Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Opinion

Gocasho Waddaniyeed, Gardarro Shisheeye, iyo Garasho-xumo Soomaaliyeed

W/Q Faysal Cabdi Rooble

Odhaahda Tifaftirka: Waxaa hadda laga joogaa muddo ku siman 130 sano, xiliggii ku beegnayd qaybinta Afrika iyo dhulka Soomaaliyeed (Scramble for Africa) ee bishii Feb 1884. Haddaba deggelka WardheerNews iyada oo ku xusaysa Alla ha u naxariistee Barre Sare Siciid Samatar, ayay idiin soo gudbinaysaa maqaallo taxane ah oo ka hadlaya Tariikhdaasi qaybinta Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida. Waxaan filaynaa in maqaalladahani xusuus taariikheed ay ku  reebi doonaan akhristayaasha.

————————–

Qaybtii Koowaad (QI)

Waa in loo diidaa daganaansho buuxda in ay helaan bulshooyinka Barigu (Muslimiinta); waa in la taakuleeyaa oo lala saftaa dalalka asiixiyiinta ah sida Itoobiya oo kale… Waa in hay’adaha caalamiga ah, sida Bangiga Adduunka (World Bank, USAID iyo kuwa lamidka ah) loo adeegsadaa sidii loo carqaladayn lahaa Musliminta… Waa in Itoobiya si joogto ah la isu garab taaggaa maadaama ay tahay xoogga kaliya ee Masiixiga ah ee gobolka Geesk Afrika daggan (1993).[1] Samuel Huntington, Hormoodka Cilmiga Siyaasadda ee waddanka Maraykanka (Dean of Political Science).

Afeef iyo Hordhac

Richard Burten
Sir Richard Burten

Maqaalkani waxa uu salka ku hayaa dareen aan dhawaan la wadaagay bahwaynta  boggayga “face book” ku taxan. Kadib mawduucan oo kooban markaan soo bandhigay, waxaa la igu dhiiri galiyey in aan maqaal hufan ka dhigo. Waxa kale oo dadka qaarkoodna iga codsadeen, madaama uu mawduucani taabanayo salka dhibta innagu habsatay, in aan afkeenna hooyo ku qoro si dad badani wax uga faa’idaystaan. Midda kale oo arrimahaas raacsan waxay tahay iyada oo bishan Fabraayo laga joogo boqol iyo soddon sano (130 sano) billowgii qaybinta ummadda Soomaaliyeed.

Maqaalkani waxa uu ka koobanyahay laba qaybood. Tan hore waxaan ku fiirinayaa boobkii dhulka Soomaaliyeed iyo sababaha taariikhiga ah ee la xidhiidha boobkaas. Waxaan uga gol leeyahay saddex arrimood:

(1) In la shaaciyo buruburka Masiixiyiintu ku keeneen ummadda Soomaaliyeed ;
(2) In xal hadda laga raadiyo kuwii Soomaali burburiyey ay garasho la’aan tahay; iyo
(3) Baahida loo qabo abuurka dareen siyaasi ah oo xambaarsan taariikhda Qaranka Soomaaliyeed.

  1. Gundhig

Inkasta oo xidhiidhka dheer ee carriga Soomaaliyeed la-lahaa xaddaaradihii ka hanaqaaday Bariga-dhexe, Beershiya, Hindiya iyo Jaynna ay xusid mudanyihiin, haddana fara galintii xilligii Imberiyaaladda reer galbeedka wali lagama soo kaban. Dadaalka loogu jiro aasaaska iyo raadinta dawladnimo Soomaali ah oo waartana wali fari kama qodna.

Halgankaas joogtada ah waxa uu la billaabmay halgankii Sayid Maxamed Cabdule Xasan taariikhdu markay ahayd 1890-yihii ilaa 1920-yihii. Waxa uu halgankaasi sal ku hayaa oo u sabab ahaa dareenka laga soo horjeeday gumastayaashi reer-Yurub ee sida xawaaraha leh u soo galay xeebaha Soomaalida sida Jabuuti, Kismayo, Bosaaso, Baraawe, Berbara iyo Banaadir taariikhdu markay ahayd 1840-yihii iyo xilliyadii ka dambeeyayba.

Faragalinta xoogaggaas iyo kawo kaleba ku hayeen carriga Soomaaliyeed wali ma dhammaan, iyadoo xilligan aan joognana wali arritaasi socoto.(daraasaad qoto dheer oo ku saabsan fac-waynida xaddaaradda adduunka ay xeebaha Soomaaliyeed lahaayeen, fiiri: Charles Geshektar, “Somali Maritime History and Regional Sub-Cultures: A Neglected Theme of the Somali Crisis.”)

Xilligan casriga ah waxaa la aaminsanyahay in boqolkiiba labaatan wax ku dhaw (20%) badeecadaha gobolda Bariga Afrika la geeyaa ay maraan xeebaha Soomaaliya; dhaqaalahaasi xeebaha Soomaalida marana waxa lagu qiyaasaa $650 billion! Waa dhaqaale laxaad leh. (uoregon.edu/Piracy_Trade.)

Mataaneynta Masiixiga iyo Mereegtii Gumaysiga

Xog raadinta reer-Yurub ay ka billaabeen xeebaha Soomaalida arrimo badan, ayaa sababay. Midda wakhtigan la rabo in si kooban loo tilmaamo waa Shirkii Qaybintii Afrika (Scramble for Africa). Shirkaas caalamiga ah oo looga tashanayey arrimaha dadka aan “xaddaaraddoodu wali bislaan” (“less civilized world”), ayaa markay taariikhdu ahayd 1884kii lagu soo gunaanaday magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka.

Shirkaas Baarliin waxa diiradda si gaar ah loo saaray Geeska Afrika iyo carriga Soomaaliyeed saddex sababood awgood:

Tan koowaad, Geeska Afrika, gaar ahaan baddaha Soomaaliyeed, waxa uu leeyahay marinada ugu qiimaha badan marka laga fiiriyo dhinaca milatariga (geopolitical strategy). Hadday noqoto Gasiiradaha Diego Garcia, Ras Kambooni, Raas Xaafun, Barbara, Banaadir iyo kuwo kaleba , waxay ku haboonyihiin saldhigyo milatari oo gurmad loo adeegsan karo dagaallada ka aloosmi kara Afrika, Aasiya iyo Yurub-ba. Fikirkaasi waxa uu horyaal ka ahaa qaybintii lagu soo rogay ummadda Soomaaliyeed qarnigii 19aad.

Labo, xeebaha Soomaaliya waa marinno muhiim u ah dhinaca ganacsiga aduunka. Dalalka reer-galbeedku may qarsan damaca ay ka leeyihinn soohdimaha baddaha Soomaaliya. Xilliyadii 1920-yihii, Ingiriisku isagoon cidna la tashan ayuu billaabay in uu xeebaha Soomaaliyeed kusoo xad gudbo. Arintaasina waxay keentay in Daraawiishtu dagaallo furan lagalaan ciiddamada badda (Navy) ee Ingriiska agagaarka Ayle.

Saddex, Shirka Barliin waxaa iskugu yimad dalal Kiristan ah oo ka guulaystay xooggii waynaa ee Cusmaaniyiinta markii dambena loo bixiyey “bukaan-socdkii rrer-Yurub,” ama “the Sick man of Europe.” Xooggagaas reer Yurub ee guulaystay waxay talo ku gaadheen daafaha adduunka in ay xoojiyaan dawladaha Masiixiyiinta ah. Itoobiya oo kaliya, waa sida reer-Yrubku qabeen, oy boqorro Masiixiyiin ahi ay xukumayeen, ayaa laga samata bixiyey qaybintii Afrika. Qaybna in raqda Afrika Itobiya wax laga siiyo ayaa talo lagu gaadhay.

Halkan kaakhri maqaalka oo dhan: Gocasho waddaniyadeed
WQ. Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

11 Responses to “Gocasho Waddaniyeed, Gardarro Shisheeye, iyo Garasho-xumo Soomaaliyeed”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.