Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Fahad iyo Kheyre oo isku khilaafsan magacaabista hoggaanka cusub ee NISA

Muqdisho (WDN) Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Illo wareedyo ka ag dhow Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in xurguf siyaasadeed soo kala dhex gashay Agaasimaha Madaxtooyada, Fahad Yaasiin iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre. Khilaafka ayaa xogta aan helaynaa sheegaysaa in uu salka ku hayo mas’uulka cusub ee loo magacaabayo hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya (NISA). Illo wareedyadaasi ayaa tibaaxaya in Fahad Yaasiin uu rabo, in hoggaanka NISA laga maamulo xafiiskiisa madaxtooyada, oo ay isaga hoos timaado, halka uu ra’iisalwasaare  Kheyre uu doonayo  in uu isagu magacaabo qof ku dhow, oo uu u dhiibo xilkaas.

Md. Kheyre (midig) iyo Md, Fahad

Xilka qofka qabanaya hoggaanka NISA, ayaa ah mid aad u muhiim ah, isla markaana leh awood ( power) iyo miisaaniyad (funding) xooggan, oo aad saameyn ugu leh qorshe howleedka dhanka ammaanka ee  Dowladda Federaalka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Fahad oo dhawaanahan ay awooddiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed, ay sii fidaysay, ayaa qorshaha in hoggaanka NISA gacanta loo geliyo ama loo magacaabo shakhsi ka agdhow (his inner circle), uu ka soo horjeestay RW Kheyre, oo dareensan awoodda xad-dhaafka ah ee agaasimaha madaxtooyada Fahad yaasiin.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ra’iisalwasaare Kheyre hadda helay kalsooni xooggan, kadib markii saaxadda siyaasadda laga saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Md. Taabit,  oo dad badani u arkayeen, in uu cidhiidhi ku hayay RW Kheyre.

Xurguftan soo kala dhex gashay Fahad iyo Kheyre, ee salka ku haysa hoggaaminta NISA, ayaa la sheegayaa in Madaxwene Farmaajo uu dibadda ka jooggo, oo aanu wax go’aana ku lahayn.

Ra’iisalwasaare Khayre oo muddooyinkan dambe la sheego in siyaasaddiisu ay u janjeedho dhinaca xulufada Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn ayaa la filayaa in uu dhawaan socdaal ku tago waddanka Imaaraadka.

WardheerNews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.