Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • News
  • Warar

Guddoomiye Jawaari iyo Nicholas Kay oo Baydhabo Ku Kulmay

DSCN0426Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugnaayeen gobolka Baay, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay.

Kulanka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iyagu ah guddiga farsamada maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa hannaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Danjiraha QM ee Soomaaliya oo isagu ah madaxa xafiiska UNSOM Nicholas Kay oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib la hadlay saxaafadda, ayaa ugu horeyn ku ammaanay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uui sugu howlay isfahmka iyo heshiisiinta shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, islamarkaana uu waqti uu ugu huray waxaana uu dhanka kale tilmaamay in QM ay si buuxda u garab taagan tahay natiijooyinka dadaallada socda ee Guddoomiyaha Baarlamaanka hormuudka ka yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay kulanka kadib, ayaa uga mahad celiyey QM taageerada ay ballan qaaday iney la garab taagan yihiin shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu Guddoomiyaha Baarlamaanka xusay in inta uu kulanka socday looga hadlay halka ay marayaan dadaallada maalmihii lasoo dhaafay uu u joogay
magaalada Baydhabo oo hada meel wanaagsan maraya.

Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.