Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeyn Buugga: Qayb Libaax

Gorfeyntii Sirad Shirdon

Qoraaga buugga: Siciid Saalax
Farshaxan: Kelly Dupre

Qayb Libaax waa sheeko Soomaaliyeed oo aad looyaqaan hadana buug lagu soo daabacay. Buugani waa mid ka mid ah afar buug oo ay soo dabacday Somali Bilingual Book Project of Minnesota Humanities Commission. Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Minnesota Humanities Commission ayaa isku kaashatay 2006kii in ay soo saaraan buuggag iyo cajalado iyo fiidiyo ay ku baran karaan qaxootiga iyo dadka kaleba luqadda Igiriisiga.

Qayb Libaax1 Qayb libaax Buug Qayb Libaax waa sheeko ka dhacday Soomaaliya. Ugaartii baa dibadda u soo baxday si ay wax ay cunaan u helaan. Waxay dileyn hal Geel ah. Markay sidaas uun u bilaabeen in ay kala qaybsadaan hilibkii, libaaxii baa diiday qaybtooda. Wuxuu yiri isaga oo san ogalaansho bixinin la ma cuni karo. Qayb walba oo ay ula yimaadeen wuu diiday libaaxu. Sheekadu waxay ku dhamaataa libaaxii oo la siiyey qaybta ugu weyn.

Qayb Libaax waa sheeko ay ku dheehantahay murti iyo casharo badan. Waxaan ka baran-karnaa in aysan jirin cadaalad mar marka qaarkood. Sheekadan waxaa loo adeegsankaraa in lagaga hadlo xumaanta ay leedahay wax-badso iyo wanaaga cadaaladda. Sanado badan, waalidiinta Soomaaliyeed waxay adeegsadeen sheekooyiin murti leh si ay caruurta u baraan adaabta diinta iyo dhaqanku ay amaanaan.

Maadaama ay fara-ku-tiris yihiin buuggaagta ku qoran caruurta luuqadahooda siiba Af-Soomaaliga, sidaas darteed, buuggani waa wanaag ku soo biiray bulshada. Ayaamahan waxaa soo korartay xishmeynta caruurta dhaqamadooda iyo luuqadahooda. Sidaas darteed, buuggani iskuma soo dhaweeyo caruurta iyo dhaqankooda kaliya ee wuxuu horimarinayaa sheekooyinkii dhaqameed ee la’iska soo dhaxlay. Maadaama uu buugu ku qoranyahay Af-Soomaali iyo Ingiriisi, dadka kalena way ka faa-iidaysankaraan.

Af-Soomaaliga uu ku qoranyahayna wuxuu u fududeenayaa waalidku in ay u akhriyaan caruurtooda sheekooyinkan soo jireenka ah.Qoysaska akhrisku uu ku dhibyahay, sawirada buuga la socda ayaa soo jiidanaya oo hagaya. Kelly Dupre sawiiradeedu way qurux badanyiheen. Sawiradeedu waxay tusayaan dugaaggii sheekada ku jiray oo dhan iyo xanaaqii ama farxadii ka muuqatay wajiyadooda. Waxaa layaab leh siday Kelly u sawirtay oo ay u buunbuunisay suuraha ka muuqda wajiyada dugaagga. Waa suurtagal caruurta qaarkood in aysan fahmin macnaha ay sawiradu u taaganyihiin taasna waxaa ugu wacnaankara in aysan hada ka hor buugaaga sawiro leh aysan soo akhrisan jirin.

Buugga waxa ugu weyn ee macnaha u yeelay waa Af-Soomaaliga lagu daray! Ereyo badan oo ay ciyaalku iyo cirooluhuba ay ku qoslaan baa ku jira buugga. Qoraaga Saciid Axmad wuxuu mudanyahay mahad, waayo ma fududo in sheeko afka laga sheegi-jiray in laga dhigo qoraal. Waxaa haboon in uu qoraagu ku qoro luuqad ay caruurtu fahmikaraan. Caruurta kaliya ma ahane, kacaanka kale ee xiisanaya sheekooyinka Soomaaliyeed. Badanaa sheekooyinka Soomaalidu xittaa kuwa luugu talagalay ciyaalka waxay ku qoranyihiin luuqad iyo ereyo adag oosan fahamkeedu fududayn.

Qayb Libaax waa sheeko aad u wanaagsan oo ku qoran labo luuqadood. Waxaan ku jirnaa wakhti ay waalidiintu ay rabaan in ay ka dhaadhiciyaan caruurtooda dhaqanka Soomaalidu waa maxay. Buuggani wuxuu u soo dhawaynaya caruurta iyo dhaqankooda Soomaaliyeed.

Sirad Shirdon
Email:[email protected].

————-

Sirad Shirdon is a Speech-Language Pathologist and a PhD Candidate in Language, Education and Society at the Ohio State University. She blogs regularly at The Somali Literacy Project (theSomaliLiteracyProject.com). 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.