Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GEELA: BOQORKA XOOLAHA SOOMAALIDA (Qaybta 3aad)

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur

Shaafici Q. Nuur

Manaafacaadka Geela

Jacaylka xad-dhaafka ah ee ay geela u qabeen muu ahayn mid dhayal iyo dheel ku yimid, balse manaafacaadka dheeraadka ah ee geelu leeyahay ayaa geyaysiiyay in ninkii hurdada laga kiciyaaba ku selelo, kii kadalloobaana u kooraysto sidii uu tuldo xaqannaas u soo xeroweydaarin lahaa.  Manaafacaadkaas faraha badan waxa ka mid ah:

1- Gaadiidsiga

Soomaalidu geela kiisa dheddig ma rarato, xurmo iyo tixgelin ay u hayaan aawadood. Balse waxay rarataa, dhaansataa, kuna safartaa geela kiisa lab. U adkaysiga uu u leeyahay abaarta iyo oommanaha iyo quwaddiisa jidheed oo is barkan ayaa geela ka dhigay sanco gooniya.

Cabdi-Gahayr oo ka mid ahaa raggii jacaylka geelu dhiiggooda iyo dhuuxooda raacay, dabadeedna oogadooda ka soo ifbaxay, ayaa isaga oo ka hadlaya gaadiidsiga geela yidhi:

Markab buu adduunyada u yahay, macallinoow geele
Magaalada Hargeysiyo Berbera, moodka waxa keena
Ee Adari maarsey ka dhigay, muranku waa ceebe
Waa muruq-addoonloow ratiga, micida waaweyne

Askar Cali gabyaa la odhan jiray ayaa isna si wacan inoogu faahfaahiyey kaalinta muhimka ah ee maantii la geeddiyo bacadle-awr mooyiye cid kale buuxin karin. Gurgurka aqalka, maqasha iyo maxasta (carruur iyo coobir xaaddu caddaatay labadaba) inta guradiisa la saaro ayaa caynka loo jiidaa, markaasaa meeshii in uun tigaadi ku dambaysay lagu tiigsadaa. Wuxu yidhi Askar:

Guri lagu raryaa iyo ilmaha gurada saartaaba
Isagaad ku gudubtaa halkii naq ah ku gaadhsiine

2- Caanaha

Guud ahaan xoolo dhaqatada, gaar ahaanna geeljiruhu waxay aamminsan yihiin in caanaha geelu ka tayo iyo abdo wanaagsan yihiin kuwa xoolaha kale. Taasna waxa daliil cad u ah maahmaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘Maggaabo geel gelin dhan bay ku waddaa’, oo macnaheedu yahay hal mar oo aad caano geel cantuugto, maalin badhkeed ayaad ku tamarisaa.

Dadka qofkii xoog badan ee la loodin kari waayo ama dhinaciisa dhulka la dhigi waayo, reermiyigu waxay yidhaahdaan waa caano-geel-dhan, kurtin uu ku turunturroodo mooyiye aan cidi tabcayn karin. Taasina waxay sii xoojinaysaa fikradda laga qabo tayada caanaha geela.

Gabyaagii weynaa ee Cumar Xuseen (Cumar-Isteelliye) oo ka mid ahaa raggii geela sida aadka ah u ammaanay oo meel kore oo cirka iyo dhulka dhexdooda ah geeyay ayaa inoo sharxaya markii adiga oo surmi ah caano geel oo suusuc ah lagu siiyo, sida hungurimarka leh ee aad u shafeecsato. Wuxu yidhi Cumar-Isteelliye:

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyay wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Dhallaannimo qodxihi kugu mudaa kaaga soo dhaca e
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele

Caanaha geelu waa sooryo dhammaystiran oo lala hormari karo marti iyo mudane qofkii maalinkaa la maamuusayo. Iyaga ayay ku soori jireen kub ku-boodhlaha socotada ahi markii uu xeryahooda soo tilmaansado. Marar badan ayay dhici jirtay in marti reerka xil ku lihi goor danbe oo habeenkii ah ay geb soo tidhaahdo iyadoo xoolihii la maalay. Markan oo kale reermiyiga xilqabeenka ahi aad ayay u welwelaan, waa se haddii aanay geel lahayn. Balse ninkii geel lihi si fudud ayuu u xil baxaa. Aayar ayuun buu oodda ka rogaa Xaawis iyo Direys oo uu haddeer uun hadhuubbadooda muska ku foorarinayay. Markaasuu soo xigaa oo martidii diifta iyo diihaalku ka muuqday gaawe xoor leh hordhigaa. Intaa dabadeed ayuu xaq u yeeshay inuu geeliisa ugu heeso sidatan:

Xaylo guudweyn
Xiddiggoo dhacay
Xil ma kuu yimid
Oo ma lagu xigay
Oo ma la xil baxay

Madal la isugu yimaaddo oo dhaqankii hore ah oo guud ahaan caddaan caanood ka maqnaan jireen (gaar ahaanna kuwo geel) way yarayd amaba may jirin. Xataa reerka arooska ah, habeenka alalaaskooda iyo inta reerku cusub yahayba, waxa la iska ilaalin jiray karuur iyo kasoofeen kii ay doonaanba, in aan aqalkoodu kayd caanood ka madhnaan. Salaan Carrabay, gabyaagii afafka badan yiqiin, oo saluugay aqal aroos ah oo oodkac geel iyo karuur shawleh aanu raarta u oollin waatuu ku gabyey:

Aqal aan hilbiyo soori ool, haqabla’ oo buuxa
Oon haanku caanaha ku jirin, Halab karuurkeeda
Guur uma hagaagine waxbaa, loo hadoodilaye

3- Cadka (Hilibka)

Marka ay reermiyigu qabsanayaan allabari, fantasiye ama kulan kale oo muhiim ah, waxa goobtaas lagu dhuundhabi jiray gool shilis oo hilbihiisa laga hirqado, kaas oo derisyada iyo dabraacuba isku si uga wada durduurtaan. Waxa hubaal ah in dadka munaasabaddaas oo kale isugu yimaadda, neef adhi ah iyo mid lo’ ah toona aanu kafayn karin, balse neefka geela ah, in uu yaraado iska dhaafe, marka laga haago ayaa hilbihiisa qaar la kaydsadaa.

Sida badan, meel tulud geel ah lagu digdhabay, waxa isugu yimaadda dad badan kuwaas oo bulaankooda iyo yulqankooda meel durugsan laga soo maqli karo, sida ay sheegayso maahmaahda tidhaahda ‘meel hal lagu qalay ma hilbo yara, mana hadal yara’.

Sida ay u kala mudan yihiin hilbaha adhiga, lo’da iyo geelu waxa inoo caddaynaysa heesta soo socota oo hilibka geela ku tilmaantay sooryo lagu maamuuso cid meeqaan sare leh, halka lo’dana ay ku tilmaantay in waxa ugu weyn ee ka sii hadhaa uu yahay subag sixin ah iyo dufan lagu subkado. Adhigana isaga muquuno u daa! Waxay tidhi heestu:

Lo’baa sixin leh
Adhi baa sadaqo leh
Sooryo ibil baa leh

4- Bixinta Magta

Diinta Islaamka qudheeda ayaa si weyn geela u karaamaysay, maxaa yeelay geelu waa halbeegga keli ah ee shareeco ahaan lagu jaangooyo qudh iyo qoonba wixii aadanaha kala gaadha. Kas iyo kamma’ kay ahaataba, haddii ruux la qudhgooyo ama qardoofo kale loo geysto, geelu waa waxa qudha ee lagu kala qaboobo markii mag ahaan loo kala qaato.

Mar kale Cumar-Isteelliye isagoo arrinkaa gabay ku muujiyey wuxu yidhi:

Ajal dhimatay oy laba qabiil eedi kala gaadhey
Boqol awrku dheer yahay kolkii oodda laga qaado
Markaa saa ninkii iilka galay lagu illaawaaye

Sidoo kale Cambaro Nuux Maxamed oo ah gabadha ay jilibka isu aasteen abwaanka caanka ah ee Cismaan Ibraahim Warsame oo ‘Hurre Walanwal’ loo yaqaan, waatay arrinkaa gole ciyaareed kaga heestay iyadoo Hurre Walanwal ka dhaadhicinaysa in aanu jirin geel mooyaane wax diyo gala oo dakano baajiya, dadkuna danabbadoodii godgalay ku illaawaan. Waxay tidhi Cambaro:

Nin ragoo la gawracay baan
Gashigiisu kuu imanne
Geelu xoolo kuma jiro

5- Bixinta Yaradka

Waxyaabaha milgaha geela meel sare geeyay ee macnaha weyn u yeelay waxa ka mid ah yaradka oo ah xoolaha laga bixiyo inanta loo soo geedfadhiisto. Kaalintaas oo geel mooyaane aan geesleey kale buuxin karin. Inan kasta oo heego-muuqdheer ah oo hannaan wacan ama aabbeheed hawada sare mariyo, markii qaalmo dhabaabacaynaya oo baarqabkoodii Ina Sharafna dheer yahay la soo tubo, ayuu odaygii dhalay is kala garanwaayaa oo intuu farxad la kayrkayro, waan ku siiyey iyo ducaan ku raaciyey dibnihiisa ka kari waayaa. Cabdi-Galayax oo ahaa gabyaa rooxaantiisu geela aad u jeceshahay ayaa arrinkaa gabayadiisa geela midkood ku sheegay oo yidhi:

Naagaha middii quruxsan ee qaali lagu sheego
Amuu aabbaheed qarin jiroo qawlad lagu oodo
Sahal buu u qaataa ninkii qaalmo bixiyaaye

******          *****          *****        

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]

Tixraac:

  1. Buugga Suugaanta Geela – Axmed Cali Abokor
  2. Barnaamijka Af iyo Suugaan – Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’
  3. Ceel Walwaaleed – Axmed Ibraahin Cawaale
  4. Sheekadii Hurre Walanwal iyo Cambaro Nuux – Yuusuf Cabdille Cismaan ‘Yuusuf-Shaacir’

————-
Sidoo kale Akhri
Geela: Boqorka Xoolaha Soomaalida (qaybtii 2aad)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.