Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Guddoonka Baarlamaanka Oo Xoghayaha Guud Ee Golaha Shacabka Uga Tacsiyadeynaya Geerida Ku Timid Hooyadiis‏

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Md. Jeeylaani Nuur Iikar, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Md. Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Md. C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ay uga tacsiyadeynayaan geerida ku timid Allaha u naxariistee Hooyadiis Faadumo Aw Xuseen Jabriil oo ku geeriyootay magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxa ayna Alle uga baryayaan naxariistiisa jano uu siiyo,carruurta, ehellada iyo qoyskii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Haddii aanu nahay bahda WardheerNews waxaanu tacsi taa la mid ah halkan ka gaadhsiinaynaa Xoghayah Guur ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Md. C/kariim Xaaji Cabdi Buux iyo guud ahaanba qoyska reer Xaaji Cabdi Buux, geerida ku timid hooyo marxuumad Faadumo Aw Xuseen Jibriil oo ku geeriyootay magaalada Jigjiga, waxaanan Eebbe uga baryaynaa in uu marxumaddaas naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.