Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Garnaqsi: Aniga iyo dadkan yaa khaldan?‏

W/Q Burhaan Cali

Waxaa la yiri ” nin iyo xaaskiisu colna ma aha nabadna ma aha”,  illaa la isku daalana la islama qabsado. Aniga iyo xaaskayga Saafi, balse aan ula baxay Coley  iyana iigu yeerta  Col-Wade,  tabtaa ayaannu nahay. Dookheeda uma daayo, marka ay soo bandhigtana kuma qanco. Dhoollacaddayn been ah baan uga baxaa.  Beryihii  hore run bay moodi jirtey, laakiin markay aragtay  anoon in yar oo ammaan ah u soo jeedinayn,  bay xanaaqdaa, kartaa, maalmo dhan baana  aannu colna ahayn nabadna ahayn. Oo maxay iigu xanaaqi?  Ammaan  iyo u dhimrin dumar la igumaba soo ababine, ninkii laga dareemana waxaan u aqaan nin naagi lagdootay!  Xuddunta caashaq-dagaalkayaga dhammaan la’na, waa ‘iska dhici iyo diid’! Teedu i qarso bay noqonaysaa, marka iyadu aniga dookhayga  ay soo farageliso. Haddee ujeedkeedu waa inay i toosiso oo ay rag i dhaafiso e garo. Isku daallay saa dantaa naga wada adage. Beryo waxaan is adkeeyaba u hogaansamay dookheedii, mar marse waan soo giirtaa.

Sheikh1Qurbaha iyada ayaa iiga soo horreysey. Waa gabadh dadnimo iyo firfircooni u dhalatay markeedii horaba e.  Waxay ku dadaashay inay runta wajahdo oo nolosha kharaar la qabsato si ay iyada iyo ubadkeeduba uga dabaashaan  badweyntan dad iyo duunyo liqdada ah. Maalin Alla keenaba kabaha ay gashato salaadda subax ka dib, waxay bixisaa habeenkii xilliga hurdada, markaas oo ay sariirta daal kula gataati dhacdo. Tacab iyo tacliin bay ku jirtaa meel ay la gaartaba. Anigu waxaan ahay mar walba qummane,  isla qummane, aqoonyahan, dagaalyahan, aftahan, siyaasiyahan, beesha dhexdeeda ka boqran. Dabcan hal jago baa iga dhimanayd, waa in sheekh la iigu yeero, taasna Coley ayaa culays igu saartay inaan khamiis iyo cimaamad xirto. Beryahan dambe xerownimo iyo rafaad diinta loo soo maro laga bax. Khamiis iyo cimaamad iyo kutub waaweyn oon la akhrin balse lagu xarragoodo  in lagugu barto, ayaa  kaa xigta inaad sheegato sheekhnimo!

Waan ka meermeeray oo ka meermeeray inaan dharkaa culimada xirto, sababa ii muuqday awgood.  Waa maree masjidka  agtayda ah waxaa buuxiya kooxda qabyaaladda iigu sacab tunta  iguna jecel, iguna boqradayba. Qaaraanka maata layska iyo kan lagu dhigo xafladaha lagu taageero halyeeyada reerka ayaan ka guraa, qaarkoodna iyaga ayaa ila soo doontaba. Waxaa kaloo jooga inta qabiil igu neceb goobaha ay ku shawraanna aad iigu xanta , iskulana dardaarma in la i gooyo oo aan la i salaamin laakiin markaan fagaarayaasha ku kulanana, i tusa dhoolla caddayn, xabad saar iyo maxabbo been ah.  Ma aqaan siday dadkaan, waa xertayda  iyo kuwa iga soo horjeeda e, isu waafajiyaan qiirada qabyaaladda, qaaraanka dhiig lagu daadiyo iyo diinta ka reebaysa balse labada golaba  (masjidka iyo shirarka tolkaba)  way soo buuxiyaan,  waxaanse u badiyey inay ka tahay ‘Yaan labada gole midna la idinka tebin’. Waa midda labaade dharkaa culimo dhaqankeeda leh baan ku aqaannay  beri samaadkii anna dhaqankaa iskuma ogayn. Sidaa darteed  aad baan uga cagajiidayey inaan suuraddaa sharafta badan wasakheeyo. Saw ku ganacsiga  iyo ka ganacsiga diintu waa suuq weyn oo laga wada hodmay oo aanan ka warqabin!

Sidaanu u joognay baa wax la mooday furashadii Maka oo kale dhaceen. Qiiro jihaad iyo dalka iyo diintaba ha la difaaco  baa samadaa isku shareertay. Raggaygiina hal mar bay intay qiiroodeen khamiisyo isku gureen. Waa marmarsiiyihii aan la’aaye subaxdii  dambe ayaan  anna khamiis iyo cimaamad Coley dhawr sano ka hor soo gadday  oo maqsin halkaan ah ku raagay intaan kaawiyad jac ku siiyey isku taagay. Markaan dhanka masjidka u sii dhaqaaqayey waxaan maqlayey Coley oo i leh ‘ Col wadoow  maanta dharka culimada  ma Allaad u xiratay mise rag iska dhicin?’ dhagse  jalaq uma siin, saa aniga iyo raggaygiiba Waa  baa noo baryaye.

Haddaan masaajidka maalmo wardi la fariistayba, caajis ha iga kici waayo saa nin dirqi meesha ku joogaan ahaye. Ishaydu intaa waxay la socotaa meel sharqan iyo xasarad ka taagan tahay. Maalintii dambe culimadii wacdiga nala dultaagnayd ha is qabtaan. Khilaaf  hoose, hoose oo muddo soo jiitamayey dibadda ha u soo baxo. Ha kala jabaan oo kooxiba gaar ha u shawrto. Haddaan dhex istaagay oon dhegadhageeyey murankoodii fahmi waayey waxa ay isku hayaan. Waa wax sidii cajiinkii isku walaaqan. Diintii oo la qalloociyey bay  isku eedaynayeen,  qabiil iyo qabyaalad baad waddaanna waa isku eedaynayeen balse intaba ma ahane waa hunguri, madasha oo wada qaadi wayday iyo xukun jacayl  lagu dahaaray  waddaniyad  barxan dushana diinta  lagaga dahaaray sida burcadka doolshaha  dusha loogaga  daboolo. Dhawr goobood oo gar loogu dhigay dhabana hays baan kala soo laabtay. Dharka ay xiran yihiin iyo dhaqankoodu isu kay qaban waa,  waase laga barayba laga badiye anna iskay baan sheekhnimo isu caleema saaray. Dagaal iyo dacaayad ay ka midaysan yihiin kuwii is hayey ha igu soo qaadaan saa ma ogola qof suuqa ku ciriiriya. Maxayse  iga  qaadi ceebi waa laba af maroojis e!

Dadku xusuus yaraa! muddo gaaban baa ka soo wareegatay markaan  khamiiska xirtay maanta se shiikhnimadayda muran kuma jiro. Oo sidee bay iigu suurawday?  Dhallinyaro niyad fiican ayaan hoos ka abaabulay, waxaana ku wajahay kuwii igu eedaynayey inaanan diin waxba ka aqoon. Dhallinyaradii iyo dhallinyaro  kale oo iska caashaqsan magacyada nimankaa cimaamadaha xiran foodda ha is daraan. Culimada la kala taageersan yahay anna la igu soo dar. Xeelado badan oon markaygii hore xariif ku ahaa baan adeegsaday balse hal kaar(card) ayaa si weyn iigu qarxay. Waayeelkii tolka (Rag iyo Dumarba) ayaan shir u qabtay. Anoo is oohinaya ayaan ku iri  ‘Ma taqaaniin sababta dariiqyada la iigu xag xaganayo? Waxaa la diidan yahay shiikh reerkeenna ah oo dhan. Cadawgii reerka oo markaan shaar diineed xiran baan is haynaa ee dagaalku aniga shakhsiyan iguma socdo sidaa ula socda’.  Qiiro iyo bishimo qaniinid baa is qabsatay, guddi qaaraan aruurin ah oo dumar u badanna waan xushay.  Masaajid  reerku isugu yimaadana muddo gaaban deg deg  la iigu qotomi.

Taageerayaashaydii ayaan labadii goloba u camiraa. Shirka tolku isugu yimaado duco furitaan iyo midda xiritaanka baa la igu karaameeyaa, marka ay qaaraanka maata layska aruursanayaanna waa u qiil dayaa oo Aayado iyo Axaadiis  aan soo luqun laabay baan ku dul akhriyaa. Muxaadarooyinka iyo khudbadaha masjidkana anoo  qawlalada abur ka sii daynaya,  ayaan gantaalo caamada iyo war ma qabtadu ku wareeraan  hawada u mariyaa, wadaaddadii aan meheraddoodii docfaruurtay. Iyaguna  intaan iri afar laabkeed oo ay weliba magacyo ii bixiyeen, bay iigu soo jawaabaan. Dadkii shaqaan u yeellay! balse mid baan ka simannahay aniga iyo iyaguba. Mar kasta oo aan fagaarayaasha ka khudbaynayno waxaan caynaa qabyaaladda, dadkana uga dignaa tafaraaruqa iyo kala tagga. Midnimada  iyo in muslimiintu wadajiraanna waan ammaannaa.  Dadkaas aannu kala horaysannay  oo aan xitaa goobihii cibaadada ku kala kaxaynay ayaan Rabbi  uga barinaa in Alle quluubtooda mideeyo, colaadda dhulkii hooyo aafaysayna Rabbi  ka dulqaado, cadawgoodana jabiyo! Waxaan ahay Muuq-Shabeelkaa dhar  Culimo  iyo dhaqan Mooryaanba  leh, ee noo garnaqoo aniga  iyo dadkan kuwa i taageera iyo kuwa aan is haynaba yaa khaldan?

Horay waxaan kaaga soo sheekeeyey dagaalyahanimadaydii iyo heerka aan qabyaaladda ka gaaray, qaybtanna sida aan uga shaqaysto bulshada dhexdeeda. La soco qayb kale oon kaaga sheekayn doono aqoonyahanimadayda, siyaasinimadayda iyo weliba isla qummanaantayda.

Burhaan Cali
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.