Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Golaha Wasiirada Jubbaland oo shir aan caadi ahayn ku yeeshay Kismaayo

Kismaayo,  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Gobolka ay ka jirto isku tashi Bulshada iyo Dowlada dhexdooda ah taas oo soo dadajin doonta in Al-Shabaab la wiiqo awooda ay halkaas ku leeyahiin wuxuu xusay in Ciidamada iyo Shacabku ay isku tiirsan yihiin oo ay si wadajir ah nabagalyada uga shaqaynayaan.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in xaaladahii abaarta uu gobolku kasoo kabanayo isla markana ay Noloshu soo hagaagayso.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu sheegay in la tayayn doono isla markana ay dardar galinayaan sidii Degmooyinka gobolka la isugu furi lahaa deeganada wali Al-Shabaab ay Jubbaland ka joogana looga xorayn lahaa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Waxaa xubnahu ay isku raaceen in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno katirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

Waxaa kale oo kulanka golaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn lagaga hadlay sidii loo meel marin lahaa xeerka dhulka iyo hantida Dowlada sida ugu dhaw bacdamaa ay muhiim tahay in dhulka dhisan ama banana ee ay Dowladu leedahay in gacanteeda lagu soo celiyo waxaana kulanka kan xiga xubnaha golaha loogu qaybin doona qoraalka xeerkan oo dhamaystiran.

Golahu waxaa kale oo ay ka hadleen dhacdadii diyaaradaha dagaalku ay ku duqeeyeen dad shacab ah gobolka Gedo iyadoo la isku raacay in baaritaan dheeri ah la sameeyo Xukuumaduna ay go’aan rasmi ah oo hawlgalada noocan ah la xiriira soo saarto si loo dhawro muwaadiniinta ku nool meelaha  Argagixisada lagu beegsanayo waxyeelana looga ilaaliyo.

Wasaarada Arimaha gudaha ayaa xubnaha golaha Wasiiradu ka dalbadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo gudbiyo Siyaasada lagu maaraynayo barakacayaasha iyo dadka dib uga soo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

—DHAMMAAD—
Xafiiska warfaafinta
Madaxtooyada Jubbalanf


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.