Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Guryasamo (Sheeko Gaaban)

W.Q. Faarax Xuseen Maxamed (Canbaashe)

Waxa qof walba oo xaafadda deggan wejigiisa ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo aan la qiyaasi karin.  Waxa laga murugaysanyahay dilkii shalay galab ka dhacay magaalada. Waxa uu ahaa dilkii ugu horreeyey ee  noociisa ah ee beryahaa ka dhaca  xaafadda Galcadaawe. Waxa uu ahaa dil si lama filaan ku dhacay, waxuuna ka dhashay  muran dhexmaray Xoogsade iyo nin ka mid ah dadka xaafadda deggan.  Markii ay dooddii dheeraatay ayaa Xoogsade xabbad circka u riday, xabbaddiina waxa ay shafka ka cuskatay nin oday ah oo deriska ah, marayeyna meel u dhow halkii lagu buuqsanaa. Isla markiiba dhulka ayuu u dhacay isaga oo mayd ah. Daqiiqaddaa laga billaabo Xoogsade waxa uu dareemay diiqad iyo cidhiidhi, maxaa yeelay ninka ay xabbadu kaga dhacday ma ahayn mid shuqul ku lahaa murankii iyo dooddii meesha ka socday. Waxa uu ahaa qof meesha iska marayey waqtigaa xabbadu ka baxday qoriga afkiisa.

Inkastoo uu Xoogsade ogyahay in marxuumka dhintay aanay xaggiisa wax dhib ahi uga iman karin maadaama uu ahaa nin ka soo jeeda dadka looma-ooyaanka ah ee sidii la doono laga yeelo haddana damiirkiisu waa u ogolaan waayay in uu iska indho tiro dhiigga Bani’Aadam ee uu galay.

Tiiraanyo awgeed waa uu madoobaaday, afar caanamaalna afkiisu wax oomati ah dib uma rogin. Maalmo badan ayuu uurkutaallo ku seexday oo ku soo toosay. Waxa joog iyo jiifba u diiday qoomamada dhagarta aanu ku talagelin. Waxa uu aad uga fakiray oo maskaddiisa ku mashquuliyay sidii uu xal ugu heli lahaa mushkiladan. Ujeeddadiisu waxay ahayd in uu cabsi geliyo deriskiisa, marna ma filayn in uu qof bilaa dembi ah nafta ka goynayo.

Mar qudha kama suulin murugadii.  Wax alla wax uu sameeyo ma garaneyn, werwerka joogtada ah waxa u dheeraa indhaha mar walba xaggiisa ku soo maqan iyo hadal haynta arrintan  markii laba indhood laga qaadoba.  Waxa ugu darayd ee uu ka ledi waayey, mar kasta oo uu il saaro agoontii iyo hooyadii uu saygeeda salfaday, taas oo uu riyo iyo soojeedba ka joogi kari waayey. Marar badan ayuu hurdada habeenkii ka selelaa isagoo ku dhawaaqaya “i saamaaxa, waan idin baryayaaye i saamaxa.” In badan ayuu naftiisa hiif iyo hiirtaanyo ku hayey. Waxa uu isku hiifi jiray, “hub cadow loogu talo galay ayaad qof aan dembi lahayn iyo deriskii qudha kaga goysay!”.  Waxa uu xusuustay xadiithkii iyo dardaarankii nebiga (nnkha) ee tilmaamayey deriska iyo derajadiisa. Waxa kale oo uu xusuustay xadiithkii kale ee uu nebigu (nnkah) ku yidhi;  “Qofku waxa uu ku negaadaa nefis xagga diintiisa, haddii aanu dhiig xaaraan ah daadin”.

Waxaa mar walba hor iman jirtay cadaabka iyo cawaaqib xumada Aakhiro uga horreysa. Naftiisii waa ay qaadi kari wayday murugadii iyo diiqaddii. Waxa uu go’aansaday in uu si uun u furdaamiyo arrinkan oo xal u helo,  naftiisoo loo qisaasona ha noqotee, si uu uga nasto cadaabtan.  Waxa uu naftiisa u sheegay in ciqaabta adduunyadu si kasta oo ay u weyntahay oo u xanuun badan tahay aanay u dhigmin ilbidhiqsi cadaabta aakhiro ah.

*****************

Waxa ay ahayd habeen khamiis ah markii uu Xoogsade goostay arrin uu naftiisa keliya kula shawray habeenkiina ku seexday isaga oo aan cid kale u sheegin.

Aroortii xigtay markii uu waagu beryey ayuu isu diyaariyey Salaadii Jimce. Waxa uu ka mid ahaa dadkii safka hore sii buuxiyey. Waxa uu si deggan u dhegaystay khudbaddii imaamka. Wacdi aad moodaysay in ay maanta ugu horrayso ayuu si wanaagsan u dhegta ugu raarciyay. Khadiibkii dadkii buu wacdiyey oo aakhiro xusuusiyey. Waxa uu ka sheekeeyay Jannada iyo wanaageeda, waxa uuna uga digay cadaabta naarta.  Waxa uu dadka ku booriyey towbadda iyo in ilaahay loo noqdo.

Markii salaaddii laga salaamanaqsaday ayaa inta uu Xoogsade soo kacay dadkii is hortaagay isaga oo la moodo in uu khudbad jeedinayo;  “Dadow samaha laynoo jeediyey aan dhegaha u daadejino. Waa in aynu ku dayanaa dadkii hore ee wanwanaagsanaa. Cadawgeena ka guulaysan mayno ilaa inta aynu nafteena nadiifinayno. Hubka aynu haysanno waa in aynu cadowga kula jihaadnaa. Qof walba oo wax iga tirsnaya waxa aan rabaa in uu hadda iga goosto, guriga ilaahay gudihiisa igaga goosta. Inta uu dhinaca bidix u jeestay ayuu soo eegay wiilkii aabihii gacantiisa ku baxay; isaga oo ku leh; “hoo iga gooso oo ii dil dhiiggii aabahaa”.

Dadkii oo dhan ayaa aamus shib wada yidhi, iyada oo la dhawrayo waxa uu ku jawaabi doono wiilku. ‘Waan kuu baahannahay adiga iyo qorigaagaba si aan cadowga ugula dagaalanno. Dadow waxaad ogaataan in aan hor ilaahay u cafiyey’ ayuu yidhii wiilkii.

Xoogsade ayaa hadalkii qaatay  isagoo leh; “Waxaan ilaahay hortii ballan ku qaadayaa in aanan hubkayga qof muslim ah oo dambe ku fiiqi doonin . Waxaan u taagnaan doonaa, in aan damiyo fitno walba oo xaafadda ka dhacda”.  Waxa si kal iyo laab ah u salaamay wiilkii uu  marxuunku ka tegay, isaga oo labadiisa indhood ay ilmo ka da’ayso. Waxa ay ahayd madal ay hadhaysay oohin iyo farxad wada socdaa. Waxa halkaa lagu aasay godob iyo fitno werwer iyo walaac badan dadka ku ahayay. Intaa ka dib waxa la go’aansaday in xaafadda magacii hore laga bedelo, wax la isku raacay in maanta wixii ka dambeeya loo bixiyo ‘Guryasamo’.

W.Q:  Faarax Xuseen Maxamed
Email: [email protected]
—————–
Faarax waa qoraaga buugga Marlarag oo lagu soo ururiyay sheekooyin gaagaaban, dhawaanna ay daabacday shirkadda Looh Press.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.