Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Fursad (Sheeko Gaaban)

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Habeenkii oo dhan laba indhood isumaanu keenin. Sababtu ma ahayn kiilihii Awadaayga ahaa ee uu fiidkii ka findhicishay, oo aalaaba jaadku dhib uma keeno oo wuu ka seexdaaye, wax kalaa jira. Cirka sida lamafilaanka ah caawa isqabsaday, roobka iyo raxmadda Eebbe shubay darteed, ayuu hurdo uga caagay. Ma ahan inuu barwaaqadan u buseelsanaa, farxad iyo niydsamina ku soo dhaweynayay balse isaga roobkan kala qaadi waayay wuxuu u arkayay mashaqo iyo masiibo hor leh oo aannu dhibteeda ka soo kaban karin.

Onkodka, hillaaca, dabaysha  iyo sanqadha dhibcaha roobku waxba ugama duwanayn dhimbiillo  dhamac ah oo jidhkiisa lagu dhedhejinayo. Intuu marba jiifka ka soo boodo, ayuu daaqadda daaha ka faydaa oo dibadda  fiiriyaa, ka dibna isagoo indho dhiillo leh ku eegaya hadba dhinac qooraansadaa.  Cadho iyo calool xumo darteed ayuu haddana mar kale  sariirta gadaal-gadaal isugu soo tuuraa, dabadeedna tin iyo cidhib isduuduubaa. Haddana telefoonkiisuu garaacaa, markaas ayay ku soo booddaa farriin odhanaysa, “ Lambarka aad soo wacday wuu xidhanyahay fadlan mar kale ku soo celi”, markaasuu cadho darteed is yidhaa tolow gidaarka ma qabadsiisaa. Ma baxdaa oo baabuurka ma qaadataa ayuu mar kale is yidhaa haddana gudcurka iyo roobka isqabsaday iyo boholaha uu daadku dariiq walba ka jeexay ayuu ka maagaa. Haddana mar kaluu isduuduubaa isagoo dhinacu dhulka u qaban la’yahay oo hadba dhinac isu rogaya  aadna u tiigsanaya inta roobku ka qaadayo, waaguna ka beryayo. Habeen baasku dheeraa!

Tan iyo intii jagada wasiirnimo loo magaacabay Warsame waa nin aad tolku u tixgeliyaan, taladoodana wax ka gooya oo ay mahadiyeen. Waa nin cadkiisa goosta, danta tolkana aad ugu heellan. Dadka qaarkiis waxayba ugu yeedhaan Suldaanka xurmayn iyo qaddarin ay u hayaan darteed.

Waxaa mar walba maskaxdiisa ku soo dhacda taladii ay odayada iyo waxgaradka beeshiisu siiyeen markii xilka qaran loo dhiibay.  “Berriba waa lagaa qaadi karaa oo isku hallayn ma lahee, maanta ayaad fursad haysataaye inta aad joogto naftaada iyo tolkaaba uga faa’idee oo ha noqon sidii wax matarihii kaa horreeyay oo kale.”,  ayay hadal ugu soo koobeen. Isna ballan buu ku qaadday inaanu waxba ka hagran doonin. Qorshihiisa koowaad waa sidii uu taladaas iyo ballanqaadkiisa uga dhabbayn lahaa. Inuu danta tolka wax walba ka hormariyo maxaa u diidaya illeen markii horeba iyagaaa xilka loogu dhiibbee!

Wuxuu aad u hiifaa sannadihii badnaa ee intuu qurbaha joogay macno darrada ku dhaafay. Noloshii qallafsanayd, shaqo la’aantii, iyo  sharafxumadii uu ku sugnaa, ayuu mar walba soo xasuustaa. Aqoontii waxbarasho ee uu Soomaaliya kala tegey oo ilaa heer jaamacadeed gaadhsiisnayd wax shaqo ah waa ku soo qaban waayay, inuu sii kordhistana waa kari waayay.

Iyadoo sidaa ah ayuu haddana Warsame iskala weynaa qabashada shaqooyinka hoose ee xamaaliga, tagsiilanimada, wadidda basaska iyo waardiyanimada oo Soomaali badani mahadiyeen. Wuxuu ka doorbiday shaqooyinka noocaas ah hawsha fadhi ku dirirka maqaaxiyaha lagu shaaheeyo iyo majaalista lagu mirqaamo. Haddii uu makhaayad fadhiyo iyo hadduu Marfish ku mirqaamayaba dadka uu la joogaa isaga uun bay afkiisa dhowraan. Gaar ahaan marka uu qaadka u fadhiyo waxa uu goobta ka bixiyaa casharro aan ka dhicin kuwa jaamacadaha lagu qaato oo isuga jira Taariikh, Siyaasad iyo Suugaan. Waxaa kaloo uu aad u lafaguraa marba xaaladaha taagan iyo dhacdooyinka cusub.

Waa codkar aad ugu xeeldheer abaabulka tolka. Shirwalba hadday noqon lahayd tolweyne iyo midkaleba waxa uu ka mid yahay dadka ugu horreeya ee mikirifoonka lagu soo dhaweeyo. Waa shakhsi wakhtigiisa oo dhan u huray danta beeshiisa. Madaxdu marka ay qurbaha yimaadaan marwalba waxay weydiin jireen  waxa meesha  dhigay ee uu waddankii u imanwaayay illeen waa nin dalku u baahanyahaye.  Inkastoo uu sidaas ugu heellanyahay tolkiisa haddana dhanka kale wax uu reerkiisa ugu filanyahay ma jirto. Malaha wuxuu ku sifoobay heestii Axmed Cali Cigaal tixihii ku jirtay:

Rugaheeda moogeey
Haddana reer Galbeedkiyo
Ruushka u garqaadaay, Naftaydaay.

Maadaama aannu wax dakhli ah ku soo kordhin reerka, taasi waxay gayaysiisay inuu magan u noqdo xaaskiisa Maryan oo iyadu dhaqaalaha yar ee dawladdu reerka siiso faraha ku haysa. Hawshii aqalka iyo tii dibadda hadday noqotaba Maryan iyadaa qabata. Xataa way kala quusatay in uu aroortii tooso oo carruurta dugsiga geeyo. Hadh iyo habeen waxay  u ahayd buuq iyo balaayo joogto ah. Maryan waxay marar badan ku fakirtay, saaxiibadeeedna kula taliyeen in ay iska erido oo boorsadiisa bannaanka u dhigto haseyeeshee way la fool xumaatay arrintaasi, inkastoo afxumo, cay iyo canaan midna aanay u hambaysanin. Isna wuxuu noqday dhagax dixeed oo dhegba jalaq uma siiyo wax walba oo ay ku tidhaahdo. Shidanaaba shidan!

Marar dhif ah oo Warsame ka cadhoodo hadallada xanafta miidhan ah ee Maryan, wuxuu  ku hanjabaa in uu waddankii iska tegi doono. Haseyeeshee arrintaas maqalkeeda Maryan ma jecla oo masayrbaa gala. Waxaa maskaxdeeda markiiba ku soo dhacda in Warsame rabo sidii walaalkii Raage in uu gabadh yar la soo guursado. Mar walbana tegitaankiisa gaashaanka ayay ku dhufataa, waxaanay ugu goodidaa in haddii uu dhoofo aannu mar dambe il saari doonin iyada iyo ubadkiisa midna. Isna wuu ogyahay in la’aanteed aanu dhoof u suurtogalayn illeen shilin uu ku dhoofaba ma haystee. Markaasuu sasabaad iyo sabaalayn isugu daraa oo cabbaar ka dibna iyadoo qoslaysa la arkaa. Ugu dambeystiina waxa uu dhaar saddex magac Alleh ugu maray in haddii uu waddankii tago aanu naag kale garayska ka furayn, iyana way ku qanacday oo hagbad yar oo ay dhawaan qaadatay ayay Tigidhkii iyo wixii uu ambabax uga baahnaa  ka siisay.

Marna kumuu fakarin wasiir baad noqon doontaa. Markii uu waddanka cagaha dhigayba wuxuu iska xaadiriyay majaalista ay madaxda iyo qamaamiirtu ku mirqaamaan. Ugu dambeystiina iyagii ayuuba ka mid noqday oo wasiir baa loo magacaabay. Haa wasiir, si loogu raaligeliyo tolkii oo aad uga cabanayay in aanay saamigoodii dawladdan ka helin.

Inkastoo uu Warsame ballamo muhiim ah lahaa subaxdaa, sida caaddada ahna ay dad badan oo faylal sitaa hor dhoobanyihiin xafiiskiisa haddana taasi  wax shiddo ah  kuma hayn ee arrin kale ayaa lurta ku abuurtay.

Hiirtii waaberi oo aan looga baran in uu hurdada ka kaco, ayuu sariirta ka soo booday ka dib markii uu hubsaday in roobkii qaadday. Intuu daaradda guriga u soo baxay, ayuu albaabka ku garaacay wiil uu adeer u yahay oo baabuurka u wada oo uu shaqaalaysiiyay ka dib markii jagada wasiirnimo loo magacaabay oo qol irridka agtiisa adeeegayaasha guriga loogu talagalay hurda.

Wiilkii ayaa isagoo anfariirsan oo bisinka hoos ka qabsanaya oo isleh tolow maxaa dhacay saaka intuu dedeg uga furay isagoon Warsame wali wax hadal ahi afkiisa ka soo bixin ku yidhi ”, adeer weli maanay gaadhin xilligii aan carruurta dugsiga geyn jiray ee maxaa innagu soo kordhay’.

“Waar carruurta waad u soo noqon doontaa ee soo lebiso oo degdeg u soo bax ,’ ayuu warsame ugu jawaabay wiilkii uu adeeerka u ahaa.

Degdeg intuu u soo labistay wiilki, ayuu Warsame oo kursi barandada guriga yaallay fadhiya oo xabbad sigaar ah budhbudhinaya ku yidhi, “ adeer diyaar baan ahay”. Ka dibna baabuurkii ayay ku dhaceen isagoo Warsame wiilkii lu leh, “ eri  oo xaggii gurigii cusbaa inoo dhaqaaji.”

Markay cabbaar socdeen ayaa wiilkii weydiiyay Warsame, “ Waa tan makhaayaddii aad Kofigeeda jeclayde ma ku leexanaa.”  “ Waar ma waalantahay Kofi iyo Cali toona ma rabee bahalka eri maxaad la luudaysaa,” ayuu Warsame ugu jawaabay wiilkii gaadhiga waday.

Guuxa gaadhiga xawaaraha sare ku socda iyo biyaha dhooqaysan  ee taayirku dusha kaga saydhay, ayuu naxdin darteeed mar keliya hurdada ka soo booday. Isagoo asqaysan intuu hareeraha fiirfiiriyay oo indhaha maranmartay ka dibna sare joogsaday, ayuu weji cadho ka muuqato ku sii bidhaansaday baabuurkii isagoo cay iyo  habaar isugu daraya ogna in aanu wax intaas ka badan ku samayn karin. Ka dibna inta go’ii yaraa ee uu huwanaa geed ku hor yaallay derbiga uu jiifay dhawr jeer ku garaacay si uu dhoobada iyo boodhka uga jafo, misna kartooonnadii uu ku hurday oo qoyay isku laalaabay, ayuu hadhaaga baabuur jajabay oo meel aan ka fogayn yaalay xuluuliyay.

Intuu gaadhigii dhanka kale uga wareegay oo labada dhinac dhugtay, hubsadayna in cid ka ag dhawi aanay jirin, ayuu sare joogga ku taleejiyay. Ka dibna inta  xagga maqaaaxi waddada dhinaceeda kale ku taal u tallaabay, ayuu isagoo si taxadar leh isaga eegaya shaqaalaha maqaaxida qaatay sufur hambo biyo ahi ku jiraan oo saarnaa miis maqaaxida horteeda yaalay dabadeedna si dhakhso ah wajiga ugu dhaqday. Calalkii duugga ahaa ee degta u saarnaa oo midabkiisii caddaa dhalanrogmay intuu qoyaankii wejiga iskaga tirtiray,  ayuu ujihaystay dhinaca suuq wadhato ah oo aan ka fogayn oo markaas uun alaabooyinkii la soo dhigayo.

Waa 12 jir aan waalid iyo qaraabo kale midna lahayn. Ma yaqaan cid dhashay, oo isagoo suuqa dhex taagan ayuun buu ku garaadsaday. Dayac iyo diif badan, ayaa ka muuqata. Caatanimada ay dhafoorradu la goteen, labada indhood ee guduudan, timaha sida baas ugu baxay ee aan abid la shanlayn, surwaalka weyn ee uu dhexda ku laalaabtay sidii macawusta oo kale, shaatiga aan mid badhan ah lagu ogeyn iyo kabaha dacaska ah ee kalakaanka ah ee uu xidhanyahay waa kuwo sawir cad ka bixinaya xaaladda qalafsan ee uu ku suganyahay. Dhibaatada iyo rafaadka nolosha derbijiifka ee uu ku noolyahay, waxaa u sii dheer cay iyo afxumo lagu hayo oo aanay hadh iyo habeen dhegihiisu ka nasan. Waa looma naxe ay bulshadu dhinac uga soo wada jeeddo.

Waa ibnu xaaraankii yaraa inta lagu yidhaahdo, ayaa meeshii uu istaagaba budhka lagula booddaa. Cidina ma xaqiijin karto xaaraan iyo xalaal mid uu ku dhashay iyo cid dhashay toona, hase yeeshee maadaama aanu waalid, walaal iyo qaraabo midna lahayn waxaa loo qaatay uun in uu garac la iska tuuray yahay.

Dadka waxa uu ugu necebyahay inta ay isyaqaaniin, waxaanu naruuro bidaa hadba ciddii ay isku cusub yihiin, haseeshee waxa uu aad u naxaa marka ay weydiiyaan qabiilkiisa. Waayo waa su’aal aanu jawaab u hayn, maalin walbana ku soo noqnoqota.

Beryihii hore marba qoladii afkiisa ku soo dhacda, ayuun buu iska sheegan jiray haseyeeshee taas dhibaatooyin badan ayuu kala kulmay. Tiro ma leh inta jeer ee lagu garaacay maxaad qabiilkayaga u sheeganaysaa adoo garac ah. Sidoo kale waxa uu qabaa digniino badan oo ah haddii uu qabiilooyinka qaar dib u sheegto in aanu sii noolaan doonin. Cid rabtaa ma jirto. Waxaad mooddaa qof bulshada uu la nooyahay dheeraad ku ah.

Waa soctaa…

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Emai: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.