Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GEELA: BOQORKA XOOLAHA SOOMAALIDA

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur

Shaafici Qaasim

Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen. Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo. Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karnaa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘dameertaydii baa nin geel leh ii gashay’.

Dhanka kale, qofkii maalkiisa ku loofara ee aan waxba tashiilan waxay weydiin jireen su’aasha ah: ‘Ma geela ayaa korammo idiin ku jiraan?’ Sidoo kale ruuxii cadho aawadeed foolkiisu madoobaado ee la xejin kari waayo, waxay ku odhan jireen ‘Ma geelii aabbahaa ayaa la dhacay?’ amase ‘geeliisii ayaa cirka lagu maalayaa’, iyagoo gar u arkaayey ninkii geeliisa la damaaciyaa inuu marooradillaaco oo marada madaxa ku marto.

Haddii la eego maansada, maahmaahda iyo sheekooyinka murtida leh ee Soomaalidu ilaa waa hore isu soo tebin jirtay, waxa muush ka ah geela iyo dhacdooyinkiisa, taas oo ina tusaysa sida geelu noloshooda ugu soohnaa. Iska dhaafe, ubadka ay dhalaan magacyadii ay ugu wanqali jireen ayaa jacaylkii geela ay u qabeeni ka soo dhex tafay, saa waynaga maqalnay: Geelle, Geeljire, Geeldoon, Geelxoor, Caanogeel iyo kuwo kale.

Jacaylkii Ay Geela U Qabeen

Guud ahaan Soomaalida waxa ku jirta rooxaan geela jecel, reermiyiguna waabu ka sii xagjiraa. Jacaylka geela ayaa madaxmaray, kolkaasay xataa ruuxda bini-aadamku qiimihii ay lahayd neefaf geel ah dhaafsadeen. Bal u fiirso meerisyadan miidaamada ah ee gabyaa Ina Xasan-Deri la oran jirey laga soo sheegay. Wuxuu yidhi:

Badda jiidhayaa ama berri jaanta mariyaaba
Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxa!

Cabdi Warsame Baanji oo ‘Cabdi-Gahayr’ lagu garan og yahay ayaa isna cid walba baradhaafiyay kolkii uu aaminay in jacaylka geelu yahay mid kitaabiya ah oo diinka Muxammadiya boos ku leh. Waxa uu daliishaday in raggii rag ahaa ee nebi Muxammed la jaalay ay geelleey ahaayeen, aakhiro kolkii la tago ee uumiyaha la xisaabiyana, ninkii aan ifkii ayro soo dhaqan in arrinkiisu Allow sahal yahay!!! Malahayga waxa uu u jeedaa ninkii aan geel badan oo uu seko iyo sadaqo ka bixiyo lahayni, markii suurta la afuufo ee siraadka la maro, inuu solayga naareed ku siibto ayaan si xun uga yaabayaa. Wuxu yidhi Cabdi-Gahayr:

Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay
Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene
Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne!

Geeljiraha gaas-dhagoolaha ah qaarkii ayaa lexejeclada iyo jacaylka geelu dawga aakhiro seejin jireen, kolkii wadaadka sekeda ururinayaa isa soo dul taago oo ku wacdiyo inuu geeliisan reysimmada ah sekeda ka bixiyo. Wacdiga wadaadka ayaa u qudhqudhsami waayi jiray oo waxa ku adkaan jirtay inuu qaalmo goojinaya intuu xeradiisa ka soo saaro nin kale mihiibsiiyo. Kolkaasuu af buuxa wadaadkii ku odhan jiray: ‘Awgayoow, intii ay xero nin kale ka ololi lahayd, aniga aakhiro ha igu durduriso e iskaga tag!’

Hawsha Geela

Geela ay sidaas u jeclaayeen wuxuu ahaa mid dhaqiddiisa, dhaqaalayntiisa iyo soo-dhicintiisaba ay dhibi ku mataansan tahay oo ninkii karti iyo kelyo adayg la soo dhashay oo keli ahi uu ka soo dhalaali karo. Waa hawl u baahan qawsaarro aan hoh iyo caku toona oran, wiilal aan waaban oo wadnahoodu galawda aqoon iyo waayeel aan talada la weydaarin intaba.

Isagoo hawsha canaabta badan ee geela lagala kulmo dadka kale u dulmaraya, waatuu ninka geeljiraha ahi ku heesay:

Habar baa tidhi
Geelu hawl male
Oo harraad male
Oo hal gudhan male

***    ***       ***

Waanad horinoo
Waanad hoos gelin!

Mid kale oo ku muruqgo’ay hawsha feedhajabka leh ee shubaasha ayaa isna ku cataabay:

Feedha dhiman bay
Dhaami leedahay
Anna dhabarkiyo
Meel dhexdaasoon
Jeer u dhacay baan
Dhawr is leeyahay

Inkastoo arammi hore ladhkeedii ku soo kacayo, haddana wuxuu wacad ku marayaa inuu u hagarbixi doono oo intay darka joogto uu isna dawliska baacin doono. Wuxu yidhi:

Jeer oon laba dhidid
Oo dhafoorka ah
Midba dhan u tiro
Kuuma dhaartoo
Kuuma dhiidhiyin

Hawshaas canaabta badan ayaa geeljiraha ka dhigtay astaanta geed-adaygnimada. Waxa uu hiirta waaberi la baxaa geela, gadiidkiina ma soo hadhgalo jeer oo gabbalku dumo mooyaane. Habeenkii waa u gabayoox iyo gama’ la’aan, maalinweyntana waa u surmi iyo somalhaad. Balse ninkii aan sidaa u golongolin ee barqadii markay tahayna shaxda jeexda, habeenkiina kolba halkii jiibta iyo jaantu ka baxdo u ciyaarguda, waxay odhan jireen waa ‘xoolohunnay’ oo isaga iyo xero madhan baa is leh. Waxa heesahooda ka mid ahaa:

Wiil cawayskii
Kaa ciyaar guday
Adna ciil iyo
Cadhuu kugu dilay
Isna ceeb iyo
Caydh u halis noqoy

Intaas oo keli ah kuma koobna e, markii naqu gabaabsiyo ee maalinfoof waxba lagu soo waayo, ninkii rag ahi geeliisa waa u dedaalaa oo meeshii wax uun madow ahi ku dambeeyay ayuu uga xero dhigaa oo u xergeeyaa. Markay hawshaas u xidhxidhanayaan ayay ku heesi jireen:

Xas jadeerliyo
Haddaan xagar jiq ah
Looga xero dhigin
Cuudku ma xasilo

Hawkarka intaa le’eg ee heesuhu ka maragkacayaan waxay ku qaabili jireen qabweyni iyo qanaaco. Markay libdhadu soo baxdo ilaa inta ay liiqa dhigayso waxa ay ku foognaayeen geel, qofkii aan sidaas ahayn na, inuu la’aad yahay oo camal la’aani googoysay ayay aaminsanaayeen. Inay sidaas ahaydna waxaad ka garataa gadhmadoobahan sii dardaaraya labadii kuray-xoogle ee geela horweynta ah la xerriyey. Ballan habeennimo kallahe arooryo ayuu leeyahaye, isagoo xaggii tuulada u hilhilanaya, si uu geela kaalinka ugu sii diyaariyo, ayuu wiilashii jalleecay oo ku yidhi: ‘war hooy geelaas marka danlaawuhu dhawaaqo dhengedda soo saara oo soo dhaqaajiya.” … Ogow danlaawaha uu sheegayaa waa wadaadka mu’addinka ah ee salaadda hore daakira e! Haa…Kol haddaanu geel kala horaynin oo ku heesaynin wuxuu la dhawaaqaaba inay danla’aan tahay ayuu u haystaa, waase isaga iyo jahligiis.

La soco qaybta 2aad…

W.Q: Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]

Tixraac:

  1. Buugga Suugaanta Geela – Axmed Cali Abokor
  2. Barnaamijka Af iyo Suugaan – Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’
  3. Ceel Walwaaleed – Axmed Ibraahin Cawaale
  4. Sheekadii Hurre Walanwal iyo Cambaro Nuux – Yuusuf Cabdille Cismaan ‘Yuusuf-Shaacir’

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.