Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Golaha Wasiirada oo soo dhoweeyey Xeerkii Madaxweynaha ee meel marinta Hannaanka doorashada dadban ee 2016

Muqdisho, ——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ka mid yihiin Ammaanka guud ee dalka, Fatahaadda Wabiga Shebelle ee magaalada Beledweyne.

Cumar Cabdirashid_AliWasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Daa’uud Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee ammaanka guud ee dalka, wuxuna sheegay laamaha amnigu in ay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo amniga Caasimadda iyo gobollada dalka, si looga hortago falal argagixiso oo kooxaha nabaddiidku ay sameeyeen bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Beeraha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka xilligaan haysta shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle qaybta uu ka maro Gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa sheegay xaalad adag in ay ka jirto halkaasi, isagoo xusay wasiiro ka tirsan Xukuumadda in ay gaareen si ay qiimeyn ugu sameeyaan dhibaatada. Isagoo xusay in hay’adaha gar-gaarka ay kala hadleen sidii halkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee dalka, waxana ay wasaaraddu sheegtay dhammaan daladaha ka jira dalka iyo Wasaaraddu in ay ku mideysan yihiin Imtixaanka. Isla markaana lagu qaban doono inka badan 64 xarumood oo ku kala yaala Caasimadda iyo gobollada dalka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana golaha warbixin ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aheyd in xubnaha kala ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye in loo magacaabo safiiro, dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in loo magacaabo Safiiro buuxa.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ku meel mariyay hannaanka doorashada dadban ee sannadkan 2016 ka dhacaysa dalka.

—-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.