Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Fafaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdishu (WDN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore ee labo maqaayad oo isku dhow oo ku taal degmada Hodan, kuna dhow agagaarka Isgoyska Banaadir.

Qarax ka dhacay Muqdisho

Markii hore warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxaasi, iyadoo la sheegayay in la bartilmaameedsaday Posh Hotel oo ku dhow, Posh Treats. Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogan sida ay sheegeen dadka ku dhawaa goobta uu ka dhacay.

10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo howlgal ka wada maqaayadaha la weeraray ee Pizza House iyo Posh Hotel ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya

Xaalada ayaa hada ah mid deggan, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku haya, waxaana socda tira koobka khasaaraha uu geystay qaraxa.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan ururka Shabaab weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.

Wixii warar ah ee soo kordha, waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararka dambe haddii Eebe idmo.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.