Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta kormeeray xarunta Golaha Shacabka

Muqdisho, (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad iyo xoghaayaha guud ee golaha ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Golaha Shacabka oo ay soo kormeereen qeybaha xarunta ay ka koobantahay.

Waxay mid mid u booqdeen xafiiska waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka, iyagoo xafiis walbana qofka mas’uulka ka ah uu Guddoomiyaha uga warbixinayay howlaha uu haayo, waxaana Guddoomiyaha la socday Injineero qiimeynaya dib u dayactirka lagu sameynayo xarunta.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa isla xarunta kulan isugu jiray isbarasho iyo ogaansho xaalada shaqada Golaha kula qaatay howl wadeenada Golaha Shacabka, waxaana Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad oo kulanka ka hadlay uu uga warbixiyay Guddoomiyaha shaqada howlwadeenada oo uu aad u amaanay, wuxuuna tilmaamay in ay yihiin laf dhabarta Golaha Shacabka ayna ku shaqeeyaan duruufo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku ammaanay howl wadeenada Golaha Shacabka shaqada ay golaha u hayaan, isagoo uga mahad celiyay u adeegida qaranka iyagoo waliba duruufo adag kusoo shaqeeyay.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa u balan qaaday shaqaalaha in qof walba xuquuqdiisa siduu u heli jiray u heli doono, wixii kale oo xuquuq ah oo ay leeyihiina ay heli doonaan, waxaana Guddoomiyaha sidoo kale uu sheegay in Golaha uu yeelan doono xarun caafimaad oo golaha shacabka u gaar ah.

Xigasho: SONNA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.