Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Farriinta Madaxweynaha: Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunta u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda Federaalka ay haatan gacanta ku hayso shuruuc muhiim u ah dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay lafdhabar u yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa faray shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah.

“Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan”

Xigasho: SONNA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.