Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah

Muqdisho, June 28, 2018– Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafina, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Aadan Isxaaq, oo ka warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in sharciga hey’adaha dadka naafada ah ee goluhu ansixiyay uu caddeynnayo xuquuqda ay leeyihiin iyo daryeelka ay u baahanyihiin dadka baahiyaha gaar ah qaba.

Gololaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga dalka oo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay sida howsha u wadaan guddiga uu madaxda uu u yahay ee loo xil saaray Xuska sanad-guurada 58-aad ee Todobaadka Xorriyadda.

Ugu danbeyn golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadeed ee sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.