagay isagoo si taxadar leh isaga eegaya Eyga yar ee xaggiisa u soo qamaamay ee wahwahda haya.

Markay is gacan qaadeen, cabbaar ayuu Cawaale gacantiisa ku dheggenaa odaygu isagoo kor u soo fiirinaya cod yar oo khafiif ah oo aad mooddo in uu dhuunta si cidhiidhi ah ku soo dhexmarayana ku leh, “ ii warran adeer, qodhiyo xaray Soomaali baa maanta  la ii soo diray!!…”. Isla markaana indhihiisa yaryar ee godka ku jira ay ilmo ku soo joogsatay.

Waxaa laga dareemayay boholyowga uu u qabo aragga qof Soomaaliyeed oo muddo dheeri ugu dambeysay. Malaha waa war mooge aan la socon  sida loo kala irdhoobay oo Soomaalidu isu nacday, cuqdadda iyo qabyaaladduna u dishootay.

Inta uu Cawaale iska illaaway diiqaddii haysay, ayuu ku dhaqaaaqay in uu bal odeyga waayihiisa wax ka weydiiyo. Wuxuu noqday durtaba nin hammuun u qaba in uu ogaaddo waxa Odeyga kobtan cidlada ah dhigay, bedelay diintiisii iyo dhaqankiisii ee haddana bohoyowga baday.

Haddaba isagoo Odaygu waayihiisa uga sheekaynaya Cawaale, aadna ugu faraxsan in uu maanta helo qof afkiisa hooyo uu kula hadlo ayaa waxa uu ku billaabay sidan:-

La soco qaybta 2aad.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]

____________________________________________________________________________________
Sheekadani waxay ku soo baxday WDN bishii Abril 30, 2013.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.